Uurka iyada oo ku jirta ayaa aabaheed Laascaanood ay SNM ku dileen. Caawa ayeey dhalatay, waxaana loo bixiyey Xoriyo
Gabadhaan yar Xalay ayey ku dhalatay cisbitaal Kuyaala Laascaanood , Aabaheed oo ahaa Aqoonyahan wuxuu kamid Noqday Dadkii ku Geeriyooday xasuuqii ay dhowaan jabhadda SNM ay ka gaysteen Laascaanood.Waxaa loo Bixiyey ( Xoriyo ) Taas oo ka dhigan in ay Dhalatay Laascaanood oo xor ah aabaheedna uu Qayb Ka Noqday Xoraynta Magaalada.Soo Barbaar Xoriyo Maxamed Cabdi C. Abokor.
Bahda Allsanaag, waxay taci tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee Dr. Mohammed Ahmed Nugaal, oo ku geeriyooday magaalada Badhan ee gobolka Sanaag . Waxaan Allah uga baryeynaa inuu naxariistii Jano ka waraabiyo Marxuumka, Eheladdi iyo Qaraabadii uu ka tegayna Samir iy Iimaan uuka siiyo Aamiin Aami
Shirkadda Shidaalka Sacuudiga oo faa’iidadii ugu badneyd soo xareysay 2022-kii
Shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramco ayaa sheegtay Axadda maanta ah inay diiwaan-gelisay faa’iido dhan $161.1 bilyan sannadkii hore, taas oo muujinaysa sida qiimaha saliidda ee kor u kacay kadib duullaankii Ruushka ee Ukraine uu kiciyay kobaca dhaqaalaha ugu sarreeya ee dhoofinta shidaalka adduunka.
Shirkadda tamarta ee inta badan ay dawladdu leedahay, oo ah shirkadda labaad ee ugu qiimaha badan adduunka marka laga reebo shirkadda Apple, ayaa warbixin ay kasoo saartay suuqa saamiyada Sucuudiga ku sheegtay in dakhliga saafiga ah ee 2022 uu kor u kacay 46 boqolkiiba, halk sannadkii 2021 uu ahaa $110 bilyan.
Waxay sheegtay in natiijooyinkii ugu xoogganaa tan iyo markii Aramco ay noqotay shirkad liiska ku jirta 2019 ay inta badan sabab u tahay saameynta sicirka shidaalka ciiriinka ah ee uu qiimihiisa iibinta uu kor u kacay, iyo xoojinta sifeynta xad-dhaafka.
Waxa kale oo ay Amco kor u qaaadday kobaca dhaqaalaha guud ee Sucuudiga kaas oo ay saraakiishu sheegeen inuu kobcay 8.7 % sanadkii 2022, waana heerka ugu sareeya ee waddamada G20.
Guulaha dhaqaale ee Aramco waxa lagu qiimeeyay dakhliga isku midka ah ee sannadka 2022 ee ay soo tebiyeen shanta ugu waaweyn shirkadaha shidaalka ee – Shell, Chevron, ExxonMobil, BP iyo Total Energy – kuwaas oo kor u dhaafay $150 bilyan.
Xarumaha shirkadda Aramco ayaa waxa hore ula kulmay weerarro ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo, kuwaas oo ay sheegteen Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto, waxaana ugu dambeeyay muddo sannad laga joogo, balse heshiis lama filaan ah oo Jimcihii dhex maray Riyadh iyo Tehran ayaa lagu sheegay in dib loo soo celinayo xiriirkii diblomaasiyadeed ee go’ay sannadkii 2016-kii, kaas oo yarayn kara khatarta bilaha soo socda.
Waddan uu qiimaha basasha ka yahay saddex laabka qiimaha hilibka
Basashu waxay ka mid tahay khudaarta ay sida isku midka ah looga isticmaalo guud ahaan caalamka, Soomaaliduna dheri walba oo ay ay cunto karinayaan kama maqna basal. Waxaa basasha lagu tilmaamaa mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee cuntada lagu carfiyo.
In basal la jarjaro waa howsha ugu xanuunka badan marka lagu jiro jikada, maadaama ay indhaha ilmeeyaan waqtiga mindida lagu yaryareynayo. Laakiin oohintu way ka badan tahay mid ku saabsan basasha indhaha galeysa marka la joogo dalka Philippines.
Dhorwkii bilood ee lasoo dhaafay shacabka dalkaas waxaa heysta dhibaato la xiriirta qiimaha basasha oo aad sare ugu kacay, dadka qaarna ka oohisiiyay.
Qiimaha halkii kiilo oo basal ah waxa uu Soomaaliya ka joogaa qiyaastii nus doolar ilaa hal doolar. Sida caadiga ahna hilibka isugu jira ariga, lo’da, geela iyo digaaga ayaa aad uga qiimo badan khudaarta ay ku jirto basasha, maadaama loo adeegsado in lagu carfiyo oo keliya.
Hase yeeshee, si ka duwan dunida inteeda kale – oo basashu ay jiimo isu dhow ka joogto – waddanka Philippines waxaa aad raqiis uga ah hilibka marka la barbar dhigo qiimaha ay ka joogto basasha.
Isbuucan waxaa lasoo tebiyay in halkii kilo oo basal ah ay suuqyada waddankaas ka gaartay ku dhawaad $8 doolar iyo bar, halka kiilada hilibka digaagga lagu kala iibsanayo $3 doolar oo keliya.
