18th April 2024  admin  Category :

Ninkii Diley Paul Formosa oo Ku Geeriyoodey Magaalada Boosaaso.

Waxaa caawa cusbitaalka magaalada Bosaso ku geeriyooday ninkii saakaa subaxii hore toogashada ku dilay maamulihii dekeda Bosaso ee shirkadda P&O Port ee dalkaasi Imaraadka Carabta Paol Farmosa.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Maxamed Ibraahim, da’ahaana lagu qiyaasay 20 jir ayaa la dhigay qaybta xaalada deg dega ah ee cusbitaalka Bosaso, iyadoo qaliin lagaga sameeyay 5 xabadood oo ku dhacay

” Abaarihii 8: 30 fiidnimo ayay naftu ka baxday, waxaa lagu sameeyay qaliin lagaga saaray xabado kaga dhacay Badhida, Caloosha iyo gacanta, waa lagu dadaalay in la badbaadiyo hase yeeshee waa lagu guuldaraysay” sidaas waxaa horseedmedia u sheegay mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka Cusbitaalka Bosaso oo magaciisa qariyay.

Muqaal lagu baahiyay baraha bulshada oo laga soo duubay ninkan ayaa muujinayay nin oo ay waraysanayaan saraakiil ka tirsan ciidamada booliska, iyagoo waydiinayay meesha uu ka yimid iyo magaciisa, hase yeeshee xaaladiisa oo aad cuslayd kama uusan jawaabin su’aalihii la waydiinayay.

Ninkan oo ku hubaysaa bastoolada ayaa saaka abaarihii 7:15 wuxuu toogasho ku dilay maamulihii shirkadda P&O port u qaabilsanaa Dekeda Bosaso, isagoo dhaawacay mid ka mid ah saraakiisha ajnebiga ee ka shaqaynaysay Dekeda Bosaso iyo labo askari oo ilaalo u ahaa Paol Farmosa.

Ciidamada Ilaalada Dekeda ayaa toogtay ninka dilay Paol Farmosa, waxay kaloo qabqabteen tiro dad ah oo ka mid ahaa shacab doonayay inay wax ka soo iibsadaan suuqa Kalluunka magaaladda Bosaso. Suuqaasi ayaa maanta gebi ahaanba xirmay.

Ururka Alshabaab ayaa qirtay masuuliyada dilka Paol Farmosa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*