Kaalinta Mareykanka ee xallinta xiisadda India iyo Canada

Kaalinta Mareykanka ee xallinta xiisadda India iyo Canada

Tan iyo markii Canada ay sheegtay in wakiilo ka tirsan dowladda India ay kaalin ku lahayaeen dilka hoggaamiye Sikh oo ka dhacay ciidda Canada, xiriirka diblomaasi ee labada dal ayaa xumaaday.

Waxaa hadda la is-weydiinayaan kaalinta Mareykanka uu ka cayaari karo muranka u dhaxeeya laba ka mid ah xulufadiisa, oo weli socda.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa Khamiisti la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda India Subrahmanyam Jaishankar. Illaa hadda, Mareykanka kama hadal haddii uu kaalin dhex-dhexaadin cayaarayo.

“Kama hadli doono waxa ay isugu sheegeen wada sheekeysi diblomaasi oo gaar ah. Waxaan ka hadlayaa waxa aan oranayo ama aynu dhaheyno. Taasina waa, waxaan ku boorineynaa inay ka wada shaqeeyaan baaritaanka Canada,” waxaa sidaas yiri Matthew Miller oo ah afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibedda

Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa Aqalak Golaha Wakiilada Canada iyo doceedka Shirka Golaha Guud ee QM ka sheegay in wakiilo ka socday dowladda India ay kaalin ku lahaayeen dilka Hardeep Singh Nijjar, oo si dhiifoon ugu ololeyn jiray dal Sikh leeyihiin oo ka madax-banaan India, kaasi oo lagu dilay duleedka magaalada Vancouver bishii June.

Inkasta oo dowladda India ay Nijjar u aragtay argagixiso baxsad ah, haddana waxay tuhunka Canada ugu yeertay “doqonnimo.” Hase yeeshee Jaishankar waxa uu sheegay in India ay diyaar u tahay inay eegto caddeymaha.

“Weli waxaynu u baahannahay inaan ogaanno faah-faahinta, laakiin waxay dhalineysaa su’aal ku saabsan madax-banaanida dhuleed, iyo in dimoqraadiyadda ay ilaalin karto muwaadiniinteeda, iyo in dimoqraadiyadaha ay is-aamini karaan,” ayuu yiri Leland Lazarus oo ah cilmi-baare amni oo ka tirsan Jaamacadda Florida International University.

Ayada oo aan iska fogeeneyn Canada oo xulufo muhiim u ah, sidoo kale dan ayaa ugu jirta Mareykanka inuu ku dhowaado New Delhi, sida uu sheegayo Patrick James, oo ah khabiir ku takhasusay xiriirka caalamiga ah oo ka tirsan Jaamacadda University of Southern California.

“Inaan laga caraysiin India oo lala saaxiibo India xilli ay jiraan walaacyo dhab ah oo ku saabsan haddii uu jiro kheyraad ku filan oo lagu xakameyn karo isbahaysiga Shiinaha iyo Ruushka oo hadda u muuqda mid aad u xooggan,” ayuu yiri Patrick James oo ah fallanqeeye xiriirka caalamiga ah oo ka tirsan Jaamacadda University of Southern California.

Ayada oo bulshooyinka Sikh ee qeybo kala duwan oo caalamka ah ay dalbanayaan jawaabo, saraakiisha Mareykanka ayaa ku booriyey India inay Canada kala shaqeyso baaritaanka, waxayna carabka ku adkeeyeen in caburinta xuduudaha ka baxsan ee meel kasta oo caalamka ah ay walaac ku tahay wahsingotn.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta ee  Soomaaliya,

Axmed Juma Al Rumaithi, iyagoo ka wada hadlay xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii joogteyn lahaa.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Dowladda Imaaraadka uga mahadceliyey taageerada dhinacyada badan ee ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadamnimada.

Danjire Al Rumaithi ayaa mahadcelin ka dib, wuxuu Xukuumadda #Danqaran ku bogaadiyey horumarrada ay ka sameysay dhinacyada sugidda amniga iyo dowlad wanaagga, wuxuuna adkeeyey sida ay Imaaraadka uga go’an tahay sii joogteynta taageerada uu siiyo Soomaliya.

