5th June 2025  admin  Category :

Ogoow sababta dacwadda loogu soo oogay haweeneeydaan oo la xiray iyadoo u socota Dubai

Bogga xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka ayaa shaaciyay in Hibo Dacar oo ah haweeneey Soomaali Maraykan ah oo sida lagu eedeeyay ka mid ahayd dadkii loo haystay wax isdaba marinta ‘nidaamka Quudinta Mustaqbalkayaga’ lagu soo oogay laba dacwadood oo khiyaano ah.

“Eedaysanaha 71-aad ee wax isdaba marinta nidaamka Quudinta Mustaqbalkayaga ayaa lagu soo oogay laba dacwadood oo khiyaano ah ka dib isku daygeedii fashilmay ee ay ku doonaysay inay dalka uga baxdo oo ay aado Dubai”, ayay ku dhawaaqday Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Maraykanka Lisa D. Kirkpatrick.

Qoraalka lagu baahiyay bogga xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in Hibo Dacar oo 50 jir ah “ay lahayd oo ay maamulaysay xarun lagu magacaabo Northside Wellness Center”.

“Sannadkii 2020, Hibo waxa ay dalbatay in loo isticmaalo Xarunta Fayoqabka ee Northside goob cunto qaybinta barnaamijka nafaqeynta carruurta ee dawladda dhexe ee hoos timaada kafaala-qaadka Quudinta Mustaqbalkeenna. Waxaa la sheegay in ay kumanaan kun oo cunto ah ay siisay caruur ka timid goob ganacsi oo yar oo ku taal wadada Hennepin ee Minneapolis,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka xafiiska xeer ilaalinta.

Waxaa sidoo kale ay xeer ilaalintu ku eedeysay Hibo in mararka qaarkood ay buuxisay oo saxeexday dukumintiyada tirinta cuntada oo ay ku andacoonaysay inay siinayso 40,000 oo cunto carruurta ka socota goobta fayoqabka ee Northside todobaad kasta.

Dukumeentiyada maxkamada ayaa sheegay in tirada cuntadaasi ay ahaayeen “kuwo la buunbuuniyay”, iyo in Dacar ay isticmaalaysay “qaansheegad been abuur ah” iyo liiska “xaadirika beenta ah” si ay u xoojiso sheegashadaas “la buunbuuniyay”. Waa sida lagu baahiyay bogga xeer ilaaliyaha Mareykanka.

“Xarunta hibo ee Northside Wellness site waxay soo gudbisay in ka badan $2.4 milyan oo sheegashooyin lacag celin ah. Koontada bangiga ee Hibo ay maamusho ayaa waxaa ku dhacday in ka badan $1.7 milyan oo doollar. Diiwaanada maaliyadeed ayaa tilmaamaya in Dacar ay u isticmaashay kaliya qayb yar oo lacagtaas ah si ay cunto ugu iibiso taas badalkeedana lacagtaas inteeda badan u wareejisay qoyska, asxaabta iyo nafteeda,” ayuu daabacay xafiiska xeer ilaaliyaha Mareykanka.

Qoraalka lagu baahiyay bogga xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in Hibo Dacar oo 50 jir ah ay lahayd oo ay maamulaysay xarun lagu magacaabo Northside Wellness Center.
Qoraalka sawirka,Qoraalka lagu baahiyay bogga xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in Hibo Dacar oo 50 jir ah ay lahayd oo ay maamulaysay xarun lagu magacaabo Northside Wellness Center.

Wakiilo federaal ah ayaa Hibo ku qabtay garoonka diyaaradaha ee Minneapolis-St. Paul International Airport Isbuucan ka hor inta aysan raacin diyaarad ku socotay Dubai, sida ay sheegtay dowladda Maraykanka. Hibo Dacar ayaa hadda waa ay ku xiran tahay xabsiga iyadoo la sugayo dhageysiga la qorsheeyay 30-ka May.

Kiiskan ugu dambeeyay wuxuu muujinayaa in mas’uuliyiinta federaalku ay sii wadaan inay ballaariyaan baaritaankooda la xiriira wax isdaba marintii COVID-19. Laga bilaabo 2022, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Mareykanka ee Minnesota ayaa dacwad ku soo oogay 70 eedaysane oo lagu eedeeyay in ay xadeen $250 milyan.

Hibo Dacar ayaa u sheegtay saraakiisha inay la hadlaan qareenkeeda, sida ay sheegtay maxkamadu.

Sida ku cad amarka xarigga, saraakiisha federaalku waxay u sheegeen qareenka Hibo Dacar inuu baaritaan ku socdo waxaana lagu casumay inay wareysi siiso saraakiisha. Hibo Dacar iyo qareenkeeda ayaa diiday wareysiga, sida ay sheegtay dowladdu.

Hibo Dacar waxa ay maxkamadi ugu horeysay ka soo muuqatay Talaadadii. Waxay u sheegtay maxkamadda inaysan safrin labadii sano ee la soo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee, dacwad oogayaasha dowladda federaalka ayaa xusay in baasaboorkeeda uu muujinayo in ay safar ku tagtay dalal badan oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Cumaan iyo Kenya. Maxkamada ayaa amartay in xabsiga lagu sii hayo.

Muxuu yahay barnaamijka lagacta laga xaday?

Barnaamijka Quudinta Carruurta ee Federaalka oo ay maamusho Waaxda Beeraha ee Dowladda Mareykanka (USDA), waxaana dhaqaalihiisa loo bixiyaa qaab federaal ah si raashin bilaash ah loo siiyo carruurta u baahan.

Intii uu jiray cudurka COVID-19, USDA waxay joojisay qaar ka tirsan shuruudihii ka qeybgalka barnaamijka, iyadoo oggolaatay in maqaayado faa’iido-doon ah iyo qeybo ka baxsan barnaamijyada waxbarashada ay qeyb ka noqon karaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*