7th September 2024  admin  Category :

Nin 20 sano si been abuur ah uga shaqeynayay xafiis raysal wasaare

Kiran Patel oo muddo dheer iska dhigayey inuu yahay sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska Raysul Wasaaraha Hindiya ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib markii la ogaaday iney wixiisu been abuur ahaayeen.

Tani iyo 2003-dii wuxuu marar badan uu yimid xafiiska xisbiga BJP uu ku leeyahay Jammu isaga oo iska dhigayay xubin ka tirsan qoyska xubnaha xisbiga talada dalka Hindiya haya ee BJP.

Wuxuuna sheegayey inuu shahaadooyin sare oo ilaa iyo PHD gaarsiisan ka haysto ‘Jaamacadda Commonwealth’.

Booliska Hindiya oo dabagal iyo baaritaan ku sameeyey ninkaasi ayaa ugu dambeyntii xabsiga u taxaabay isaga oo haatan ku jira xabsiga dhexe ee dalkaasi.

Waxaana lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin inuu sameeyay been abuur dhanka shahaadooyinka waxbarashada, jaga been oo uu sheegtay iyo xafiiska raysul wasaaraha uu ku been abuurtay.

Warbaahinta dalka Hindiya oo ninkan si weyn u hadal hayso ayaa sheegtay kiiskan been abuurka ee Kiran Patel kuwa la mid ah in dalka Hindiya oo dhan ay ka dhacaan balse aan laga salgaarin.

Kiran Patel

Booliska waxay ninkaasi ku soo qabteen aqoonsiyo iyo waraaqaha booqashooyinka oo dhammaantood been abuur ah.

Markii la sheegay Kiran Patel inay boolisku qabteen waxaa booloiska soo gaaray dacwado kala duwan oo ay shacabku ku sheegayaan baad lacageed iyo xadgudubyada kale ee uu ninkaasi u geystay muddadi uu howshan gacanta kula jiray.

Dr Atul Vaidya oo ka tirsan xisbiga Hinduuga ee garabka midig wuxuu sheegay inuu Patel marar badan uu la kulmay aadna uu u soo dhaweeyey oo uu siiyey xogtii uu weydiiyey maaddaamaa uu u sheegay inuu xafiiska raysul wasaaraha ka shaqeeyo kana tirsan yahay xisbiga dalka Hindiya hoggaamiyo ee BJP.

“Waxaan markii ugu horreysay Kiran la kulmay 2003. Wuxuu isku magacaabi jiray shaqaale xafiiska Raysul wasaaraha ka shaqeeya oo ka tirsan xisbiga BJP, wuxuuna iman jiray xafiiska oo uu waraysan jiray qof kasta xaaladdiisa. Annaguna sheegashadiisa waan ka rumeysan jirnay,” ayuu yiri Dr Atul Vaidya.

Wuxuuna noo sheegi jiray ayuu yiri in Patel si gaar ah looga xilsaaray dabagalka mashaariicda horumarineed ee ka socda gobollada Jammu, Kashmiir iyo Uttarakhand.

Kiran Patel

Arrinta kale oo Patel lagu eedeeyey waxay tahay inuu booqasho kala duwan uu gobollada Jammu iyo Kasmiir uu ku tagay inti uu booqashada ku jiray maamullada gobolladaasi ay siiyeen ciidamo amnigiisa ilaaliya iyo gaari ay xabaddu karin, muuqaallo badan oo uu iska duubayna uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay.

“Markasta oo uu booqdo gobolka Kashmiir wuxuu sheeganayey inuu yahay agaasin sare oo xafiiska Raysul wasaaraha ka socda oo si gaar ah gobolkan loogu xilsaaray.” ayuu yiri sargaal sare oo sirdoonka ka tirsan.

“Seygeyga dalkiisa iyo dadkiisa ayuu u adeegayey balse u adeegidda dalkiisa ayaa magac bi’in loogu baddalay eedahan loo soo jeediyeyna waxba kama jiraan,” ayey tiri xaaskiisa Dr. Malini Patel oo BBC u warrantay.

Dad badan oo booliska dacwado soo gaarsiiyeyna waxay sheegeen Kiran Patel inti uu ku jiray shaqadiisa been abuurka ahayd inuu ka qaatay lacaga badan ayna ku aamineen inuu yahay shaqaale xafiiska Raysul Wasaaraha dalka Hindiya ka shaqeeeya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*