1st February 2025 admin Category :
Ninkii gubay kitaabka quraanka oo toogasho lagu dilay
Ninkii sababta u ahaa inay dhacaan banaanbaxyo rabshado wata ka dib marki uu gubay kitaabka quraanka ayaa toogasho lagu dilay dalak Sweden, sida ay warbaahinta maxalliga sheegtay.
Salwan Momika oo 38 jir ah ayaa la sheegay in lagu dilay guri ku yaalla Södertälje, oo ka tirsan magaalada Caasimadda ee Stockholm, fiidnimadii Arbacada.
Rabshadaha ayaa dhacay ka dib markii uu Mr Momika dab qabadsiiyey nuqul ka mid ah kitaabka quraanka, meel dibadda ka ah masaajidka bartamaha Stockholm sannadkii 2023.
Mr Momika iyo qof ay wada noolaayeen ayaa lagu eedeeyey inay xiriir la leeyihiin gubidda quraanka, laakin xukunkiisa ayaa la filayey in Khamiista lagu dhawaaqo, kaasoo dib loo dhigay ka dib “la xaqiijiyey in mid ka mid ah isdifaacayaasha uu geeriyooday” sida ay shegtay maxkamadda degmada Stockholm
Booliska Stockholm ayaa u sheegay warbaahinta SVT News in nin da’diisa lagu qiyaasay 40meeyo oo la toogtay laga helay guri, kaasoo markii dambe geeriyooday.
Waa kuma Salwan Momika
Momika ayaa sannadki 2023 dhowr goor ku gubay kitaabka dalka Sweden, waxayna talaabadaas soo jiidatay indhaha caalamka, ayadoo ka caraysiisay dalal muslim ah, dhalisayna deganaansho la’aan iyo rabshado.
Wuxuu maxkamad horteeda kaga dodoay in ficilladiisa ay ku wajahan yihiin diinta Islaamka ee aysan ku wajahnayn muslimiinta, uuna doonayo in uu dadka reer Sweden “ka ilaaliyo farriimaha quraanka”.
Booliska Sweden ayaa u ogolaaday inuu mudaaharaadkiisa kitab-gubidda sii wato, inkastoo eedeymo lagu soo oogay.
Isaga iyo qof ay isku kiis yihiin ayaa lagu eedeeyey maxkamad ku taalla magaalada caasimadda horteeda in ay kiciyeen nacayb jinsiyadeed, sababo la xiriira hadallo ay ka sheegeen quraanka, ayadoo maanta la filayey in xukun laga soo saaro.
Momika oo ah Qaxooti Ciraaqi ah ayaa u ololaynaya in dalka Sweden kitaabka laga joojiyo. Waxaana falkiisaas ka cadhooday malaayiin Muslimiin ah oo dareenkooda ku muujiyey baraha bulshada iyo dalka Turkiga, oo falkaas ku tilmaamay waxaan loo dul qaadan Karin.
Soomaalida Sweden maxay ka aaminsan yihiin Momika
Dadka ka falceliyay waxaa ka mid ah Maxamed Maki, oo ah guddoomiyaha mid ka mid ah masaajidda Soomaalida ee Sweden sidoo kalena ka mid ah midawga masaajidda Sweden. Waxa uu BBC u sheegay inay ka xun yihiin shalay oo ciidu Adxaa ahayd oo maalin farxadeed ah uu nin cunsuri uu nuqul ka mid ah kitaabka Qur’aanka ku gubo misaajid hortii.
“Waxaa dhacday in cunsiri ah oo asal ahaan Ciraaq ka soo jeeda uu misaajidka Stockholm ku hor gubo kitaabta Qur’aanka ah weliba iyadoo dowladda Sweden ay u fasaxday marka waa ficil aad u fool xun oo aan ka soo horjeedno oo aan cambaareyneyno oo dalkan Sweden iyo magaalada Stockholm dan ugu jirin.”
“Muslimiinta reer guud ahaan aad ayay uga xun yihiin falkan waan ka dignay dowladda waan u sheegnay inaan dooneyno in dalka Sweden nabad lagu wada noolaado, diimaha la ixtiraamo, ambiyada Ilaahey la ixtiraamo oo laga fogaado wax kasta oo dhib u keena kara dalkan.”
Dhanka kale Maxamed Maki ayaa sheegay in dadka Muslimiinta ah ay u sheegeen inay is dejiyaan oo laga fogaado wax kasta oo ficil ah oo gacan ka hadal ah sababtoo dadka aan Muslimka ahayn maalin walba waxay soo galayaan diinta Muslimka marka waxaan ka hortageynaa haddaanu nahay misaajidadii in dadka Mulimiinta ah ay ficil qaadaan.
“Ninkan falkan sameeyay markaan dib u baarnay waa nin diinta Masiixiga haysta oo Ciraaq ka soo jeeda oo cadaawad iyo xiqdi farabadan u qabo dadka Muslimiinta ah laakin kaniisadaha ayaa nala soo xiriiray waxayna noo sheegeen in ficilkan uu ninkan sameeyay ay bari ka yihiin,” ayuu yiri Maxamed
Muddo sannad iyo dheeraad laga joogo ayey xukuumadda Sweden sheegtay in guud ahaan Sweden laga musaafurinayo Salwan Momika, waxayna Sweden kala laabatay ruqsaddii deganaanshaha, hase yeeshee wuxuu xilligaas sheegay inuu doonayo inuu racfaan qaato.
Ninkaas oo hore u ahaa masiixi ayaa marki dambe doorbiday inuusan wax diin ah qaadan oo uu ahaado mulxid (Diin laawe).