Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa shaaciyey

wadarta guud ee liiska horu-dhaca ah ee Diiwaangelinta codbixiyayaasha gobolada iyo degmooyinka Puntland ee Diiwaangelintu ka qabsoontay.Fadlan linkiyadan Hoose guji si aad uhesho faahfaahinta xogta oo dhamaystiran.01. Xogta-guud-ee-Cobixiyayaashahttps://tpec.pl.so/…/01.-Xogta-guud-ee-Cobixiyayaasha.pdf02. Xogta-Gobolladahttps://tpec.pl.so/…/2023/03/02.-Xogta-Gobollada.pdf03. Xogta Degmooyinkahttps://tpec.pl.so/…/2023/03/03.-Xogta-Degmooyinka.pdf#codkaaguwaaxaqaaga#codkaaguwaamustaqbalkaaga

JABHADDII SNM OO JABTAY

Dagaal culus ayaa maanta mar kale ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Qaar ka mid ah dadka yar ee ku harsan magaalada ayaa VOA u sheegay in saaka 4-tii aroonimo ay ku soo baraarugeen hugunka madaafiicda iyo rasaas xooggan oo dhinacyadu ay isweydaarsanayeen.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa in uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Khasaaraha dagaalka ayaa waxa u badan jabhadda SNM, oo iyagu duulaan ku ah degaano ayna lahayn

Maxay Puntland uga maqantahay Shirka Baydhabo?

Maxay Puntland uga maqantahay Shirka Baydhabo?

Maalinkii labaad ayaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya shri uga socdaa magaalada Baydhabo. Madaxweynayaasha afar dawlad goboleed oo uu san ku jirin kan Puntland iyo madaxweynaha Dawladda Federaalka ayaa ku sugan shirka.

Waxaa la is waydiinayaa, maxay Puntland ku saluugtay shirkaa?

Maxamuud Caydiid, wasiirka warfaafinta ee Puntland oo la hadlay BBC da ayaa sheegay in sababta ay u maqan yihiin ay tahay, wadatashi la’aan ay dawladda fedraalka ah ku samaysay dhamaan heshiisyada lagu saxiixo shirarka golha.

Tusaale wuxuu u soo qaatay shirkii ugu dambeeyay ee Puntland ay qaadacday qaar kamid ah qodobadii ka soo baxay, madaxweyne Saciid Deni na uu diiday in uu qalinka ku duugo.

Fedaraaleynta dastuurka iyo xadeynta awoodaha dawladda iyo dawlad goboleedyada ayaa ahaa labadii qodob ee ay walaaca ka muujiyeen.

“[Dawladdu] waxba nagama waydiin labadaa qodob, iyadaa hawsheeda iska wadata…waa wax lala cararayo, meel marin hadaad maqasho waa wax aan wadatashi galayn’. Ayuu yiri wasiir Caydiid.

Maxay kamid ah qodobada la isku hayo?

Mid kamid ah qodabada xasaasiga ah ee Puntland walaaco ka qabto ah kala xadeynta awoodaha. Wasiir caydiid intii uu noo waramayay wuxuu gooni uga dhawaajiyay qodobka ah, wadaagga qayraadka.

“Qeyraadka waa la wada leeyahay waa in laga wadatashado, oo badka dhulka, iyo tirada dadka ku nool goobta intaba lagu wada xisaabtamo,” ayuu yiri wasiir Caydiid.

Shuruucda Shidaalka ayuu sidoo kale sheegay in dawladdu aysan kala tashan dawlad goboleedyada, iyada oo gashay heshiisyo caalami ah. Wuxuu kale oo dhaliilay hay’adaha Soomaaliya u qaablisan shidaalka, isaga oo ku tilmaamay inaysan awood u lahayn shaqada loo igmaday.

Qodabado kale oo ay kamid yihiin heshiisyo isgaarsiineed oo ay dawladdu gashay iyo shuruucda amniga oo uu ka mid ayahy kan la dagaalanka argagixisada ayuu sidoo kale tilmaamay Caydiid in aan wax talo ah laga waydiin dawlad goboleedka Puntland.

Mar uu ka hadlayay amniga ayuu tilmaamay in aan xogaha amni ee la xariira ammaanka Puntland aysan dawladdu la wadaagin hay’adaha amniga ee Puntland.

