

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka furmayo shirka Golaha Wadatashiga Qaran.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati-guduud ee magaalada Baydhabo si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, mas’uuliyiin heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Madasha Wadatashiga Qaranka ee Baydhabo ka furmaysa ayaa lagaga arrinsanayaa qaab dhismeedka amniga Qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxda Heer Dowlad Goboleed ayaa ka arrinsanaya qorsheyaasha muhiimka u ah geeddi socodka dowladnimada iyo horumarka dalka.
Waa diidanahay in dayn cusub nala ku qaato” Wasiirka Qorshaynta Dawladda Puntland Maxamed Siciid Faroole.
0 qof oo kale oo ka mid ah jaaliyadda Soomaalida degan gobolka Minnesota ayaa Isniinti shalay lagu soo oogay dacwad xiriir la leh, masuq-maasuq ay Waaxda Caddaaladda Mareykanka sheegtay in lagu sameeyay mashruuc quudin ah oo laga fuliyay magaalooyin ku yaalla gobolka Minnesota.
Bishii September ee sannadki hore ayaa dacwad tan la mid ah lagu soo oogay ilaa 50 qof oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya balse heysta dhalashada Mareykanka.
Tirada guud ee dadka la tuhunsanyahay ee lasoo dacweeyay ayaa hadda gaartay 60 qof.
SHIR SAXAFADEED KA SOO BAXAY SHIRWAYNE JAALIYADDA MAAKHIR EE NORTH AMERICA UGA SOCDAY MINNESOTA SADAX CISHO.
Arrinta iskada harti in ay so gurmatee , Hadi Muuse Sidan Ku Sii Socdo Sabab Udidaysa Wiilka Kablalax Uu Kuso Ciidamiyo Ma Jirto”Garaad Jamac Garaad Cali”.
DUBAI, Imaaraadka Carabta – Iran ayaa Isniintii ku dhawaaqday in hoggaamiyaha sare ee dalkaasi uu cafis u fidiyey in ka badan 22,000 oo qof oo loo xidhay mudaharaadadii dawladda looga soo horjeeday ee dalkaas ka dhacay, hase ahaatee ma jiro cid si rasmi ah u xagiijin karta warka sii daynta ee ka soo baxay xukuumadda dalkaas.
Bayaan ka soo baxay madaxa garsoorka ee dalka Iran ayaa markii ugu horraysay si weyn loogaga hadlay baaxadda ay le’eg tahay hawlgallada ay dawladda ee ka dhanka ahaa mudaharaadayaasha ka soo horjeeday xukuumadda, kuwaas oo soo bilaabmay, ka dib geeridii Mahsa Amini oo 22 jir ahayd.
Illaa haatan waxaa dalkaas ka jirta cadhada ka dhalatay geerida gabadhaas yar iyo weliba habka ay laamaha ammaanka ee dalkaasi ula macaamileen, mudaharaadada, arrintaas ayaa taabatay guud ahaan, xasiloonida dalka iyo dhaqaalahaba.
Wakaaladda wararka ee dalka Iran ayaa ka soo xigatay madaxa garsoorka ee dalkaas, inuu hore u sheegay in hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei inuu cafis u fidin doono, qaar badan oo ka mida maxaabiista la qabqabtay intii ay socdeen mudaharaadadu, iyada oo lagu soo beegayo bisha barakaysan ee Ramadaanta, taas oo bilaabanaysa dhammaadka toddobaadka soo socda.
Madaxa garsoorka ee dalka Iran ayaa sheegay in illaa 82,656 oo qof in la xabsiga la dhigay, halkaas oo qaar ka mida haatan cafis loo fidiyey. 22,628 ka mida maxaabiistaas ee la cafiyey ayaa iyaga la xidhay iyaga oo ka qaybgelaya mudaharaadada. Wuxuuna sheegay in tirada la cafiyey ay ahaayeen, maxaabiis aan ku kicin tuuganimo ama falal qalalaase ah.
Sida uu BBC da u sheegay Garaad Mukhtaar Garaad Cali oo ka tirsan odayaasha dhaqanka ee magaalada Laascaanood, wafdi ka socday Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay oo loo xilsaaray xaqiiqo raadinta dagaalka Laascaanood ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka.
Kulanka ayaa ka dhacay dhismaha Qaramada Midoobay ka dagan tahay magaalada Garowe ee caasimadda dawlad goboleedka Puntland, waxaana ka qayb galay saddex garaad oo matalayay dhaqanka iyo afhayeenka guddiga aaya ka tashiga SSC. Garaad Mukhtaar wuxuu ahaa ayaa kamid ah xubnaha Garaadada ah ee shirka ka qayb galay.
