15th November 2024 admin Category :
Murashaxa loo badinayo inuu noqon doona Madaxweynaha cusub ee Iran, iyo isbadelka la filan karo?
Iran ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada madaxweynanimada 28-ka June. Doorashadan ayaa la qabanayaa hal sano ka hor xilliga loo qorsheeyay inay dhacdo. Taariikhda doorashada ayaa la go’aamiyay kadib shilkii diyaaradeed ee madaxweynihii hore ee Ibrahim Raisi bishii May uu ku geeriyooday.
Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran Ayatollah Ali Khamenei, oo ay aad isugu dhawaayeen Mr. Raisi, ayaa gacanta ku hayay muxaafidiin xoog leh meel kasta oo Iran ka tirsan.
Sida uu qabo dastuurka Iran, geeridii madaxweynaha ka dib, waa in doorashada lagu soo dooranayo madaxweyne cusub lagu qabtaa 50 maalmood gudahood.
Marka laga soo tago muxaafidiinta awoodda badan, waxaa tartamaya musharrixiin ka kala socda dhinacyo kala duwan.
Sababo la xiriira doorashadii baarlamaanka ee u dambeysay iyo mudaaharaadyadii ugu dambeeyay ee dowladda Iran iyo awood xad dhaafka ah ee lagu maquuniyay dibadbaxayaasha, ayaa waxaa jira dad badan oo caan ah oo isbedel doon ah oo ku dhawaaqay in aysan ka qeybgali doonin doorashada.
Waa kuwee musharraxiintu?
Dad badan oo indha indheeya siyaasadda Iran ayaa u arka in doorashadan aysan ahayn mid xor ah ama mid si xor ah loogu tartamayo, sabatoo ah saameynta ballaaran ee hay’adaha awoodda leh ay ku dhex leeyihiin hannaanka ansixinta musharraxiinta ayaa ah mid xooggan.
Golaha hagidda iyo turxaan bixinta musharaxiinta oo door muhiim ah ku leh siyaasadda Iran,iyaga oo kala shaandheeya musharixiinta u tartameysa doorashooyinka baarlamaanka, madaxweynaha iyo khubarada ayaa hadda haysta hal qof oo kaliya oo ka mid ah 80-ka xubnood ee u sharaxanaa xilka madaxtinimada. waxaa ilaa hadda la ansixiyay lix qof.
1: Maxamed Baqir Qalibaf oo 62 jir ah ayaa afartii sano ee la soo dhaafay soo noqday guddoomiyaha baarlamaanka Iran. Saddex jeer ayuu u tartamay doorashada madaxtinimada, laba jeerna waa laga adkaaday, waxaanu ku guulaystay doorashadii 2021-ka isagoo taageero ka helay Ibraahim Raisi. Waxa uu leeyahay taariikh dheer oo uu ka soo qabtay jagooyin ciidan oo sarsare, waxa uu 12 sano soo ahaa duqa caasimadda Tehran, taas oo lagu tiriyo muddada ugu dheer ee uu xil hayay.
2-Amir Xussain Ghazizadeh Hashemi, 53 jir ah, waa dhakhtar qalliin (Dhagaha, Sanka iyo cunaha). Waa muxaafid Iirani ah. Mr. Hashemi ayaa afar jeer soo noqday xildhibaan, sidoo kale waxaa dhawaan loo magacaabay madaxweyne ku xigeen.
Waxa uu ahaa musharax u taagan doorashada madaxtinimada ee 2021, waxaana uu galay kaalinta afaraad isagoo helay wax ka yar hal milyan oo cod. Doorashooyinkaas, ku dhawaad afar milyan oo cod ayaa lagu dhawaaqay inay xumaadeen.
3- Siciid Jaliili waa 58 jir, waana xubin ka tirsan Golaha Wakiilada. Waxa uu hore u soo noqday Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka, waxaanu muddo afar sano ah hoggaaminayay Kooxda Wada-xaajoodka Nukliyeerka Iran. Labo jeer oo hore ayaa loo magacaabay doorashada madaxweynaha, doorashada 2021-kii ayaa waxaa kaga guuleystay Ibraahim Raisi.
4-Mascuud Al-Badzikian waa 70 jir ku takhasusay qaliinka wadnaha. Waxa uu soo noqday xildhibaan shan jeer , waxaana uu ahaa wasiirka caafimaadka muddo afar sano ah. Waxa uu caan ku yahay in uu si toos ah u hadlo, waxa uu si bareer ah u dhaleeceeyay jawiga siyaasadeed iyo musuq maasuqa ka jira dalka Iran, waxaana sanadkii 2022 ay dowladda Iran u xirtay dilka Mahsa Amini. Waxaa jiray su’aalo ku saabsan geerida. Mr. Berezkian ayaa loo arkaa inuu yahay musharaxa kaliya ee rasmiga ah ee kooxda isbedel doonka ah ee doorashada madaxtinimo ee soo socota.
