24th November 2024 admin Category :
Muxuu gudoomiyaha Bangiga Adduunka uga walaacsanyahay daymaha Shiinaha uu siiyo Afrika?
Gudoomiyaha Bangiga Adduunka ayaa BBC-da u sheegay inuu ka walaacsan yahay qaar kamid ah deymaha waddanka Shiinaha uu ku bixinayay horumarinta dhaqaalaha Afrika.
David Malpass ayaa sheegay in shuruudaha lagu xirayo daymahaas ay yihiin inay noqdaan kuwo “aad loo daah-furo”.
Hadalka waxa uu imanayaa xilli uu jiro walaac laga qabo in dalal ay kamid yihiin Ghana iyo Zambia ay la daalaa dhacayaan sidii ay isaga bixin lahaayeen deymaha ay ka qaateen Beijing.
Shiinaha ayaa sheegay in deynkasta ee uu bixiyo ee noocaas ah loo maro xeerarka caalamiga ah.
Dalalka soo koraya ayaa badanaa waxay lacag ka soo amaahdaan wadammo kale ama hay’adaha waa wayn si ay u maalgeliyaan waaxaha dhaqaalahooda kobcin doona sida kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada iyo beeraha.
Si kastaba xaalku ha ahaadee, kaddib markii sannadkii la soo dhaafay uu Mareykanka iyo dalalka kale ee uu dhaqaalahoodu buuranyahay ay sare u qaadeen heerka lacagaha dulsaarka ah ayaa taasi waxa ay dib u bixinta amaahda ka dhigtay mid aad qaali u ah, sababtoo ah lacago badan oo amaah ah ayaa lagu qaatay lacago qalaad sida doolarka Mareykanka iyo lacagta Euros.
Taasi waxa ay dhibaato gaar ah oo wayn ku tahay wadammada dhaqaalahoodu uu soo korayo ee ay ku adkaan karto inay helaan lacago dheeraad ah ee ay u baahanyihiin maadaama qiimaha lacagtoodu ay hoos u dhacdo.
Waa “laba jibaaran yahay waxayna taasi ka dhigantahay in kobaca dhaqaalaha uu noqon doono mid gaabis ah”, ayuu yiri Mr Malpass.
Xifiiltanka Shiinaha iyo Mareykanka
Wax ka qabashada caqabadaas iyo cawaaqibka xun ee ka dhalan kara ayaa kamid ah sababaha ugu waa weyn ee ay todobaadkan booqashada saddex waddan oo Afrikaan ah ugu tagtay madaxweyne kuxigeenka Maraykanka Kamala Harris. Waa booqasho lagu soo bandhigay ballanqaadyo waa weyn oo taageero maaliyadeed loogu fidinayo dalka Tanzania iyo Ghana.
Waxaa jira loolan isa soo taraya oo Mareykanka kala dhaxeeya Shiinaha gaar ahaan saamaynta uu ku leeyahay qaaradda, dalkaas oo kheyraadkiisa badan ee dabiiciga ah ay kamid yihiin biraha, sida nickel, taas oo muhiim u ah baytariyada looga baahan yahay tiknoolajiyadda sida gawaarida korontada ku shaqeeya.
Iyadoo ka hadlaysa caasimadda waddanka Ghana ee Accra, ayey Kamala Harris tiri “Mareykanku marnaba ma hagi doono waxa aan u qaban karno saaxiibayada Afrika, balse waxaa na hagi doona waxa aan la qabsan karno saaxiibadeenna Afrika”.
Habkaas iskaashiga ah ayaa waxaa ammaanay Mr Malpass oo sheegay in tartanka u dhexeeya labada dal ee ugu dhaqaalaha buuran dunida “laga yaabo inuu u wanaagsanaado wadammada soo koraya” maadaama ay dalalkaas halkaas ka helayaan fursad ay wax ku kala xushaan.
“Waxa aan sida adag u dhiirigelinayo ayaa ah in qandaraasyada ay bixinayaan ay noqdaan kuwo hufan. Arrintaas ayaa kamid aheyd dhibaatooyinka; oo haddii aad qorto qandaraas oo misana aad tiraahdid ‘cid kale ha tusin’, taasi waa wax uun kaa go’an. Marka waa inaad ka fogaataa arrintaas.”
