16th September 2024  admin  Category :

Mustafe oo ka hadlay ‘faa’idada’ ku jirta in dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada Liyuu Booliska

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in ciidamada Liyuu Booliska laga wareejin doono mas’uuliyadda ilaalinta xuduudaha, isla markaana ay mas’uuliyadooda ku koobnaan doono amniga gudaha.

Waxa uu intaa raaciyay in wixii hadda ka dambeeya ay ciidamadaas noqon doonaan boolis rasmi ah oo dareeska loo bedali doono.

“Amniga deegaanka sugiddiisa shaley idiinka ayaa sugayay maanta idiin sugayaa, bara katroolihii aad maamuleyseen iyo magaalooyinkii aad amnigooda sugeysen iyo miyigii aad qabaa’ilka kala heyseen ee aad sugeyseen amnigooda idinka ayaa haynayaa cid kale oo dastuuriyan shaqadaa la wareegi karto ma jirto waa shaqo booliska rasmiga ah ee deegaanku leeyahay”.

Golaha wasiirrada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa dhawaan ansixiyey qorshaha lagu meel marinayo dib u habeynta booliska deegaanka ee qaybta ka ah qaab dhismeedka lagu sameynayo amniga qaranka dalkaas.

Qaab dhismeedkan cusub ee booliska gaarka ah ee deegaannada ayaa waxaa looga golleeyahay mideynta hay’adaha amniga dalka si hal u jeeddo ay u yeeshaan.

Mustafe Muxumed Cumar wuxuu ka dhawaajiyay in faa’idada ku jirto baabi’inta ciidamada Liyu Booliska ay tahay in laga qaaday mas’uuliyaddii cusleyd ee saarneyd si ay diiradda u saaraan amniga gudaha ee deegaanka.

“Booliska gaarka ah haddii uu shaley ahaa, maanta in uu noqdo booliska rasmiga ah ee deegaanka wax soo kordhay weeyaan, waa dhinacii faa’idada arrintaas, dhinaca khasaaraha , khasaare aad qabteen oo la idiin ka reebo faa’ido idiin tahay, waxaa kamid ah shaqooyin dheeri oo aad hayseen, ilaalinta xuduudaha deegaanka uu la leeyahay dalalka- waa mas’uuliyadda ciidamada qaranka, saanad baa lagu siiyaa, agab bey ku heystaan , diyaarado ayay u heystaan , idinka oo aan howshaas heysan oo aad qabaneyseen , in la idiin ka reebo mas’uuliyaddii culeyska ee noocaas aheyd , culeyskii shaqada ee idiin saarneyd la yiraahdo shaqadaas cid kale ayaa yeelatay waxaan u maleynaya in uusan jireyn qof u barooranayo”.

.

Ciidankii ugu horreeyey oo Liyuu Boolis oo deegaan ka mid ah dalka Itoobiya uu yeesho waxaa ugu horreeyey kuwa Deeganka Soomaalida oo la aasaasay sanadkii 2007-dii.

“Amniga gudaha iyo waajibaadkii idiin saarnaa iyo u adeeggii shacabka , ilaalinta iyo difaacidda shacabka intiiiba idinka ayay idiin saarantahay , qaab dhismeedkiina haddii la baddalo ama dareeska aad xiran tihiin haddii la baddalo macnaheedu ma aha in ciidankii la baabi’iyay”. ayuu yiri Mustafe Cumar oo la hadlayay ciidamada Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo qoraal soo dhigay Facebook ayaa sidoo kale sheegay in dib u habeynta lagu sameynayo ciidamada deegaanka ay dan ugu jirto shacabka si aan wax tacaddiyo ah loogu geysan.

“Waxaa kale oo xoogga la saari doonaa in tababar la xidhiidha sharciga oo dheeri ah la siiyo boolis walba si ayna u dhicin tacadiyo lagula kaco muwaadiniinta”.

Liyuu Booliska ayaa ah ciidan u tababaran sida militariga oo markoodii hore loo aasaasay la dagaallanka jabhadaha deegaankaasi ka dagaallamayey, oo ay ka mid ahaayeen ONLF iyo Al-Itixaad.

Waxay ku hubeysan yihiin hub isugu jira kuwa fudud iyo noocyada gawaarida lagu rakibo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*