Celcelis ahaan mushaaraadka ay dadka ku nool Philippines qaataan waxa uu maalintii noqonayaa qiyaastii $6.84 doolar (lix doolar iyo siddeetan iyo afar senti), taasoo micnaheedu yahay in mushaarka maalinlaha loo qeybiyay uu ka yar yahay qiimaha hal kilo oo basal ah.
Waddanka Philippiness ayaa ka mid ah dalalka sida aadka ah looga isticmaalo raashinka lagu daro basasha iyo toonta, kaasoo qeyb ka ah raashin dhaqameedka dalka oo soo jiray ilaa xilligii gumeysiga Spain.
Baraha bulshada waxaa lagu faafiyay qoraallo ku saabsan in hadiyadda ugu muhiimsan ee qoysaska loo geeyo ay hadda tahay basal.
Dowladda ayaa ugaarsaneysa ganacsato si dhuumaaleysi ah basal kusoo geliya dalkaas, iyagoo isbuucan gacanta ku dhigay badeecooyin basal ah oo lagu qiimeeyay lacag ka badan $300,000 oo doolar.
Waxaa dhanka kale dowladda lagu eedeeyay in ay ka gaabisay wax ka qabashada sicir bararka sida gaarka ah u saameeyay qiimaha basasha.
Labo sabab oo qaali ka dhigay basasha
Waxaa jira labo arrin oo sabab u ah sare u kaca qiimaha basasha ee dalka Philippines, sida uu sheegay Jim Nicholas Mapa oo ah khabiir ku xeel dheer dhinaca dhaqaalaha.
Tan koowaad waa in waddankaas ay ku dhufatay duufaan culus intii u dhaxeysay bilihii August ilaa September, sidaas darteedna ay burburisay dalagyadii beeraha ee la filayay. Musiibadaas ayaa timid xilli markii horeba ay basasha beeraha kasoo go’da ahayd mid aan dabooli Karin baahida suuqa.
Sababta labaad ayaa ah in basasha laga soo dhoofin jiray waddanka dibaddiisa ay ka daahday waqtigii loo baahnaa. Xilliga lasoo geliyo basasha ayaa mar walba ku beegma waqtiga ay soo go’aan dalagyada beeraha oo ku beegan bisha February..
Billowgii Bishan January ayey dowladda Philippines ansixisay in dalkeeda loo soo dhoofiyo ilaa 22 milyan oo tan oo basal ah si loo xasiliyo qiimaha suuqa.
Guddiyada Kheyraadka ee labada gole BJFS oo tababar loogu soo gabagabeeyey Muqdisho
Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa soo xirtay tababar soconayay muddo laba maalin ah, kuna saabsanaa sida ugu wanaagsan ee looga faa’ideysan karo Kheyraad Dalka si loogaara Horumar waara iyo ka ta xadirka saameynta uu Deegaanka ku yeelan karto.
Tababarkaan inta uu socday waxaa ka faaideystay Guddiyada Kheyraadka iyo Bii’ada ee labada Gole Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiye Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa umahadcelisay khubarada ka socotay HASTINGS BUSINESS TRAINING AND CONSULTANCY oo taba barkaan bixinayay.
Boosaaso: 11 March 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 14 ee 8-da March 2023, kuna saabsan Hirgelinta Khidmadaha Shatiyada iyo Jaangoynta Canshuuraha Ku-meel gaarka ah ee Khayraadka Macdenta.
Madaxweynaha Dowladda PuntlandMarkuu arkay:
Dastuurka Dowladda Puntand Qodobkiisa 54-aadMarkuu arkay: Baahidda loo qabo ka faa’iidaysiga Khayraadka Dabiiciga ah ee dalka gaar ahaan noocyada kala duwan ee Macdenta.
Markuu arkay: In aanay jirin Sharci dhaqangal ah oo lagu canshuuro ama lagu bixiyo shatiyadda Khayrkaadka Macdenta.
Markuu arkay: In ay lagama maarmaan tahay in la helo habraaca lagu jaangoynayo canshuurta iyo khidmadaha ka ganacsiga iyo dhoofinta Khayrkaadka Macdenta.
Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Tamarta Macdenta iyo Biyaha Dowladda Puntland.
Wuxuu Xeeriyey:
1. Wasaarada Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ayaa masuulka ah bixinta Shatiyada ka gancasiga iyo dhoofinta macanta. Shatiyadaas oo waajib ku ah cid kasta oo ka ganacsanaysa khayraadka macdenta.
2. Waxaa si kumeel gaar ah loo go’aamiyey (jaangooyey) Canshuurta ku waajibtay dhammaan macdanta laga dhoofinayo Dekedaha, Garoomada diyaaradaha iyo Xuduudaha kale ee Dowlada Puntland.
3. Waxaa la farayaa Wasaaradda Tamarta, Macdenta iyo Biyaha in ay muddo kooban gudohood ku soo diyaariso Sharciga iyo Siyaasadaha ka faa’iidaysiga Khayraadka Macdenta.
4. Inta laga soo diyaarinayo Sharciga iyo Siyaasadaha ka faa’iidaysiga Macdenta, waxaa si ku meel gaar ah loogu dhaqmayaa Xeerkaan.