19th September 2024  admin  Category :

Nabad doon Axmed Siciid Madaxey, waa nabadoon Soomaaliyeed oo ka soo jeeda degmada Dhahar ee  gobolka Sanaag.

Murashaxintii  ka soo jeeday beesha Warsangeli ee  u tartamayey  dhowaan inay ka mid noqddaan Baarlamaanka Puntland,  waxa ka mid ahaa Yuusuf Siciid Madaxey , oo ka mid ah dadka ugu aqoonta badan Maakhir , kana mid ahaa asaasayaashii wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Dan jire ka soo shaqareeyey Safaarado badan ee Soomaalidu ku lahayd Bariga dhexe iyo Yurub. Wuxuu noqday Gudoomiyihii ugu horeeyey ee baarlamaanka Puntland.

Aqoontaa iyo khibradaas shaqo  waxa u dheeraa Danjire Yuusuf  in Caaqilka beeshiisu uu yahay ama ahaa  walaalkiis AXMED SICIIID  MADAXEY.

Nabad doon Axmed Siciid Madaxey, intii tartanku socday iyo  caddaalad daraddii uu sameeyey Maxamed Suldaan Cabdulaahi Cartan intaan Dhahar laga  aadin  Garowe . Intaas oo dhan   kama uuna  hadlin oo warbaahinta laguma arag , lagumana  eedayn inuu sameeyey eex, Walaalkiis iyo Murashaxiinta kale isugu mid ayeey ahaayeen, maantana   kama mid ah kuwa aaday Hargaysa. Sababtuna waa isaga oo og culayska ay  leeyahay ma’suuliyadda uu hayo iyo qoyska uu ka soo jeedo oo ka  soo talin jiray degaanadaas. Nabad doonka, walaalkiisa kale wuxuu ahaa wasiirkii ugu horeeyey ee beesha Maakhir ku yeelato Dawladdii Kacaanka

Ugu danbayntii gobolka Hayland wuxuu u baahan yahay Suldaan isku xira Bulshada oo ka shaqeeya midnimada Soomaaliya , ee uma baahna mid inta uu dul fariisto Kaare ay beesha  Isaaq leeyihiin  yiraahda “Dhahar iyo Caynabo waa isugu kay mid “. Nabad doon  Axmed, maanta Punrland ayuu ku sugan yahay, halka Isimadii kale ee iyagu is caleemo saaray ee doonayey in baarlamaanka Punland gaystaan argagixiso, Kuwii magaca warsadda Laasqorey bulshada ku dhacay iyo kuwii hubka sharci darada ah ka soo dejin jiray Sanaag  ay iyagu ku sugan yihiin Hargaysa oo doonayaan inay amni xumo ka bilaabaan gobolka.

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*