16th September 2024  admin  Category :

Nuxurka khudbaddi ay xalay Kamala Harris ku soo xirtay Shirweynaha Xisbiga Dimoqraadiga

Madaxaweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa xalay ku boorrisay shacabka Mareykanka in ay iska diidaan kala qeybsanaan siyaasadeed, taasi baddalkeedana ugu yeertay wax ay ku tilmaantay “dariiq cusub oo horay u socod ah,”.

Harris oo xiritaanka Shirweynaha Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ka jeedisay khudbad socotay 40 daqiiqo, ayaa ka hadashay qodobo u badnaa arrimaha gudaha, iyo sidoo kale siyaasadda dibadda.

Marka laga hadlayo nuxurka arrimaha gudaha, waxay ku doodday taariikhdeeda shakhsiyadeed, tacliinteeda iyo xirfaddeedii dacwad-oogista ay ka dhigeyso qof awood u leh in uu difaaco danaha shacabka MAreykanka, gaar ahaan in ay ka ilaaliso madaxweynihi hore Donald Trump oo ay ku sifeysay in uu kaliyah maskaxda ku hayo danihiisa gaarka ah.

“Qarankeenna doorashadan wuxuu heystaa fursad qaali ah siu u uga gudbo tagtadi qaraareyd, bahdilaaddii iyo dagaalladi kala qeybsanaanta ee aanu kasoo gudubnay. Waxaan heysannaa fursad aan horay ugu dhaqaaqi karno iyada oo aanan la fiirineyn xisbi, laakin si wadajir Mareykannimo ah” ayay tiri Harris.

Harris oo ah 59 jir, ayaa u muuqatay mid xoogga ku saartay khudbaddeedii xalay soo jiidashada taageerayaasha Jamhuuriga ee aanan jecleyn Trump iyo muwaadiniinta kale ee aanan go’aansan cidda ay doora doonaan. Waxay ballan qaaday in ay noqon doonto madaxweyne u khidmeyn doono dhammaan shacabka Mareykanka.


“Waan ogahay in ay jiraan dad araktiyo siyaasadeed oo kala duwan leh oo na daawanaya caawa. Waxaan rabaa inaad ogaataan inaan ballan qaadayo inaan noqon doono madaxweynaha dhammaan shacabka Mareykanka.Waxaan ballan qaadayaa inaan madaxweyne u noqodo dhammaan dadka Mareykanka si aan kor ugu qaado mabaad’da dastuurka, qiyamka aasaasiga ah, laga soo billaabo ku dhaqanka sharciga, doorasho caddaalad ah ilaa in talada lagu wareejiyo si nabad ah.”

Mar ay ka hadleysay dhaqaalaha waddanka iyo qorshayaasheeda canshuur dhimista ayaa carrabka ku adkeysay in ay canshuurta ka dhimi doonto qoysaska dabaqadda dhexe ee Mareykanka. Waxay sheegtay in canshuur dhimisteedaasi dabaqadda dhexe ay ka faa’iidi doonaan in ka badan 100 milyan oo Mareykanka.

Waxay faah-faahiyay qorshaheeda ku aaddan xuquuqda dumarka ee ilama-iska soo rididda, sharciyada xuquuqda codeynta, xoojinta iyo sahlista guryeynta Mareykanka, yareynta sicirka cuntada iyo in ay canshuurta ku kordhin doonto 21% ilaa 28% shirkadaha waaweyn.

Inta aysan khudbaddeeda billaaban, kumannaan ka mid ah dadka taageersan Falastiin ayaa mar kale ku bannaan baxay bannaanka garoonka uu ka socday shirweynaha isla markaana ka khudbeysay Harris. Dadkaan ayaa ka cabanaya taageerada dowladda Mareykanka ee dagaalka ay Isra’il ka waddo Gaza.

Mowduucaan ayaa ka mid ah kuwa ugu badan ee ay ku kala qeybsanyihiin taageerayaasha dimoqraadiga, lagana cabsi qabo inuu dhaawaco ololahooda doorashada sannadkaan.
Harris ayaase arrinta Gaza iyo la heystayaasha Isra’iiliyiinta ee Gaza kaga hadahsay khudabadeedii xalay, iyada oo ku baaqday in la gaaray xilligi la deyn lahaa la heysatayaasha lana dhameyn lahaa masiibada ka taagan Gaza.

“Hadda waa waqtigii la keeni lahaa heshiiska xabbad joojinta iyo kan sii deynta la heystayaasha. Aan idiin caddeeyo middaan. Mar walba waxaan u taagnaan doonaa inaan difaaco xaqa ay Isra’il u leedahay in ay is difaacdo mar walbana waxaan xaqiijin doonaa awoodda ay Isra’il u leedahay in ay is difaaco, balse waxa ka dhacay Gaza 10 ki bil ee lasoo dhaafay waa wax aad u xun, Dad badan oo aanan waxba galabsan ayaa la laayay, dad gaajeysan oo quus ah ayaa marba dhinac u qaxa iyaga oo ammaan raadinaya. Baaxadda dhibaatada waa mid naxdin leh,” ayay tiri Harris.

Mar ay ka hadlaysay arrimaha dibadda, waxay Harris carrabka ku adkeysay in ay difaaci doonto danaha Mareykanka ee ka dhanka ah Iran, isla markaana ay u babac dhigi doonto diktaatoorrada iyo kali-latisyaasha.
Waxay sheegtay in ay garab istaagi doonto Ukraine iyo xulufada Mareykanka ee NATO.

Harris ooh adda ah 59 jir ayaa doorashada soo socta ee madaxtinimada Mareykanka foodda ku dari doonta, murashaxa xisbiga Jamhuuriga, madaxweynihi 45-aad ee Mareykanka Donald Trump oo 78 jir ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*