Caydiid ayaa yiri: “Ciidamadii ammaanka ee Puntland qaybo kamid ah waxay ka dagaalamayaan ilaa Ceeldheer iyo Xarardheere si ay al-Shabaab dalka uga xoreeyaan. Dawladda dhexena in ay xog xitaa nasiiso oo ay tiraahdo kuwii baxsadka ahaa halkaas ayay marayaan, xataa ma oran karto”.

Marka laga reebo Puntland dhamaan dawlad goboleedyada kale ayaa ku sugan magaalada Baydhabo, iyaga oo horay u ansixiyay inta badan qodobada ay Puntland walwalka gooni uga muujisay.

Dhex dhexaad ayaanu ka nahay xasuuqa Sool

Maamul goboleedyada aan Puntland ka ahayn oo dhex dhexaad ka noqday Shacakii Sool lagu xasuuqay iyo Falaagaddii doonaysay inay dalka kala gooyaan oo jid kasta oo ay ku heli karaan aqoonsiga ay samaynayaan xitaa xasuuqii dhowaan ka dhacay gobolka Sool

• Goluhu wuxuu baaq nabadeed u dirayaa dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Laascaanood, wuxuuna cambaareynayaa cid kasta oo qayb ka ah hurinta dagaalka iyo sii socoshada colaadda. Goluhu wuxuu soo jeedinayaa wadada keliya ee xalka mushkiladda taagan inay tahay wadahadal. Dawladda Federaalku waxay diyaar u tahay inay mar walba kaalinteeda ka qaadato nabadeynta.

Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis Muhiim ah

Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis Muhiim ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Safiirka Maraykanka ee u fadhiya Soomaaliya Mudane Larry André ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixay is-afgarad ku aadan horumarinta iyo garab istaagga ciidanka Xoogga Dalka iyo xoojinta dagaalka Khawaarijta.

“Waxaan maanta aniga iyo Danjiraha Mareykanka Mudane Larry André is-afgarad ku kala saxiixanay magaalada Muqdisho, kaas oo gundhiggiisu yahay dhisidda ciidamada XDS ee Danab. Waxaan Isku afgaraney xoojinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS.

Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ahmiyadda is-afgaradkan uu yahay in tababbar iyo qalabeyn loo sameeyo ciidanka Danab, si loo gaaro isku filnaansho ay ciidanka xoogga dalka kula wareegi karaan guud ahaan amniga dalka.

Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Danab, isagoo intaa ku daray Wasiirku in dowladda Soomaaliya ayka go’antahay dhismaha iyo tayeynta ciidamada xoogga dalka.

Munaasabadda ay heshiiska ku kala saxiixanayeen wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliye ku-xigeenka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabaas Amiin.

Dowladda Maraykanka ayaa ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya ka gacan siiya dhismaha ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ciidanka Kumaandooska Danab.

Isimada beesha Dhulbahane oo shuruudo ku xiray wada hadalka

Isimada beesha Dhulbahane oo shuruudo ku xiray wada hadalka

Duqeyn ayaa maanta laga maqlayay qeybo kamid ah magaalada Laasacaanood oo maalmihii la soo dhaafay aanu ka dhicin dagaal toos ah.

Dhanka kale waxaa soo baxay warar sheegaya in Dowladda Itoobiya ay magaalada Addis Ababa ugu yeertay labada dhinac ee dagaallamaya Isimada iyo Somaliland si xabbad joojin looga gaaro dagaalka.

Afhayeenka isimada, Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in baaqa Itoobiya ay ka jawaabi waayeen, maadaama sida uu sheegay ay magaalada weli ku socoto duqeynta.

Somaliland ayaan dhankeeda weli ka hadlin kulanka la doonayo inuu ka dhaco Addis Ababa.XAYEYSIINhttps://689716cc19cc58850aed31bbe80c28d8.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html

Garaad Cabdisalaan ayaa Somaliland ku eedeeyay inay sii waddo duqeymaha lagu hayo magaalada isla markaana aysan jirin wax waan waan ah oo lagu xallinayo dhibaatada ka taagan Laascaanood.

“Wax waan waan ah ma jirto, dhibaatadana ma fududa, maalmahan bey ugu daran tahay, wax korodhay oo dhibaata ah ma ahane ma jiraan wax waan waan ah ama xabad joojin ah”.

