16th September 2024  admin  Category :

Ninka uu Usama Bin Laden la macaamilkiisa ku bixiyay malaayiinta doolar

Ganacsade u dhashay Pakistan oo lagu magacaabo Saifullah Paracha oo 19 sano ka hor lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Bangkok, loona gudbiyay xabsiga Guantanamo Bay ee Mareykanka, ayaa gaaray Pakistan ka dib markii la sii daayay.

Bayaan  kooban oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan, ayaa lagu sheegay in la dhameystiray hannaanka Seyfyllahu dib loogu soo celinyay dalkiisa.

“Waan ku faraxsanahay  in muwaadin Pakastani ah oo dibadda ku xirnaa uu dalkiisa ku soo laabto qoyskiisana la midoobe,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha gudaha dalkaas.

Sidee ku suurta gashay sii deynta Saifullah Paracha?

Waxay waqti jiilaal ah 2003-kii markii ganacsadaha reer Karachi ee  Saifullah Paracha uu ka duulay Karachi isagoo u dhoofay Bangkok si uu ula kulmo  ganacsade u dhashay dalka Mareykanka, laakiin kulankaasi ma dhicin.

Saifullah Paracha  waxaa xiray  hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da waxayna ka qabteen garoonka diyaaradaha Bangkok bishii July sanadkii 2003-dii kadibna waxay u wareejiyeen saldhigga lagu magacaabo Bagram Air Base ee dalka Afghanistan, waxayna sheegeen in loo xiray eedaymo la xiriira inuu tagaeero  ururka Al-qaacidda.

Markii la xiray Saifullah Paracha tan iyo bishii  September 2004, ayaa lagu hayay saldhigga Bagram ee dalka Afghanistan, kadibana waxa aloo gudbiyay xabsiga Guantanamo Bay, wuxuuna noqday maxbuuska kaliya ee aan la sii daynin laguna soo oogin wax dacwad ah.

Saifullah kaliya ma ahan maxbuuska ugu da’da weyn balse sidoo kale wuxuu ahaa maxbuuska ugu da’da weyn xabsiga Guantanamo Bay oo sida ay sheegtay xaaskiisa lama mar ayuu ka xanuusaday wadnaha intii uu xabsiga ku jiray.

Sida laga soo xigtay qareenkiisa, waxaa la sheegay in Pracha uusan hadda ‘halis mustaqbalka ah’ ku ahayn Mareykanka.

Saifullah iyo wiilkiisa Uzair Pracha

Maxaa loo xiray Saifullah?

Xarigiisa degdega ahaa wuxuu dhabar jab ku noqday qoyska Saifullah, balse ma ahayn qofkii ugu horreeyay ee qoyskiisa ah oo loo xiro taageerada Al-Qaacida.

 Muddo ka hor intaan la xirin Saifullah, wiilkiisa curadka ah  ee Uzair Paracha ayaa lagu xiray New York bishii Maarso sanadkii 2003-dii, hadalladii uu bixiyay Uzair Paracha intii baaritaanku ku socday ayaa loo tiirinayaa in ay  sababtay amba ay qayb ku laheed  xarigga Saifullah Paracha.

Markii Uzair la xiray, waxaa lagu eedeeyay in uu taageero u fidiyay xubnaha Al-Qaacida ee Majid Khan iyo Ammar Al Balochi, balse Uzair wuu diiday eedeymahaas, wuxuuna ku adkeystay inuu caawiyay Majid Khan. laakiin uusan ogeyn in Majid Khan ama Ammar Al Balochi ay xiriir la lahaayen Al-Qaacida.

 Uzair Paracha waxa uu ahaa 23 sano jir markii lagu xiray New York sanadkii 2003dii oo ay xireen ciidamada Mareykanka ee la dagaalanka argagixisada. Uzair, sida aabbihiis Saifullah, wuxuu ahaa muwaadin Mareykan ah, wuxuuna Mareykanka u joogay howlo ganacsi oo la xiriira guryo kuwada raaxada ee aabbihiis ku lahaa Karachi Pakistaniyiin fadhigoodu yahay Mareykanka.

Uzair qaab nololeedkiisa iyo labbiskiisuba waxa ay ahaayeen kuwo casri ah maadaama aanu dhawr jeer oo keliya u safrin Mareykanka balse waxa uu wax ku bartay dugsi gaar loo leeyahay oo ku yaalla Karachi.

Uzair ayaa sheegay intii lagu guda jiray baaritaanka inuu ku caawiyay Majid Khan codsi uga yimid aabihiis Saifullah Paracha. Majid Khan waa Maraykan-pakistaani degan Maryland, wuxuuna ka shaqeyn jiray kaalin shidaal oo aabihii uu lahaa.