Danjire Al Rumaithi, ayaa ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Xamsa soo gaarsiiyey casuumaadda shirka Isbeddelka Cimilada ee COP 28 oo ka dhacaya dalka Imaaraadka bisha DECEMBER 2023.

Hooyo xaamilo ah oo ku dhimatay hoobiye ku dhacay gurigeeda

Hooyo xaamilo ah oo ku dhimatay hoobiye ku dhacay gurigeeda

Faahfaahin dheeraada ayaa ka soo baxaysa khasaarraha ka dhashay tiro hoobiyayaal ah oo saaka ku dhacay xaafaddo ka tirsan degmooyinka Wadajir iyo Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoog ah ayaa sheegay in hoobiye ku dhacay guri ku yaala xaafadda Tarabuush ee degmada Wadajir uu dilay hooyo xaamilo ah, isla markaana uu dhaawacay labo caruurra oo ay dhashay.

Dadka deriska la ah guriga mashaqadu ka dhacday ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in saaka aroortii ay dhawr hoobiye ku soo dhaceen xaafadda, balse dhibka ugu weyn uu ka dhacay guriga ay ku dhimatay hooyada xaamilada ah.

Labo caruurra oo kale ayaa iyana ku dhaawacmay guri kale oo ku dhagan guriga ay hooyada uurka leh ku dhimatay.

Hay’addaha amniga ee magaalada Muqdisho ayaan illaa hadda ka hadlin madaafiicda saaka ku dhacday qaar kamid ah xaafaddaha degmooyinka Wadajir iyo Kaxda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in tiro madaafiica ay ku rideen xerada tababarka turkida ee Turkisom, mase jiro war madaxbannaan oo xaqiijinaya sheegashadooda.

Turkiga oo weerar argagixiso ku tilmaamay qaraxii Ankara

Turkiga oo weerar argagixiso ku tilmaamay qaraxii Ankara

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Turkiga ayaa sheegtay in weerar lala beegsaday meel u dhow xarunta baarlamaanka dalkaasi ee magaalada Ankara Axadda maanta ah ay ku dhaawacmeen laba askari oo booliis ah.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan oo uu daba socday holac aad u xooggan ayaa laga maqlay meel dhowr KM u jirta goobta uu weerarku ka dhacay.

Wasaaradda ayaa sheegtay in labada qof ee weerarka qaaday ay 9:30 kii subaxnimo ee waqtiga dalkaasi gaari ku yimaadeen afaafka hore ee iridda laga galo Agaasinka Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayna qaadeen weerar Bambaano oo ay ugu yeertay “mid argagixiso ah”

“Nin ka mid ah argagixisada ayaa is-qarxiyay kan kalena waa la toogtay” ayay wasaaraddu ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada iyadoo intaa ku dartay in laba askari ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen.

Goobta la beegsaday ayaa martigelisa dhowr wasaaradood iyo baarlamaanka Turkiga, kaasi oo lagu wado in maanta uu kalafadhiyadiisa ku bilaabo khudbadda Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, sida ay sheegeen warbaahinta Turkiga.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

Culusoow oo la kulmay Gudoomiyashii hore ee Baarlamaanka

Madaxweyne Culusoow oo la kulmay Siyasiyiinta beesha Raxanweyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kasoo jeeda dowlad-goboleedka Koonfur gabeed.

Siyaasiyiinta Koonfur-galbeed oo Dhuusamareeb u yimid garab istaagga ciidamada Qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta, ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan Koonfur-galbeed iyo tallooyinkooda ku aaddan xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Guddoomiyeyaashii hore iyo siyaasiyiinta warbixin ka siiyay guulaha muhiimka ee laga gaaray dagaalka argagixisada, ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in loo midoobo sidii waqti kooban dalka looga saari lahaa Khawaarijta, isaga oo adkeeyay in midnimo, isu-tanaasul iyo wada-tashi looga gudbo arrimaha lagu kala aragtida duwanyahay, si loo gaaro Soomaaliya xor ka ah argagixisada.

