Guddiga Taakuleynta iyo Daryeelka oo gaaray Itoobiya

Guddiga Taakuleynta iyo Daryeelka oo gaaray Itoobiya
Duqa Caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa xaal-mariyey wiil Yemeni ah oo maanta askari ku jidh diley caasimadda.
Hoos ka daawo Caasimadda Puntland sida ay aad ugu kortay
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa wareysi gaar ah uu siiyay BBCda uga hadlay qoddobo dhowr ah oo ku aadan amniga dalka oo ay ka mid yihiin dagaalka lagula jiro Alshabaab, Duqeymaha cirka ah ee ay dowladdu ka geeysato goobaha ay Alshabaab kula dagaallanto iyo arimo kale.
Wasiirka oo ka hadlay deegaanada uu hadda uu dagaalku ka socdo ayaa sheegay in dagaalku uu ku bilowday in Alshabaab la geliyay cunaqabateyn adag taas oo keentay in saanaddii iyo adeegyadii kale ee ay u baahnaayeen in laga cunaqabateeyay, taasina ay kaliftay buu yiri in ay jid furtaan si Alshabaabka Bariga Webiga Shabeelle jooga iyo kuwa Galbeedka Webiga jooga ay iskugu furmaan.
Madaxweynihii hore ee Filibiin, Rodrigo Duterte oo la xiray
Madaxweynihii hore ee Filibiin, Rodrigo Duterte, ayaa Talaadada maanta ah la xiray—wax yar uun ka hor dhalashadiisa 80-aad—kaddib markii lagu soo oogay dacwad la xiriirta xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo la sheegay inuu geystay intii uu socday dagaalkiisii ka dhanka ahaa daroogada, taasoo ahayd mid ka mid ah siyaasadaha ugu waaweyn ee xukunkiisa lagu xusuusto.
Madaxweynayaal hore oo Filibiin ah ayaa horey loogu xiray eedeymo musuq-maasuq, sida Joseph Estrada oo la xirey 2001 iyo Gloria Arroyo oo la qabtay 2011. Si kastaba ha ahaatee, Duterte ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee wajihi kara maxkamad caalami ah.
Haddaba waxaa hoos ku faahfaahsan kiiska ka socda Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ee ka dhanka ah Duarte iyo sida uu u soo shaac baxay.
Xeer-ilaaliyaha guud ee Filibiin ayaa fuliyay xariga kaddib markii Interpol Manila ay Talaadadii hore heshay nuqul ka mid ah amar soo qabasho oo ka yimid ICC, sida ay sheegtay madaxtooyada dalka.
Duterte ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Manila daqiiqado kaddib markii uu kasoo degay diyaarad uu kaga soo laabtay safar uu ku tagay Hong Kong.
Warqadda soo qabashadiisa waxay si gaar ah u xustay eedda ah “dil qorshaysan oo loo aqoonsaday xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha,” taasoo la xiriirta dagaalkiisii rabshadaha watay ee ka dhanka ahaa daroogada.
Maxkamadda ayaa bilowday baaritaanka kiiskan 15-kii September 2021. Intii uu socday ololahaas, kumannaan qof—badankood rag sabool ah—ayaa la dilay.
ICC ayaa dib u bilowday baaritaanka 2023 kaddib hakad kooban oo uu sababay racfaan ay dowladdu qaadatay.
Inkastoo tirooyinka dhimashada ay kala duwan yihiin, xeer-ilaaliyeyaasha Hague waxay sheegayaan in “tirada guud ee dadka rayidka ah ee lagu dilay ololaha loogu yeeray ‘dagaalka ka dhanka ah daroogada’ ay u dhaxeyso 12,000 ilaa 30,000.”
Duterte waxa uu xilka hayay intii u dhaxeysay Juun 2016 iyo Juun 2022.
Xukuumaddii Duterte ayaa si joogto ah u diiday in ay la shaqeyso baaritaanka ICC, iyadoo ku doodday in maxkamaddu aysan awood sharci ah ku lahayn Filibiin, isla markaana ay xadgudub ku tahay madax-bannaanida dalka.
Duterte ayaa amray in Filibiin ay ka baxdo heshiiskii aasaaska u ahaa ICC, oo loo yaqaan Rome Statute, kaddib markii maxkamaddu billowday inay baarto eedeymaha la xiriira dilalka qorshaysan ee ka dhacay intii uu xukunka hayay.
Si kastaba ha ahaatee, ICC waxay xukuntay in dambiyadii la geystay ka hor inta Filibiin aysan ka bixin heshiiska 2019 ay weli hoos imaanayaan awooddeeda sharciyeed.