Majid Khan waxaa xiray ciidamada ammaanka Pakistan bishii Maarso 5, 2003 isagoo ka yimid Karachi. Markii la xiray ka dib, waxaa lagu hayay xabsiyo qarsoodi ah saddex sano iyo bar, qoyskiisana wax xiriir ah lama yeelan.

Majid Khan ayaa lagu eedeeyay inuu qorsheynayay inuu qarxiyo Kaalin Shidaal oo ku taalla Mareykanka isaga iyo Khaalid Sheekh Maxamed oo ahaa maskaxdii ka dambeysay qaraxyadii  9/11 lagu qaaday daarihii Mareykanka.

Khaalid Sheekh Maxamed

Sida ku cad hadaladii Uzair u sheegay booliiska, ayaa Majid Khan ka codsaday in laga caawiyo hubinta dukumeentigiisa socdaalka iyo xiritaanka sanduuqa boostada ee magaciisa ku qoranyahay ee dalka Mareykanka.

Dawladda Maraykanku waxay ku andacoonaysay in sanduuqaan uu yahay isla sanduuqii boostada ee Dr. Aafia Siddiqui ay ka furtay Maryland iyada oo adeegsanaysa magaca Majid Khan ujeedadaas awgeedna ay ugu safartay Maraykanka December 2002-dii.

Si kasataba ha ahaatee Dr. Aafia way beenisay eedaymahaas waxayna sheegtay in Mareykanka ay u aadday si ay shaqo u hesho.

 Markii Uzair Pracha la xiray, furaha sanduuqa boostada ayaa sidoo kale laga helay isaga. Intaa waxaa dheer, Majid Khan ayaa ka codsaday Uzair inuu isticmaalo kaar bangigiisa oo uu lacag ku shubo koontadiisa bangiga.

Ujeedadiisu waxay ahayd inuu bixiyo aragtida ah in Majid Khan uu joogo Mareykan, laakiin Uzair ma uusan helin fursad uu ku sameeyo labadaba.

Uzair Paracha ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay wada xiriireen nin kale oo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Al-Qaacida, laakiin sida uu sheegay Uzair, wuxuu la kulmay kaliya Ammar al-Baluchi.

Ammar Al Balochi waxa uu adeer u ahaa Khaalid Sheekh Maxamuud, waxaana lagu eedeeyay inuu ahaa ninkii labaad ee Aafia Siddiqui. Hadal uu soo saaray isla markii la xiray kadib, Uzair waxa uu sheegay in uu u maleeyay in Aabihiis Saifullah Paracha uu xiriir la leeyahay Al-Qaacida, balse Aabihiis waligiis muusan kala hadlin arrimahaan. Waxa loo qaatay in Uzair uu hadalkan ku sheegay cadaadis la saaray.

 Uzair iyo Saifullah Praja labaduba waxay ku adkaysteen inay caawiyeen Majid Khan iyo Ammar al-Baluchi, laakiin aysan ogayn inay xiriir la leeyihiin Al-Qaacida. Marka laga soo tago arrintan, Majid Khan iyo Ammar Al Balochi waxa ay sidoo kale qirteen in aysan waligood ku wargelin Saifullah iyo Uzair xiriirka ay la leeyihiin Al-Qaacida.

Sannadkii 2006-dii, maxkamad Maraykan ah ayaa 30 sano oo xarig ah ku xukuntay Uzair Paracha, kaddib markii lagu helay dambi ah inuu gacan siinayay xubno ka tirsan Al-Qaacida, balse sannadkii 2018-kii, garsooraha isla maxkamaddaas ayaa laalay go’aankan iyadoo la eegayo caddeymo cusub isla markaana dib loo maxkamadeeyay taasi oo amar lagu bixiyay.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Mareykanka ayaa diiday inay sii wado dacwadda, iyadoo sheegtay in maadaama Uzair uu dhameystay 16 sano oo xarig ah oo lagu xukumay isagoo ogolaaday inuu ka tanaasulo dhalashadiisa Mareykanka, dowladdu waxay u baahan tahay waqti iyo dhaqaale dheeraad ah kiiska.

laakiin ma rabo inuu qarash ku bixiyo, ka dib Uzair Pracha ayaa la sii daayay 2020-kii waxaana dib loogu celiyay Pakistan.

.

Maxay tahay sababta Saifullah  loogu eedeyay inuu taageero siiyo argagixisada?

Kahor inta aan la xirin, Saifullah Paracha wuxuu ka mid ahaa ganacsatadii horumarka badan sameyay ee magaalada Karachi. Waxa uu 1970-kii aaday dalka Mareykanka si uu cilmiga Computer-ka uga soo barto machadka Tignoolajiyada ee New York.

