19th September 2024  admin  Category :

Shacabka iyo odayaasha SSC ayaa gaaray go’aan mideeysan oo ah in deeggaanadooda ay hoos tagayaan dawladda federalka, balse maamulka Hargeeysa ayaa laga dhaadhicin la’yahay in dadka deeggaanada SSC ay aayahooda ka tashadeen.

Maamulka Hargeeysa iyo shacabkooda ayaa u muuqda kuwo is maahinaya, is indha tiraya oo ineey miyir qabaan iyo in kale aan la kala garaneeyn. Shacabka SSC iyo Garaaddadooda warkoodu wuu cadyahay, go’aankooduna waa in aan Soomaaliya la kala jareeyn iyo in cidda goosashada dooneeysaa ay tahay Beesha Isaaq.

Hadaba, Muuse Biixi ayaa sheegay in ciidankiisa uusan kala baxeeyn Laascaanood taasoo ah in welli dagaal uu doonayo, meesha dhinaca kallana uu sheegay in shir uu ka dhacayo Yagoori oo ay ka soo qeeyb gellayaan garaadada Dhulbahante taas oo ah Been abbuur kiisa ugu weeynaa.

Dhinaca kale, garaaddada oo hadlay ayaa sheegay ineeysan jirin wax shir ah oo ay ka war hayaan, waxeeyna sheegeen inaan wax waddahadal ah dhaceeyn inta beesha Isaaq ay dhulkooda ku noqonayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*