Madaxweynaha haatan, Ferdinand Marcos, ayaa diiday inuu dib ugu biiro ICC kaddib doorashadiisii 2022, xilli ay Duterte gabadhiisa, Sara Duterte, la tartamaysey jagada madaxweyne ku-xigeenka. Waxa uu sidoo kale sii waday diidmada wada-shaqeynta ICC.
Si kastaba ha ahaatee, mowqifka Marcos ayaa si tartiib ah isu beddelay kaddib markii xariirka u dhexeeya qoysaska awoodda badan ee Duterte iyo Marcos uu sii xumaaday.
Wuxuu sheegay in Manila ay raaci doonto waajibaadka ka saaran xubinimada Interpol, haddii ICC ay weydiisato caawimaad Interpol si loo xiro Duterte.
Kristina Conti, oo ah qareen Filibiin u dhalatay oo ka shaqeysa difaaca kiisaska ICC, ayaa sheegtay in ay suuragal tahay in Duterte lagu qaado diyaarada ugu horreysa loona gudbiyo xabsi “ugu dhow” xarunta ICC ee Hague, Netherlands.
Waxay sheegtay in warqadda xarigiisa ay si cad u farayso saraakiisha fuliyay amarka inay “geeyaan eedeysanaha maxkamadda, taasoo ku taalla Hague.”
Markii dacwadda la xiriirta dagaalkii daroogada loo gudbiyay ICC, Duterte wuxuu ku adkeystay in maxkamaddu aysan awood sharci ah ku lahayn Filibiin, isla markaana uu ogolaan doono in la xiro oo kaliya haddii maxkamad Filibiin ah ay dacweyso.
Axaddii, xilli uu kula hadlayay boqolaal taageerayaal ah oo ku sugnaa Hong Kong, Duterte wuxuu sheegay in ficilladiisii dagaalka daroogada “ay ahaayeen kuwo lagu doonayay in lagu soo celiyo xasillooni iyo nabad,” isagoo ku dooday in wax walba uu u sameeyay “dalkiisa.”
Wuxuu intaas ku daray inuu “aqbalayo” haddii la xiro.
Si kastaba ha ahaatee, Duterte wuxuu si degdeg ah u diiday sharci ahaanshaha xabsigiisa kadib markii la xiray maanta, isagoo muuqaal uu bartiisa bulshada ku baahiyay ku weydiinaya: “Waa maxay sharciga iyo dembiga aan galay? I tusiya sababaha sharci ah ee igu kallifaya inaan halkan joogo.”
Maxaa ka soo kordhay weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen hotel ku yaalla Beledweyne, yaase ku dhintay
Weerar qaraxyo ku billowday ayaa saaka lagu qaaday hotel ku yaalla galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasoo wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in la isku gabbal dhacsaday.
Qaraxa ka dib ayaa waxaa gudaha u galay hoteelka dabley hubaysan, ayadoo la maqlayey rasaas xooggan oo ka dhacaysay gudaha hoteelkaas.
Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas lagu qaaday Hotel Qaahira, halkaasoo ay shir ku lahaayeen odayaal dhaqameed ka tirsan beel halkaa degta oo sida ay dad goobjoogeyaal ah sheegeen ka arrinsanayey sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gobolka iyo gobollada u dhow.
Ilaa hadda wax badan lagama oga khasaaraha dhabta ah ee halkaa ka dhacay maadaama uu dagaal weli ka socdo gudaha hoteelka, laakinse inta la hubo ayaa ah in ay ilaa 10 qof ay ku dhinteen, kuwaasoo ah dadkii ku jiray gudaha hoteelka.
lo xog-ogaal ah ayaa BBC u xaqiijiyey in dadka dhintay ay ku jireen seddex nabaddoon oo ka mid ah odayaashii halkaa ku shirayey, waxaana magacyadooda lagu sheegay Aadan Raaxo-jecel, Aadan Indhobuur, iyo Maxamed Cismaan (Ileynaa), halka nabadoon magaciisa lagu soo koobay Islow uu ka badbaaday, laakinse uu dhaawac soo gaaray.
XIldhibaan Daahir Amiin jeesow oo deegaankaas ka soo jeeda oo BBC la hadlay ayaa dhankiisa xaqiijiyey geerida laba ka mid ah odayaasha, wuxuuna intaa ku daray indagaalku uu weli socdo. Xog madax banaan oo aan ka helnay dad xog-ogaal ah ayaa iyadana sheegaysa in Hoteelkaas ay yaalleen hub iyo rasaas loogu tala galay in beeshaas ay ku gasho dagaalka Al shabaab.
Xildhibaan jeesow wuxuu intaa ku daray in Al Shabaab ay soo geliyeen ilaa labaataneeyo nin oo isugu jira kuwii weerarka tooska ah hotelka ku qaaday iyo kuwo jidadka ka dagaallamay. “Magaalada waa laga saaray, meydkoodiina waddooyinka ayey yaallaan” ayuu yiri Daahir Jeesow .