Waxbarashadaas ma uusan dhameysan balse 1974-tii waxa uu furay  shirkadaha tigidhada diyaaradaha jarta oo loogu magacaabay‘ Global Travel Services’ isaga oo kaashanaya walaalkii.

Waxa uu la kulmay xaaskiisa Farhat oo ku nooleed Mareykanka, wuxuuna guursaday 1979-kii iyadoo u dhashay afar carruur ah.

Saifullah had iyo jeer waxa uu ahaa nin ku wanaagsan salaadda, waxa uu sidoo kale si firfircoon uga qaybqaatay hawlo samafal ah. Wuxuu caruurtiisa wax ku baray dugsiyada ugu wanaagsan Karachi.

.

Wareysi ay BBC-da siisay 2009-kii, xaaska Saifullah ayay ku sheegtay in Saifullah uu labo jeer booqday Afgaanistaan ​​ka hor weeraradii 9/11, halkaasoo lagu eedeeyay inuu kula kulmay Usama bin Laden.

 Sida ay sheegtay Farhat, ninkeeda waxa uu aaday Afgaanistaan ​​isaga iyo wafdi ganacsato ah  si ay u caawiyaan Muslimiinta reer Afghanistaan.

Sida wararku sheegayaan, Saifullah Paracha ayaa u sheegay Cusama Bin Laden hoggaamiyihii Al-qaacidda in waxa uu ka sameeynayay gudaha Afghanistaan, ay caqabad ku noqonayaan howlaha ay halkaa ka wadeen. Wuxuuna ku yiri “Mawqifkaaga noo sheeg oo waraysi na sii.”

Ujeedadaas awgeed, wuxuu sidoo kale uga tagay kaarkiisa booqashada Usama.

Sida laga soo xigtay dowladda Mareykanka, Saifullah ayaa laga helay kaarka booqashada, markii weerar lagu qaaday xaruunta Al-Qaacidda ee Afgaanistaan, ka dib waxaa lagu eedeeyay inuu Osama u fidiyay dacaayadda Al-Qaacida ee ku saabsan ganacsigiisa ee gudaha Pakistan.

 Hadal uu ka jeediyay Guantanamo Bay, Paracha waxa uu qirtay inuu Osama Bin Laden kula kulmay dalka Afghanistan December 1999-DII iyo bishii January 2000. Saifullah waxa uu sheegay in uu Usama Bin Laden u bandhigay waraysi keliya sababtoo ah waxa uu rabay in uu yareeyo kala aragti duwananata u dhexeeysa Islaamka iyo diimaha kale.

Saifullah waxa uu sheegay in sannadkii 2001-dii uu nin la oran jiray ‘Mir’ uu u yimid inuu kula kulmo xafiiskiisa magaalada Karachi oo uu doonayay inuu wax badan ka ogaado waraysigii uu la yeeshay Usama Bin Laadin.

.

Sida uu sheegay Saifullah, Mir waa qofkii is baray asxaabtiisa Mustafa iyo Majid Khan, markii uu Majid Khan ogaaday in Saifullah wiilkiisa Uzair uu ganacsi u aadayo Mareykan, wuxuu codsaday inuu caawiyo.

 Maarso 1, 2003, markii CIA-da iyo saraakiisha ammaanka Pakistan ay Khalid Sheekh Maxamed ku xireen Rawalpindi, warkan waxaa laga sii daayay warbahainta, Saifullah Paracha wuxuu xaqiiqsaday in ninka lagu magacaabo Miree horey uu ula kulmay uu ahaa dhab ahaantii ka tirsanaa Al-Qaacidda.

Sida uu hadalka u dhigay Saifullah, waxa uu la xiriiray kaliya ‘Mir’ iyo ‘Mustafa’, sababtoo ah waxa uu dareemay in labadooduba ay xiisaynayaan maalgashi ganacsi.

Waxaa lagu eedeeyay Saifullah Paracha in Khalid Sheekh Maxamed uu ka qaatay oo la siiyay lacag u dhexeysa shan ilaa lix milyan oo doolar si kalsooni uga helo yadoo Saifullah Paracha uu siiyay Khaalid sharaxaad ku saabsan khibradiisa dheer ee ganacsiga maraakiibta caalamiga ah. Waxaa loo bandhigay Saifullah inuu walxaha qarxa u soo dhoofiyo Maraykanka isagoo ku dhex qarinaya dharka dumarka iyo carruurta. Si kastaba ha ahaatee, Saifullah waa uu dafiray eedeymahaas

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*