19th September 2024  admin  Category :

Nin Soomaali ah ee loo magacaabay agaasimaha Dambi Baarista ee Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa Amiin Ibraahim Maxamed u magacaabay xilka Agaasimaha Waaxda Dambi-baariska ee Kenya, oo magaceeda loo soo gaabiyo DCI.

Amiin ayaa beddeli doona agaasimihii hore ee waaxda Dambi Baarista Kenya, George Kinoti, oo xilkaas iska casilay, sida lagu shaaciyay bogga Facebook ee DCI-da.

Amiin ayaa kasoo jeeda magaalada Wajeer, in muddo ahna waxa uu ku jiray shaqada dambi baarista.

10 murashax ayuu kasoo dhex baxay

Magacaabistiisa ayaa timid kaddib markii turxaan bixin lagu sameeyay 10 murashax oo u tartamay jagadaas. Waxaa murashaxiinta wareysi ka qaaday Guddiga adeegga Booliska ee Kenya.

Mas’uuliyiinta guddiga ayaa markaas kaddib xogtooda ugu gudbiyay madaxweyne Ruto, iyagoo kula talinayay qofka u qalma booskaas, markii ay eegeen tobanka murashax.

Murashaxiinta kale ee la tartamayay ayaa kala ahaa, Nicholas Kamwende oo ka tirsan saraakiisha dambi baarista, madixii hore ee waaxda la dagaallanka argagixisada, Munga Nyale, Mr Bernard Marasa Walumoli, Eliud Kipkoech Lagat; Ms Esther Chepkosgei Seroney, David Kipkosgey Birech, Jonyo Michael Wiso, Paul Ndambuki iyo Dr Simon Wanderi, oo ah madaxa qeybta baaritaannada ee hay’adda tareennada ee Kenya.

Soo xulashadiisa markii dambe isu beddeshay magacaabista ayaa si rasmi ah usoo baxday Jimcadii oo ay taariikhdu ku beegneyd 14-ka bishan October.

Dhowr xil oo uu horay usoo qabtay

Amin Ibrahim

Ka hor inta aan loo magacaabin xilkan, Amiin waxa uu ahaa Agaasimaha Waaxda Arrimaha Gudaha, oo qaabilsan inay baaritaanno ku sameyso cabashooyinka ka dhanka ah booliska.

Haddase isagoo madaxa DCI-da ah ayuu ku noqonayaa hay’addan oo uu horay uga soo shaqeeyay, xilal kala duwanna kasoo qabtay.

Jagooyinka uu horay ugasoo qabtay gudaha DCI-da waxaa ka mid ah inuu ahaa madaxa qeybta baaritaannada ee Xarunta Dhexe, Madaxa Howlagallada, Madaxa qeybta qaabilsan musuqmaasuqa Bankiyada iyo xilal kale.

Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation, intii u dhaxaysay 2009 iyo 2010, Amiin Maxamed waxa uu ku sugnaa qaybta baarista ee dhaca iyo wax isdaba marinta bankiyada ee hay’adda DCI.

Sannadkii 2004-tii, waxa uu ahaa Madaxa Baarista ee xafiiska dabagalka. Waxa kale oo uu hoggaaminayay dhammaan baaritaannadii la xiriiray Adeegga Booliska Qaranka (NPS).

Sannadkii 2014-kii, waxa uu ahaa Isu-duwaha Xarunta DCI-da ee Gobolka Bartamaha, waxa kale oo uu hormuud ka ahaa hawl-galladii xarunta dhexe ee DCI intii u dhaxaysay 2014 ilaa 2015.

Jagadiisii ​​ugu dambeeyay ee DCI waxa ay ahayd Isuduwaha Gobolka Waqooyi Bari intii u dhaxaysay 2015 iyo 2019.

‘Dhiig cusub oo lagu shubay waaxda dambi baarista’

Amiin Maxamed

Amiin Maxamed waxa uu muddo dheer kasoo shaqeynayay laamaha amaanka ee Kenya, markii ugu horreysayna waxa uu booliska ku biiray sanadkii 1989-kii, sida ay qoreen warbaahinta ugu waaweyn Kenya, oo uu ku jiro wargeyska Nation.

Waxa uu leeyahay khibrad 30 sano ka badan oo la xiriirta arrimaha dambi baarista taas oo u sahashay in loo magacaabo jagadan saameynta weyn leh.

Bayaan kasoo baxay Hay’adda DCI ayaa lagu sheegay in “uusan shaki ku jirin “in magacaabistiisa ay noqoneyso dhiig cusub oo lagu shubay hay’adda ugu weyn ee waddanka Kenya u qaabilsan dambi baarista, uuna wax ka qaban doono fal dambiyeedyada dhinacyada kala duwan leh.”

Waxaa sidoo kale bayaankaas lagu sheegay in dhammaan xubnaha DCI-da ay soo dhaweynayaan agaasimahooda cusub, Amiin Ibraahim Maxamed.

DCI-da Kenya ayaa dowladda u qaabilsan dambi baarista guud, waxa ayna dabagal ku sameysaa dhammaan fal-dambiyeedyada shacabka iyo kuwa lagu tuhmo siyaasiyiinta.

Waxaa xusid mudan in Maxamed uu xilal kala duwan kasoo qabtay Hoggaanka dambi baarista ee gobollo dhowr ah, sida ay qoreen warbaahinta maxalliga ah.

Isku day aan u sameynay inaan xiriir toos ah la sameyno Amiin Ibraahim ayaan noo suurtagelin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*