Laakinse xildhibaanku wuxuu qiray, sida ay BBC-na xogta ku helayso, in dagaalka gudaha hoteelka ka socda aan weli la soo afjarin.
Dhanka dhaawacyada wuxuu sheegay in ay jiraan dhaawacyo duleedka magaalada lagu daweynayo. “Waxaa jira dhaawacyo lagu daweynayo Ceel Jaalle, kuwaasoo aan doonayno in Xamar loo soo qaado”.
Dhankooda – dadka aan goobta joogin – ayuu sheegay in ay wadaan qorshe dhaawacyada wax loogu qabanayo, sida in la raadiyo dayaarado dhaawaca lagu soo qaado. “Waxaa muhiim ah in dagaalka la soo afjaro. Waxaan la hadalnay ciidanka Itoobiya, waxaana muhiim ah in la helo ciidan hub waaweyn haysta oo dhulka soo dhigi kara, ilaa saaka macawisley ayaa la dagaallamaysay, in guriga oo dhan dhulka la dhigo ayey noqonaysaa” ayuu yiri xildhibaan jeesow.
BBC si toos ah uma xaqiijin hadalka xildhibaanka ee ah in macawisley oo kaliya ay lal dagaallamayeen miliishiyada gudaha hotelka ku jirta. Laakinse wararkii ugu dambeeyey ee aan ka helno Beledweyne waxay sheegayaan in aan weli hotelka laga saarin dableydii weerarka soo qaadday oo la isku gabbal dhacsaday.
Waa markii ugu horreysay ee dagaal noocaas ah oo saacado aad u dheer socdaa uu ka dhaco Beledweyne. Hore Al shabaab waxay xilliyo kala duwan weerarro qaraxyo ah iyo kuwo ku dhufoo ka dhaqaaq ah ugu qaadeen xarumo ku yaalla Beledweyne oo isugu jira kuwa dawladda, kuwa ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika iyo xataa goobo ay dadweyne ku shaahayeen, ayagoo dilay dad xilal hayey iyo dad rayid ah intaba.
====Madaxweynaha Kenya, William Ruto, oo maanta booqday xaafadda Soomaalidu dagto ee Islii, ayaa ballanqaadyo u sameeyay dadka Soomaaliyeed.
Maxaa ka cusub shidaal sahminta Soomaaliya?
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in inta badan sahmintii shidaalka ee shirkadda Turkiga ay ka wadday Soomaaliya ay soo gabagabowday.
Wasiirka Shidaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa VOA-da u sheegay in boqolkiiba toddobaatan la dhameeyay sahminta shidaalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa dhanka kale wuxuu dhawaan heshiis dhinaca shidaalka iyo macdanta ah la galay dalka Azerbaijan.
Falastiin Axmed Iimaan ayaa ugu horreyn wasiirka weydiisay safarkii uu dhawaan ku tegay dalka Azerbaijan iyo heshiisyadii uu la soo galay.
Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa Baaqnamadeed u diray Beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay maanta Degaanka Dureera, Degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha ayaa Booliska gobolada Sanaag iyo Haylaan ku adkeeyey inay degaanka colaadu ka jirto ciidanku la wareegaan, dhanka kale isimada dhaqanka Gobolka iyo guud ahaan Puntland ayuu Guddoomiyuhu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda labada beelood ee walaalaha ah iyo sidii loo soo afjari lahaa colaadda.
Dooxada Dureera ee hoos tagta degaanka Damala xagare ee Degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa maanta dagaal wuxuu ku dhex maray labo beelood oo walaalo ah oo ka soo wada jeeda Beelwaynta Warsangeli.
Dagaalkan ayaa sida la sheegay waxa ku dhintay 13 qof in badan oo kalena way ku dhaawacmeen.
Beelaha uu ku dagaalamay degaankan hoos taga degmada Ceerigaabo ayaa kala Muxumud iyo Bohogayslabe.
Beesha Bohogayslabe ayaa waxa dagaalkan kaga dhintay Allah ha wada naxariistee
2 .jaamac Cabdi Tooxyare
3 .Bire Maxamed Jaamac Fadal
4. Maxamed cali jaamac Fadal
5. Axmed Cabdale (dheereye)
6. Saleebaan Cabdirisaaq
7. Maxamed Cige Ccaruus
8. Cabdirisaaq Cali Faarax Geesood
1) Afgaab Suudi
2) Maxamed Ahmed Sudi
3) Yusuf Abdi Sudi
4) Jama Bile Sudi
5) Muse M Sudi