Xisbiga muxaafidka ee Progressive Conservative (PC) ayaa ku guuleystay doorashada gobolka Ontario ee dalka Canada oo xalay lasoo gaba-gabeeyay.

Maxamed Firin oo kamid ah dhallinyarada Soomaalida ah ee ku koray dalkaas ayaa kamid noqday murashixiinta ka tirsanaa xisbigaas ee guuleystay.

Gobolka Ontario ee dalka Canada, oo ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee dalkaas, ayaa waxa ay dooranayeen madaxa gobolkaasi hoggaamin doona 4-ta sano ee soo socota.

Doorashada ayaa kusoo beegantay xilli ay suuragal tahay inay dhaqan-gasho canshuur kordhin 25% ah, oo madaxweynaha Mareykanka uu kusoo rogay waxyaabaha dalkaasi uu usoo dhoofiyo Mareykanka.

Xuseen Nuur Xaaji ayaa soo diray warbixin ku saabsan doorashada guud, iyo mid ka hadleysa guusha Maxamed Firin.

VOA

Wejiga 3-aad ee Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland

Dasaan, February 28, 2025: Wejiga 3-aad ee Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, oo maanta si rasmi ah bilowday ayaa laga gaaray guul, iyadoo ciidanka amniga Puntland ay si xirfad leh ugu howlgaleen deegaanada ay argagixisadu ku sugan yihiin.

Ciidamada waxay gacanta ku dhigeen xarumo muhiim ah, kuwaas oo ay argagixisadu ku lahaayeen, sida Dhaban Qooxle iyo Aaga Dhaadaar. Intaasi waxaa dheer, waxaa la helay maydad argagixisada, saanad ciidan, hub, gantaalo, iyo agab kale oo muhiim ah oo kooxda Argagixisada ee Daacish ku adeegsan jirtay hawlgalladooda.

Hawlgalka ayaa si weyn u xoojiyay dadaallada Ciidanka Amniga ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyadoo si joogto ah loo adeegsanayo xogta sirdoonka si loo xaqiijiyo guulaha mustaqbalka. Ciidamada amniga iyo bulshada Puntland ayaa si wadajir ah u taageeraya howlgalka, iyagoo muujinaya go’aan adag oo ku aaddan la dagaallanka argagixisada.

Dawladda Puntland waxay si cad u muujinaysaa go’aankeeda in ay si buuxda u ciribtirto argagixisada, iyadoo si wadajir ah u xaqiijinaysa nabadda, amniga, iyo xasiloonida gobolka. Guulaha laga gaaray wejiga saddexaad ayaa ah horumar muhiim ah ee ku aaddan hawlgalka guud ee la dagaallanka argagixisada.

Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7

Wejiga 3-aad ee Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, oo maanta si rasmi ah bilowday ayaa laga gaaray guul, iyadoo ciidanka amniga Puntland ay si xirfad leh ugu howlgaleen deegaanada ay argagixisadu ku sugan yihiin.

Ciidamada waxay gacanta ku dhigeen xarumo muhiim ah, kuwaas oo ay argagixisadu ku lahaayeen, sida Dhaban Qooxle iyo Aaga Dhaadaar. Intaasi waxaa dheer, waxaa la helay maydad argagixisada, saanad ciidan, hub, gantaalo, iyo agab kale oo muhiim ah oo kooxda Argagixisada ee Daacish ku adeegsan jirtay hawlgalladooda.

Hawlgalka ayaa si weyn u xoojiyay dadaallada Ciidanka Amniga ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyadoo si joogto ah loo adeegsanayo xogta sirdoonka si loo xaqiijiyo guulaha mustaqbalka. Ciidamada amniga iyo bulshada Puntland ayaa si wadajir ah u taageeraya howlgalka, iyagoo muujinaya go’aan adag oo ku aaddan la dagaallanka argagixisada.

Dawladda Puntland waxay si cad u muujinaysaa go’aankeeda in ay si buuxda u ciribtirto argagixisada, iyadoo si wadajir ah u xaqiijinaysa nabadda, amniga, iyo xasiloonida gobolka. Guulaha laga gaaray wejiga saddexaad ayaa ah horumar muhiim ah ee ku aaddan hawlgalka guud ee la dagaallanka argagixisada.

Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7

Nacamlayntii Muqdisho iyo hogaamiyaha Itoobiya

Maxaa Dhici lahaa Niikadan iyo Nacamlayntan ka dhacaysay Muqdisho haddii ay ka dhici lahayd Hargayysa.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dib ugu laabtay dalkiisa, kadib markii uu wada-hadallo kula yeeshay Muqdisho madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Villa Somalia, kulanka labada hogaamiye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, iyagoo adkeeyay xiriirka taariikhiga ah iyo derisnimada soo jireenka ah ee labada shacab oo ay aasaas u tahay is-ixtiraam qarannimo iyo ka dheeraanta faro-gelinta arrimaha gudaha dal kasta.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in ay “wadajir u soo dhaweeyay is-afgaradka ay gaareen Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka Soomaaliya (SNA) iyo Ciidamada Difaaca Ethiopia (ENDF), kaas oo lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida gobolka, waxa ayna bogaadiyeen billowga wadahadallada farsamo ee ka socda Ankara oo muujiyey sida ay labada dal uga go’an tahay wada-hadal wax-ku-ool ah iyo iskaashi mirodhal ah.”