5- Mustafapour Maxammadi, oo hadda 65 jir ah, waa aqoonyahanka kaliya ee ka mid ah lixda musharax ee ay ansixiyeen Golaha turxaan-bixinta. Siyaasi muxaafid ah waxaana uu goobjoog ka ahaa fulinta xukunkii maxaabiis siyaasadeed lagu fuliyay1988-dii.
6- Alireza Zakani oo -59 jir ah ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay ahaa duqa magaalada Tehran. Siyaasiga muxaafidka ah waxa uu siyaasadda ku soo galay Basij oo ka tirsanaan jiray Ilaalada Kacaanka, waxaana uu soo noqday xildhibaan afar jeer
Magacyada xubnhaa muhiimka ahaa ee la diiday
Ma ahan markii ugu horeysay oo siyaasiyiin caan ah oo horey xilal muhiim ah uga soo qabtay jamhuuriyada islaamiga ah lagu tiriyo kuwa aan xilka u qalmin , waana arrin si weyn looga hadal hayo siyaasada dalka Iran.
Mehrzad Boroujerdi, oo ah hormuudka kulliyadda fanka, sayniska iyo waxbarashada ee Jaamacadda Sayniska iyo Teknolojiyada Missouri, ahna khabiir ku xeel dheer arrimaha Iran, ayaa sheegay in laga reebo in uu xilka u Maxmuud Axmadinejad iyo afhayeenkii hore ee baarlamaanka Ali Larijani ay u muuqato mid muran gaar ah uu ka taagan yahay.
“In kasta oo Axmadi Najad uu siddeed sano ahaa madaxweyne , iyo jagada uu hadda ka hayo Golaha Sare, oo ah hay’ad la-talin ah oo saameyn ku leh Hogaaminta Sare, haddana lama aqbalin in uu xilka mar kale u tartamo.”
In kasta oo Axmadi Najad uu mar ahaa madaxweynihii uu jeclaa Aayatullah Khamenei, haddana waxa uu la kulmay mucaaradad uga timid hoggaamiyaha sare markii uu dhammaaday mudda xileedkiisii labaad.
Mr. Borujerdi waxa uu yiri: “Sidoo kale, xubin kale ee muhiimka ah waxaa ka mid ah , Cali Larijani, oo sidoo kale leh taariikh siyaasadeed oo muhiim ah sida wasiir hore, madaxa baarlamaanka, iyo xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka.”
Haweenka ma loo ogolaaday inay isa soo sharaxaan?
Muddadii shanta cisho ahayd ee ay socotay diiwaan gelinta ayaa afar haween ah waxa ay ku dhawaaqeen in ay u sharaxanyihiin xilka madaxweynaha.
Labada hore waxay ka tirsanaayeen kooxda muxaafidka ah; Mid ka mid ah waxaa magacaabay kooxda isbedel doonka ah iyo tan afaraad oo ah musharax madax banaan.
Afartan dumar ah ayaa isu diwaan galiyay musharraxnimada madaxweynaha, inkastoo dastuurka uu dhigayo in madaxweynaha laga soo dhex xulo “rag culumo ah iyo siyaasiyiin ah”.
Tan iyo markii la aasaasay Jamhuuriyadda Islaamiga ah, ma jirto qof dumar ah oo loo oggolaaday inay ka qaybgasho 13-ka doorasho ee madaxtinimo, taas oo inta badan keenta khilaaf u dhexeeya dhaqdhaqaaqayaasha arrimaha dumarka iyo dowladda.
Madaxweynaha cusub makeeni doonaa isbeddelo?
Waayo-aragnimadu waxay muujinaysaa in siyaasadda guud ee taliska Iran aanu go’aamin madaxweynaha, balse uu go’aamiyo hoggaamiyaha ugu sarreeya iyo hay’adaha awoodda badan ee hoos tagta, sidaas darteed waxaa siyaasadda gudaha iyo dibada inataba jaangooya Aayatullaahi Khamenei.
Dad badan oo wax indha indheeya ayaa aaminsan in isbedelada ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda, sida dib u habeynta barnaamijka Nukliyeerka ee Iran ama khilaafka Iran iyo Israa’iil, ay ka weyn tahay awoodda madaxweynaha cusub.
Waxa kale oo ay u muuqataa in aanay suurtogal ahayn in madaxweyne kastaa uu beddelo siyaasadda gudaha isaga oo aan fasax ka haysan Khamenei, tusaale ahaan xijaabka khasabka ah ee haweenka.
Mascuud Safiri oo ah falanqeeye dhanka siyaasadda ah ayaa yiri: “Go’aan kasta oo uu gaaro madaxweynaha soo socdaa waa go’aan uu gaaro maamulka guud.”