Maleeshiyaad ku dagaalamay Koonfurta Soomaaliya

Maleeshiyaadkii Hawiye ee magacyada kala duwan lahaa ayaa dagaalam

Guddoomiyaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan Muumin Maxamed Xalane oo la hadlay VOA ayaa ka warramay dagaal gelinkii danbe ee maanta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka si kedis ah ugu dhexmaray magaalada Maxaas.

Guddoomiye Muumin ayaa sheegay in khasaare nafeed uu ka dhashay dagaalka. Dagaalka ayaa goor fiidkii ah lagu guuleystay in la hakiyo sida uu sheegay. Guddoomiye Muumin ayaa la hadlay wariyaha VOA Xuseen Xasan Dhaqane.

Tuuga aan dharka bedelan ee gacanta wada mariyay suuqyada Soomaalida

Tuuga aan dharka bedelan ee gacanta wada mariyay suuqyada Soomaalida

Baraha bulshada ee Soomaalida waxaa kuu baahay muqaalo ay duubtay kaamirada CCTV, oo muujinaya nin dhallinyaro ah oo dhex taagan tukamao kala duwan, kaas oo ay ganacsatada qaar ku sheegeen inuu tahay tuug si farsameysan wax u dhaca.

Ninkaas ayaa la’arkayay isaga oo ka dukaameysanaya dhowr goobood oo ganacsi oo ay Soomaali leeyihiin. Ganacsatada ayaa sheegay in ninkaasi lacago ugu diray adeegga loo yaqaanno M-pesa-da – ee xawila kaashka danabaysan, kadibna ay codsadeen in lacagahaasi dib loogu celiyo oo ay kasoo qaldameen, iyagoo intaa kadibna waca shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom sidaasna loogu celiyo lacagta mar labaad.

Safaricom ayaa siisa macaamiisheeda jaanis ay dib ugu soo ceshan karaan markii lacago ka qaldamaan, iyaga oo maraya hanaan gaaban oo farriin uu qofku ku diri karo lamabar ka kooban saddex xaraf.

Dadka habkaas lagu dhacay waxaa kamida gabar lagu magacaabo Farxiyo Sharaf oo kamida ganacsatada Islii iyadoo labo mar oo kala duwan sidaas lacag looga qaatay.

Farxiyo

Farxiyo oo sharraxday sidii lacagta looga dhacay ayaa tiri, ”Markii hore ninkaan lacag ayuu iiso diray gaareysa 35,000 oo Ksh ah, waxaan u heystay qof alaab iga dalbanaya, wuu isoo wacay oo i baryay oo igu yiri, ‘Walaaley wey igasoo qaldantay ee iiso celi’. waxaan iri ‘shirkadda waco ha kuu soo celiso’. Isaguna wuxuu igu yiri ‘Macalin dugsi miskiin ah ayaan ahay mana aqaan sida shirkadda loo waco ee adiga iiso celi’, waan ka aqbalay oo waan u diray”.

Mar kale ayay sheegtay inuu lacag u soo diray isla maalinkii. Markaan waxay gaareysay lacagtu qadar dhan KSh 45,000 ($303).

“Markaas ayaan ku xanaaqay oo aan ku iri niyohow shirkadda waco hakuu celiso ee idhaaf”, ayaa BBC u sheegtay Farxiyo. “Kadib wuu igu calaacalay oo igu yiri, ‘Hooyadey oo xanuunsan ayaan isbitaal ku geyn rabaa walalaaley ilaahay dartii iiguso celi, ilmo yar ayaa si qaldan iigaso diray markalana ma dhacayso’. aniga markaa waan u celiyay.

“Intaa kadib shirkaddii ayuu wacay oo lacagihii loo diray mar labaad ayaa ninkii loo diray oo M-Pesa deyda laga saaray, halkaana waxaan ku waayay lacag gaareysa 90,000 oo lacagta Kenya ah una dhiganta $606”, ayay tiri Farxiyo.

Farxiyo ayaa sii raacisay in ninkaan uu dhacay mar saddexaad isagoo tagay goobteeda ganacsi kadib ayuu ka adeegtay oo u diray lacag kabadan intii uu wax ku iibsaday waxa uuna sheegay in ay ka qaldantay dirista lacagta waxa uuna codsaday in loo celiyo, xilligaasi Farxiyo ma aysan jogin dukaanka waxaana dhacday in loo celiyo lacagtii uu sheegay in ay ka qaldantay, intaa kadibna uu wacay shirkadda Safaricom sidaasna mar labaad loogu celiyay lacagtii oo gaareysay ku dhawaad shan boqol oo doollar, (500%)

Cumar

Dadka kale ee sheegay inuu ninkaasi dhacay waxaa kamid ah Cumar cabdi Katiibo, oo ah nin dhallinyaro ah oo dharka tola.