Xiisad diblomaasiyadeed ayaa cirka isku shareertay sanadkii hore kadib markii Itoobiya ay heshiis la saxiixatay Somaliland, si ay uga hesho marin badeed.

Hase yeeshee, bishii Janaayo ee sanadkan, labada dal waxay ku dhawaaqeen inay si buuxda u soo celiyeen xiriirkooda diblomaasiyadeed kadib heshiis nabadeed oo ay Turkiga garwadeen ka ahayd bishii hore.

Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya, oo codsaday in magaciisa la qariyo, ayaa Arbacadii u sheegay AFP in booqashada Abiy ay “qayb ka tahay dadaal ballaaran oo lagu dhammeystirayo laguna hirgelinayo heshiiskii Ankara,” isaga oo ula jeeday heshiiskii lagu saxiixay caasimadda Turkiga.

Somaliland ayaa sheegtay in heshiiskii ay la saxiixatay Itoobiya bishii Janaayo 2024 uu horseedi lahaa in Addis Ababa ay aqoonsato madax-bannaanideeda—inkasta oo Itoobiya aysan weligeed si rasmi ah u xaqiijin—taa beddelkeedna ay Itoobiya heli lahayd saldhig badeed, maadaama ay tahay dal aan lahayn xeeb.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga falcelisay heshiiskaas, waxayna u yeertay safiirkeedii u fadhiyay Itoobiya.

Inkasta oo dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo Itoobiya ay dhacday, haddana mustaqbalka heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland weli waa mid mugdi uu ku jiro.

Boqorka muslimka ah ee ka codsanaya dadkiisa in aanay xoolo qalin ciidda

Boqorka muslimka ah ee ka codsanaya dadkiisa in aanay xoolo qalin ciidda

Boqor Maxamed 6-aad ee dalka Morocco ayaa ka codsaday dadkiisa in ay ka qalashada ariga ee Ciidda Carafo ee sanadkan, sababo la xiriira hoos u dhaca weyn oo ku yimid xoolaha dalkaasi.

yaraanta ayaa loo aaneynayaa todoba sano oo abaar ah oo ka jirtay dalkaas.

Ciidul-Adxa oo ku beegan bisha June, ayaa ah maalin ay dabaal dagaan dadka Muslimiinta ah, waxaana la qalaa xoolo loo yaqaano udxiyo taas oo sida Islaamku qabo mid lagu xusayo gawracii uu ka badbaaday wiilki nabi Ibrahim Ibraahim, ee la waydiiyay in uu gawraco.

Dadka muslimiinta ah ayaa munaasabaddan ku xusa in ay qalaan neef ari ama ido ah ama xoolo kale, waxaana hilibka la qeybsadaa qoyska masaakiinta ah oo loogu deeqo qaab sadaqo ahaan ah.

Laakiin xoolaha Marooko ayaa 38% hoos u dhacay tobankii sano ee la soo dhaafay, sababo la xiriira daaqa oo yaraaday, sida lagu sheegay xogta rasmiga ah e ay soo saartay dowladdu.

Qiimaha hilibka ayaa cirka isku sii shareeraya, waxaana ilaa 100,000 oo ido ah looga soo dhoofiyaa dalka Australia.

Gawraca in la sameeyo ciidaan “iyada oo lagu dhex jiro daruufahan adag waxay dhibaato weyn u geysan doontaa qaybo badan oo dadkeena ah, gaar ahaan kuwa dakhligoodu yar yahay,” ayuu Boqor Maxamed ka 6 – aad ku yiri khudbad uu wasiirka arrimaha diinta ee dalkaasi ka akhriyay telefishanka qaranka ee Morocco maanta oo Arbaco ah.

Aabihii, Xasan II, ayaa codsi la mid ah midkaan waxa uu dadkiisa u soo jeediyay 1966 kii, markii Morocco ay sidoo kale la kulantay abaar dheer oo saamayn ku yeelatay xoolaha.

Isaga oo dhibaatada jirta ku sharraxayay wareysi uu dhowaan bixiyay, ayaa wasiirka beeraha ee Morocco, Ahmed Bouari, waxa uu yiri “baahida loo qabo in biya loo ilaaliyo qaybaha mudnaanta leh, sida wadista iyo warshadaha” waxay la macno tahay in beeruhu ay ku jiran xaaladii ugu xumayd, “iyada oo inta badan goobaha waraabka ay hoos yimaadaan xeerar adag iyo nidaamka qaybinta biyaha”.

Canshuurta soo dejinta iyo tan gadista ee loo yaqaano VAT ee lo’da, idaha, geela iyo hilibka cas ayaa dhawaan la qaaday si ay gacan uga geysato xasilinta qiimaha xoolaha Morocco.

Madaxweynihii Magafe ayaa noqday

Xildhibaan Xasan Firimbi” Madaxweynihii Soomaaliya waxaa uu noqday Magafe, dadka ku caburiya awoodiisa, dadkana afduuba