Guddiga ayaa su’aalo ka waydiiyay xubnahaan xaaladda magaalada Laascaanood iyo dhacdooyinka gundhigga u ahaa dagaalka mudada bisha ka badan ka socda magaalada.
“Annagu xogtii dhabta ahayd ayaan u sheegnay, oo ahayd tiradu maalintaas intay maraysay oo ah 181 dhimasha ah, inta bandanna u badnaa dumar iyo caruur, waan u sheegnay dadka ku dhaawacmay” ayuu yiri Graad Mukhtaar oo marka uu noo warramayay ku sugnaa magaalada Garowe.
Dagaalka magaalada Laascaanood ayaa socda bil iyo todoba maalin oo xiriir ah, inkasta oo maalamaha qaar xaalku daganaa uusanna jirin dagaalka fool ka fool ah oo ay ciidamada labada dhinac isaga horyimaadeen.
Guddiga xaqiiqa raadinta ee Qaramada Midoobay ayuu Garaad Mukhtaar noo sheegay in ay doonayeen in ay tagaan magaalada Laascaanood, balse aysan u suuragalin maadaama uu dagaalku wali socdo.
Dhanka kale guddi kale oo xaqiiqo raadin ah ayaa la kulmaya dhinaca Somaliland kuwaas oo su’aalo ka waydiinaya xaalka Laascaanood.
Garaadadu waxay rajo wanaagsan ka muujiyeen go’aanka ka soo bixi doona xog uruurinta ay wadaan guddigu, kaas oo la filayo in golaha ammaanku ka doodaan dabayaaqada Bishan Maarso.
Garaad Mukhtaar wuxuu u sheegay BBC da in ay ka filayaan Qaramada Midoobay go’aan ay ka soo saaraan cidda iska leh masuuliyadda dagaalka Laascaanood. “Hadii ay anaga noqoto iyo hadii ay dhanka kale ee Muuse biix noqotaba in ay xogta soo saaran, kadibna ay nasiiyaan ciqaabta kooxdaas ku waajibta [ayaan filaynaa].” Ayuu yiri Garaad Mukhtaar.
Waxaan wax ka waydiinay in ay doonayaan wadahadal dhex-mara iyaga Somaliland iyo hadii ay rajo ka qabaan in ay dib ugu biiraan Somaliland.
“Mustaqbalka waxa ilaahay keeni doono Allahu yaclam, laakiinse inta hadda aan ognahay cadaawadda meesha ka dhacday iyo arxan-darrada meesha ka dhacday, waxaad moodda Muuse inuu u diyaaryahay inaan la isu soo laaban, rajadeediina wuu soo afjaray” ayuu yiri Garaad Mukhtaar.
Dagaalka Laascaanood ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid kamid ah kuwii ugu waqtiga dheeraa ee ka dhaca deegaanada Soomaalida.
Somaliland dhankeeda kama aysan hadlin hadii ay la kulmeen guddi ka socda Qaramada Midoobay iyo wada hadal dhexmaray midna.
Muqdisho, 13 March 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ay uga bilaabatey magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Asmara si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweyne Isaias Afwerki iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Eritrea .
Inta uu joogo halkaasi, waxaa labada Madaxweyne ay yeelan doonaan kulamo la xiriira xoojinta iskaashiga labada dal iyo guud ahaan arrimaha gobolka.
Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Eritrea ayaa qeyb ka ah siyaasadda cusub ee Soomaaliya ee ku dhisan xiriir wanaagsan oo iskaashi oo lala yeesho dalalka deriska iyo gobolka intiisa kale.
Siyaasadda gobolka ee Soomaaliya ee najaxdey ayaa waxaa ka mid ah rajada ku biiritaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (East African Community). Waxaa sidoo kale Soomaaliya ay bishii February 1-deeda ay magaalada Muqdisho ku martigelisay Shir madaxeedkii waddamada Safka Hore oo ay ka soo qeyb galeen hoggaamiyeyaasha Djibouti, Ethiopia iyo Kenya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddiga gaar-ka ah ee ka soo talabixinta soo jeedinta wax ka bedelka iyo kaabista Dastuurka KMG JFS ee horay ay u magacaawday Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka u kordhiyay muddada si ay talabixintooda u soo gudbiyaan.