10th October 2024  admin  Category :

NISA oo digniin culus u dirtay dadka xiriir la leh Al-shabaab

Hay’adda Nabad-suggidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa digniin cusub soo saartay, kadib markii howlgal ay sameysay ay ku qabatay 10 qof oo ay sheegtay inay la macaamilayeen maleeshiyada Al-shabaab, sida ay kusoo sheegtay qoraal goor dhaweyd hay’adda kasoo baxay.

“Waxaa la qab-qabtay ku dhawaad 10 qof oo si yaabo kala duwan u la macaamilayay argagixisada” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay bogga rasmiga ah ee Twitterka ee hay’adda, kaas oo intaas ku daray;

“Hadda kadib waxaa tallaabo waafaqsan sharciga dalka laga qaadayaa cid waliba oo u tagta, adeecda, u adeegta ama u fududeysa hawlaha ay ku dhibaateynayaan amniga iyo badqabka shacabka.”

Toddobaadkii hore ayay sidoo kale howlgal ay NISA sameysay kusoo qabatay 10 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab, hub iyo rasaas ay wateen kuwaas oo laga qabay saddex guri oo kala duwan oo ay daganaayeen, iyada oo sheegtay ‘inay fashilisay howlgal ay damacsanaayeen inay fuliyaan’, kaas oo ay ka war heshay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*