Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galay caleemo-saarka Madaxweynaha Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta madaxda caalamka kala qeybgaley xafladda caleema saarka Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo ka dhacdey magaalada Nayroobi.

Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa khudbad ku aaddan hiigsiga, horumarka iyo xirriika Kenya la leeyahay waddamada kale ee qaaradda Afrika ka jeediyay Madaxweyne Kenyatta, iyadoo ciidammada Baambeyda ay halkaasi ku soo bandhigayeen salaan sharaf lagu maamusayo caleema saarka

Sawirka Villa Somalia.

Sawirka Villa Somalia.

Sawirka Villa Somalia.

Sawirka Villa Somalia.

Boos uu Lahaa Madaxweeynihii Horre oo dib loo soo Celiyey

Boos uu lahaa allaha u naxariistee Madaxweeynihii horre Ca/laahi Yuusuf Ahmed ayaa maanta dib loo soo celliyey kadib markii dad ku habsaday ay horay u heesteen. Waxaana dhab ah qofkii  hanti uusan laheen qaata in isaga uun ay dhibeeyso, qof kastana wixii adduunka uu galabsado ayuunbuu camalkeeda la aadi doonaa aakhiro oo ah meel aan sheeko sheeko oolin.

Allsanaag.com

Ma Runbaa in Mashaariicda dowladda Qatar ay ku kooban yihiin caasimadda iyo magaalooyinka deriska la ah

Ma Runbaa in Mashaariicda dowladda Qatar ay ku kooban yihiin caasimadda iyo magaalooyinka deriska la ah

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha ee  dawladda Soomaaliya   Jamaal Caaqil Maxamed Xasan, sida uu  qoraalkiisa hoose  ku sheegay ma jiraan  degaano  cayiman ee  uu magcaabay in mashaariicda dawladda  Qatar ugu deeqaday Soomaaliya laga hirgelinayo. Laakiinse Wasiir jamaal,  wuxuu si cad u sheegay   in Mashaariicda Dawladda Qatar ugu deeqday   Soomaaliya laga  wada  hirgelinyo guud ahaan dalka “.

 

Wafdi ka socda Dowladda Qatar oo booqasho ku yimid Muqdisho

Wafdi ka socda Dowladda Qatar oo booqasho ku yimid Muqdisho

Muqdisho, November 28, 2017 – Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaallaha H.E. Amb. Gamal Mohamed Hassan, Wasiirka Amniga gudaha H.E. Mr. Mohamed Abukar Islow iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud ayaa maanta si diirran ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Qatar oo uu hoggaaminayay Mr. Khalifa Jassim Al kuwari oo ah Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee horumarinta.

Wafdiga Dowladda Qatar ka socda oo ka kooban illaa iyo shan xubnood ayaa la kulmi doona Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Hassan Ali Khaire, iyadoo wadahadallo waxgal leh uu dhici doono inta lagu gudajiro kulamada la qorsheeyay.

Socdaalka wafdigan ayaa jawaab u ah xiriiro kala duwan oo Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Qatar ay lahaayeen muddooyinkii ugu dambeeyay si loo taabageliyo maashaariic horumarineed oo dhaxalgal ah.

Soo dhoweynta wafdigan ayaa waxaa ka qeybgalay Kusimaha Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mr. Mohamed Ali Gaal, Agaasimaha Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda Mr. Yusuf Alasow Mohamud, Kusimaha Agaasimaha guud ee habmaamuuska Qaranka Mr. Mohamed Abdi Ali iyo diblomaasiyiin kale oo katirsan Wasaaradda.

Sawirka Ministry of Foreign Affairs of Somalia.

Sawirka Ministry of Foreign Affairs of Somalia.

Sawirka Ministry of Foreign Affairs of Somalia.

Sawirka Ministry of Foreign Affairs of Somalia.

Sawirka Ministry of Foreign Affairs of Somalia.

Sawirka Ministry of Foreign Affairs of Somalia.

Jabhadaha Hubka ha loo dhiibo 1991

Intaanu Muqdisho ka soo dhoofin Raisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya  Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ,  Muuse Biix  oo gacan ku dhiigle ah ayuu ugu  hambalyeey inuu Soomaaliya kala gooyo ,  maantana wuxuu booqasho ugu tegay  Cumar Cartan Qaalib,  oo lagu xasuusto hadalkiisii caan baxay 1991  ee ahaa in  Hubkii Qaranka Soomaaliyeed gacanta ha loo geliyo jabhadihii USC iyo SNM.

Booqashada uu  Ra’isawasaare ku xigeenka Soomaaliya uu booqday Cumar Cartan  ,  waxay ka dhigan tahay booqashada Hereri Diyaaradda ugu qaato meesha loogu sheego inuu ku nool yahay nin ka soo jeeda beesha Isaaq

 

Ciro iyo cali Khaliif oo kulmay

Cali Khaliif iyo Ciro oo ka wada hadlay sidii qas iyo fawdo loga sii wadi lahaa degaanada beesha dhulbahante degto

Cali Khaliif Galaydh iyo Abdiraxman Cirro,  oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa looga hadlay sidii dadka deegaanka Khaatumo  inta hadhay gacanta loogu galin lahaa maamulka SNM  oo ay ugu weyn-tahay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

https://youtu.be/DEdDYTkfeq4

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya caleema-saarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya caleema-saarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta

Nayroobi, Nofeembar, 27, 2017- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeybgalaya caleema-saarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa soo gaaray Maagalada Nayroobi.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Danjire Aamina Maxamed, Sii-haya Safaaradda Soomaaliya ee Kenya Cali Maxamed Sheekh (Bagadi) iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda.

“Xiriirka ka dhaxeeya labada dal waa mid ku dhisan iskaashi iyo wax wada-qabsi. Madaxweyne Farmaajo bishii Maarso ee sanadkan ayuu booqasho rasmi ah ku yimid Kenya si loo xoojiyo xiriirkaas, haatanna waxa uu ka qeyb galayaa caleema-saarka Madaxweyne Kenyatta.” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axemed.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa qaadan doona muddo hal maalin ah, waxaana berri oo Talaadada ah uu ku biiri doonaa hoggaamiyeyaal ka socda qaaradda Afrika iyo Caalamka oo ka qeyb galaya caleema-saarka.

Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhaxeeya xiriir iskaashi oo dhinacyada ammaanka, ganacsiga iyo horumarinta ah, iyada oo uu shaqeeyo guddi wadajir ah oo labada dhinac u qaabilsan dhaqan-galinta heshiisyada is-kaashi ee u dhaxeeya labada dal.

Sawirka Villa Somalia.

Sawirka Villa Somalia.

Sawirka Villa Somalia.