Kasibba ah gabar qabta xanuunka Autism-ka oo ay dhibaato ka haysato dhanka wax barashada, ayaa si khalad ah ugu xirnayd isbitaal dhimirka oo ku yaalla dalka Ingiriiska muddo dheer oo sanooyin ah. Waxaa la geeyey ayadoo 7 jir ah, haddeerna waa 50 jir.
Haweeneydan ayaa u dhalatay dalka Sierra Leone, waxaana magaca Kasibba ay mas’uuliyiinta dalkaasi ugu bixiyeen ammaankeeda, waxaana sidoo kale lagu khasbay in muddo 25 sano ah ay ku jirto xabsi kaligeed ah.
Kasibba oo 7 jir lagu geeyey xarunta caafimaadka ayaa waxa ay weyday awood ay ku hadasho, mana jirin qoys ka caawiya in ay ka hadasho xaaladeeda dhinaca caafimaadka.
Waaxda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee UK ayaa BBCda u sheegtay in xaaladda dad badan oo lixaadkoodu dhiman yahay ay weli ku jiraan isbitaallada dhimirka ay tahay mid aan la aqbali karin, dib u habeyn lagu sameeyo shuruucda caafimaadka dhimirkana ay ka hortagi doonto dhibaatadaas.
In ka badan 2,000 oo qof oo qaba autismka iyo dadka naafada waxbarashada qaba ayaa weli ku jira cisbitaalada dhimirka ee UK. Waxaa la sheegay in ku dhawaad 200 oo ka mid ah ay yihiin carruur.
Dowladda ayaa sanado badan u ballan qaaday in qaar badan oo ka mid ah ay u wareejin doonto xarumaha daryeelka bulshada, inkastoo aysan qabin cudurka dhimirka.
Dawladdu waxay ballan qaaday tallaabadan ka dib markii baaritaan ay BBC samaysay sannadkii 2011kii, kaasoo lagu ogaaday tacaddiyada dembiyada ee ka dhanka ah dadka naafada ah ee waxbarashada ee Winterburn View oo ah isbitaal gaar loo leeyahay oo u dhow Bristol.
Adeegga Caafimaadka Qaranka (NHS) ayaa higsanaya inuu yareeyo ku tiirsanaanta xarumaha caafimaadka dhimirka ee dadka ay ku adag tahay waxbarashada iyo kuwa qaba naafada jirka boqolkiiba 10, 2025-26.
Dan Skoor, madaxa siyaasadda iyo arrimaha bulshada ee ururka samafalka Mencap, ayaan ku faraxsanayn go’aankan.
“Boqolaal qof ayaa weli ku jira xarumahan, waxay ahayd in la sii daayo, sidoo kale waxaa loo ballanqaaday in la garab istaagi doono bulshada, balse ma aanan arag waxa loo ballanqaaday” ayuu yiri.
Haddaan dib ugu laabanno sheekada Kasibba, Dr. Patsy Staite waxay wax ka ogaatay xaalada Kasibba isbitaalka markii loo shaqaaleysiiyay dhakhtar hoose 2013kii. Sagaal sano ayay qaadatay in la soo saaro.
“Ma arki karo qof kale oo ku sugan xaaladda ay ku sugan tahay, waxa ugu yaabka badan ayaa ah in wax walba ay sharci ahaayeen” ayey u sheegtay BBC.
Kasiba waxaa la sheegay in la xiri jiray “mararka qaar in ka badan 23 saacadood maalintii”.
Dr. Staite ayaa ka sheekeysay dalool ku yaalla xayndaabka isbitaalka, kaasoo Kasiba ay ku daawan jirtay dadka soo baxaya.
Kasiba, oo hadda da’deedu tahay 50-sano, ayaa la rumeysan yahay in si sharci darro ah looga keenay dalka Sierra Leone iyadoo 5 jir ah. Markii ay in muddo ah ay ku noolayd xarun carruurta lagu xanaaneeyo, waxa loo beddelay isbitaal iyada oo 7 jir ah.
Dr. Staite waxa ay sheegtay in shaqaalaha isbitaalku ay ku tilmaameen Kasiba mid “khatar ah” iyo “wax qariib ah”.
Waxay sidoo kale ka heleen galkeeda dhacdo u muuqata inay keentay eedeymahan rabshadaha.
Sannado badan ka hor, markii ay Kasiba ahayd 19 jir, waxaa laga eryay gurigeeda markii alaarmiga ama digniinta dabka ay kacday.
Iyadoo Kasiba ay werwersan tahay oo ay jahawareertay, ayaa bukaan kale oo meesha joogay uu damcay inuu u soo dhawaado, waxaana dhacday in ay bukaankii isha ka xagato.
“Waxaa sidoo kale loo yaqaan “gabadhii indhaha la’ayd ee halis gelisay nolosha qof kale,” ayey tiri Dr. Staite. Laakiin waxay yiraahdeen “Taasi run maaha”.

Dr. Staite waxa ay dhamaystirtay warbixin ka kooban 50 bog oo golaha deegaanka Camden ka dib dhawr bilood oo shaqo ah.
Golahani waxa uu ku yaalaa waqooyiga London waana ta keentay Kasiba isbitaalka.
Dr. Staite ayaa sheegay in warbixintu ay ku soo gabagabeysay in Kasiba aysan ahayn qof dhimirka ka jiran, wax khatar ahna aysan ku jirin, awoodna u leh in uu ku dhex noolaado bulshada dhexdeeda.
Khubarada ayaa isu yimid, kuwaasoo samaystay guddi loogu magac daray “Guddiga Xoraynta”, jjeedkooduna waxa uu ahaa xoraynta Kasibba.
Lucy Dunstan, oo xubin ka ah ururka u dooda xuquuqda iinta ee Beddelka Nolosheenna, ayaa loo magacaabay inay noqoto u doodaha xorriyadda ee Kasiba waxayna diyaarisay warbixin faa’iido u leh haddii isbitaalka laga sii daayo.
Go’aanka ah in Kasiba laga sii daayo cusbitaalka ayaa waxaa leh oo kaliya maxkamadda, oo ah hay’ad u gaar ah go’aannada dadka aan awoodin in ay iyagu go’aan gaaraan.
Dunstan waxay sheegtay in markii ugu horreysay ee ay la kulanto Kasiba, shaqaalaha isbitaalka ay u bareen inay tahay “gabadh caqli badan”.
Lix sano ka dib markii ay la kulantay Kasiba ayey Dunstan wadcay si uu ugu sheego in Maxkamaddu ay go’aansatay in laga sii daayo isbitaalka.
“Waan ooyey, waxaan dareemay farxad, iyo nafis” ayey tiri. Kasiba hadda waxay la nooshahay bulshada.