Cumar ayaa BBC u sheegay in ninkaan uu yimid tukaankiisa isaga oo maqan, una sheegay dhalinyaro joogtay tukaanka inay qaraabo yihiin.

“Waxay u sheegeen in aanan joogin balse ay u adeegi karaan oo ay soo dhaweynayaan, waxa uu ku madax adeygay in aniga uu ila kulmo, intaa kadib wiilashii waxay igasoo dooneen dukaan kale oo aanan meesha ka fogeyn sidii ayaana ugu imid ninkan”.

Markuu soo gaaray tukaanka, Cumar wuxuu hseegay inay ninka ku kulmeen meheradda.

”Ninkii waxa uu igu yiri, ‘Niyohow qaraabo kore ayaan nahay ima taqaanid, waxa aan rabaa in aad alaab jumlo ah ah iga iibiso gaar ahaan dharka lammaanaha waxaan rabaa in aan sii iibiyo ee qiimo jaban igusii’. Ugu dambeyn waxa aan ku heshiinnay lacag Ksh 150,000 oo kenya shilin ah waana u adeegay”.

CCTV Pic

Intaa kadib Cumar iyo ninkan waxa ay isku afgarteen in dharka berri uu usoo laabto oo loo diyaariyo waxana uu diray lacag carbuun ah oo gaareysa KSh 75,000.

Maalinkii xigay ayuu ninkii usoo laabtay alaabtii isaga oo bixiyay acagtii ku dhimaneyd oo ahayd KSh 75,000 sidaasi waxaa koontada Cumar ee M-pesada ugu dhacday KSh 150,000 ($1011) iyadoo adeegga kadib uu codsaday in uu u bahanyhaay lacag Ksh 80,000 oo ah lacagta danabeysan loogu sarifo kaash.

Cumar ayaa sheegay inuu ka aqbalay dalabkaas oo uu lacgat u sarifay sidaas ayaana lagu kala baxay.

Sidii uu Farxiyo horay ugu sameeyay oo kale, markii uu dibadda u baxay ayuu la xiriiray shirkadda Safaricom, sidaas ayuuna ku soo ceshtay dhamaan lacagihii uu ku adeegtay iyo lacagtii kale ee uu codsaday in kaash ahaan loo siiyo ee uu M-pesada ku diray halkaana, sida uu Cumar noo sheegay. Cumar wuxuu halkaas ku waayay lacag gaareysa KSh 230,000 oo u dhiganta in kabadan kun iyo lix boqol oo doollar (1600$) iyo sidoo kale alaabtii uu ninka ka iibiyay.

Ma aha Cumar iyo Farxiyo oo kaliya ee waxa sidaasi lacago looga dhacayo ganacsato badan, waxay sheegeen in ay xarumaha booliska ka dacwoodeen isla markaana ay u tageen shirkadda Safaricom si ay dib ugu helaan lacagahooda, shirkadda ayaa ku wargelisay in la caawinayo iyagoo weli aan lacagahooda helin.

Dhammaan muuqaallada ay soo bandhigeen ganacsatada ee ay duubtay kamaradda CCTV-ga ayaa ninkan waxa uu wataa dhar isku mid ah taasi oo sahashay in dukaanleydu ay si fudud u gartaan dhaca kadib.

Saldhigga booliska Bumwani oo aan la xariirnay waxay sheegeen in hal kiis oo la xariira ninkaas uu soo gaaray, ayna hawshiisa ku jiraan. Balse waxay ku booriyeen in dadku u soo dacwoodaan booliska.

Ganacsatada ugu badan ee uu bartilmaameedsaday ayaa ah kuwa ganacsiyadooda ku xayeesiiya baraha bulshada ama shacbiyadda badan ku dhex leh aaladda TikTok-gga.