Afahayeenka garaaddada Somaliland ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in looga yeeray Itoobiya si ay wadahadalka uga qeyb galaan balse aysan ka bixin magaalada maadamaa ay rasaasta socoto.

“Waa jirtaa in nalala soo xiriiyay oo nagula yiri Itoobiya imaada, jawi aan ku imaanno meesha ma yaallo, sababta oo ah duqeyntii baa socota, waddooyinkii aan soo mari laheyn baa naga xiran, ceelkii biyaha laga cabayay baa la heystaa, xabbaddu wey socotaa, jawi aan ku baxno ama meel aan ku aadno ma jiraan, Itoobiya waxaan ka codsannay inay gaarsiiyaan bal in la helo jawi aan ku wadahadli karno ama ninkan meesha looga bixin karo”.

Waxay shuruud uga dhigeen in wadahadallada ay diyaar u yihiin balse ay tahay in ciidamada Somaliland ay halkaa isaga baxaan.

“Jawiga anaga naguma xirno iyaguu ku xiran yahay, marka hore waa in dadka xabbadda laga daayo -wadahadalka xabbad joojin baa ka horreysaa, Itoobiya wuxuu u sheegay in uu ka durgay magaalada oo 30km ka fogaaday magaalada oo aan xabbad iyo dhibaato jirin arrintaas ma jirto”.

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan billowday dhexdhexaadinta Soomaliland iyo odayaasha dhaqanka ee deegaannada SSC, si loo soo afjaro colaadda halkaa muddaba ka taagan.

Waxay sidoo kale magaalada Garowe ku yeesheen Isimada Laasacaanood iyo wefdi ka socda Itoobiya oo ka shaqeynayay in la joojiyo colaadda ka socota magaaladdaas.

Afhayeenka isimada, Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed ayaa shuruud ku xiray wadahadallada uu sheegay inay ka qeybgeli doonaan oo kaliya ah marka Somaliland ay isaga harto mowqifkeeda ah in colaadda ay tahay arrin daakhili ah.

“Shalay wuxuu ka hadlay Hargeysa wuxuu sheegay dadka la dhexdhexaadinaya waa dhibaato Somaliland gudaheed ka dhacday… isagoo aaminsan in Somaliland dhib dhexdeeda ka dhacay la dhexdhexaadinayo in aan hor fariisanno ma rabno”

“Ma diidi karno, ma aanan diidin dowladda Itoobiya waan uga mahadcelineynaa waa dowlad aan deris nahay oo u aragta dhibaatada na heysta in wax laga qabto, diidda ma aha waa inaan helnaa jawi aan kusoo bixi karno, dowladda Itoobiya wey ogtahay in duqeynta socoto”. ayuu yiri Garaad Cabdisalaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shalay ka hadlayay xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegay inuu mudnaanta koowaad uu siinayo sidii nabad waarta looga gaari lahaa colaadda ka taagan halkaas.

“Qodobka koowaad ee aan mudnaanta siinayo maanta waa dhibaatada ka jirta gobolka Sool, oo ahayd mid aanan filaynin, arrinta ugu horreysa waa inaan si nabad ah u xalinno xaaladda Laascaanood, dowlad ahaan marwalba waxaan ku dhawaaqaynay xabad joojin iyo in shuruud la’aan la joojiyo dagaalka,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Muuse Biixi ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay soo dhaweeyaan cid walba oo kala shaqaynaysa nabadda gobolka Sool, isaga oo ka digay gacmaha “shisheeye” ee faraha kula jira xaaladda golbolkaas.

Duqeyn ayaa maanta laga maqlayay qeybo kamid ah magaalada Laasacaanood oo maalmihii la soo dhaafay aanu ka dhicin dagaal toos ah.

Dhanka kale waxaa soo baxay warar sheegaya in Dowladda Itoobiya ay magaalada Addis Ababa ugu yeertay labada dhinac ee dagaallamaya Isimada iyo Somaliland si xabbad joojin looga gaaro dagaalka.

Afhayeenka isimada, Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in baaqa Itoobiya ay ka jawaabi waayeen, maadaama sida uu sheegay ay magaalada weli ku socoto duqeynta.

Somaliland ayaan dhankeeda weli ka hadlin kulanka la doonayo inuu ka dhaco Addis Ababa.