Waxaa sidoo kale jirtay digniin ah in “Dowladaha Afrika, aanay bixin dammaanad si ay dayn u soo qaataan, sababtoo ah taasi waxay culays ku keenaysaa jiilasha soo socda. Taasin waa waxa uu Shiinaha sameeyo.”
Beijing waxa ay sanadihii ugu dambeeyay noqotay mid kamid ah ilaha ugu waa weyn ee loo doonto deymaha lagu kobciyo dhaqaalaha. Daraasad cusub oo uu horkacayay mac-hadka Kiel ee World Economy ayaa muujisay in 22 oo ku yaal caalamka uu Shiinuhu siiyay dayn lacageed oo dhan $185bn (£150bn) intii u dhaxaysay 2016 iyo 2021.
Shiinaha ayaa iska fogeeyay wararka sheegaya inuu taageerada dhaqaale ee uu fidinayo uga faa’iidaysto danahiisa gaarka ah.
Shir jaraa’id oo uu qabtay toddobaadkan afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mao Ning, ayuu ku sheegay in Shiinuhu “uu ixtiraamo rabitaanka wadammada ay khuseyso, waligiina uusan cidna ku qasbin inay lacag ka amaahato, waligii waddan kuma uusan qasbin inuu bixiyo amaahdii uu qaatay, wax shuruudo siyaasadeed ah kumuu xiri doono heshiisyada amaahda, mana uu raadsan doono inuu ku gaaro dano siyaasadeed oo gaar ah”.
Mr Malpass ayaa sheegay in dhibaatooyinka aysan ahayn kuwo u gaar ah maalgashiga Shiinaha hasayeeshee ay arrimuhu soo hagaagayaan.
“Haddii aad ka fikirto taariikhda deyn-bixinta reer Galbeedka, mararka qaarkood faa’iido buuxda uma laha dadka ku nool wadammada [wax la amaahiyo]. Xitaa deymaha Bangiga Adduunka mar walba ma ahayn kuwa ugu wanaagsan ee la siin karo waddan. “
“Marka waxa aan isku dayeyno inaan sameyno, oo ay ila tahay in qofwalba uu isku dayo inuu sameeyo, ayaa ah in la horumariyo tayada amaahda.
“Farsamooyinka waxaa kamid ah in deynta la furo, oo macnaheedu yahay haddii uu jiro mashruuc maalgashi, aan niraahno waxaad dhisaysaa khad tareen, marka waa inaad sharraxdaa mashruuca iyo kharashka ku baxaya, markaas kaddibna waa in la diyaarinayaa dhaqaalilhii lagu maalgelin lahaa.
“Haddii aad isku qabato, aad ayay u adag tahay in la ogaado, ma waxaan helayaa heshiis khad tareen oo wanaagsan ama maalgelin wanaagsan.”
Walaaca ku aaddan tamarta iyo cuntada
Gudoomiyaha Bagiga Adduunka ee xilka ka sii dagaya ayaa sidoo kale ka walaacsan in sare u kaca qiimaha cuntada, bacriminta iyo tamarta, taas oo ka dhalatay dagaalka Ukraine, ay hoos u dhigayaan miisaaniyadda dowladaha dalalka saboolka ah. Iyadoo ay taasi sii xoojin karto caqabadaha dhaqaale ee ay wajahayaan ayaa haddana waxaa jirta nafis ah in kor u kaca qiimaha uu hadda bilaabay inuu fududaado.
“Intii badneyd dhibaatadii way dhammaatay laakiin hal shay oo haray ayaa ah in dalalku aysan isticmaalin bacrin ku filan, sidaas darteed carradoodu way dagtay. Marka wax-soo-saarka ayaa la filayaa in sidii caadiga ahayd uu ka hooseeyo sanadka soo socda.”
Bangiga Adduunka waxa uu ka walaacsan yahay in caqabadahaasi jira ay sii xumayn doonaan kororkii ugu horreeyay abid ee heerka saboolnimada ba’an ee caalamka – ee dadka maalintiiba hela wax ka yar $1.90. Cudurka safmarka ah ee coronavirus awadiina saboolnimadu waxa ay sare uga kacday 8.4% oo waxa ay gaartay ilaa 9.3%