18th October 2024  admin  Category :

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Wasaaraddu ay joojisay gebi ahaanba imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare dalka oo maalmahan ay Wasaaradda ka qaadaysay ardayda dugsiyada sare ee dalka.

Wasiirka oo caawa Warbaahinta Qaranka kala hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in wixii hada ka dambeeya la joojiyay imtixaankii socday, isla markaana la baabi’iyay dhamaan maadooyinkii ay ardayda saddexda maalin ee la soo dhaafay galeen.

“Wasaaraddu waxa ay go’aan ku gaartay in la joojiyo imtixaanka, waana la baaba’shay maadooyinkii la soo galay” ayuu yiri Wasiir Goodax.

Wasiir goodax ayaa xusay in laamaha ammaanku ay gacanta ku hayaan qaar ka mid ah dadkii bixiyay qishka imtixaanka, qaarkalena weli baaritaan ayaa ku socdo, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa hoosta ka xariiqay in timxaanka 27-ka bishan May dib loo qaadi doono.

https://www.facebook.com/sntvnews/videos/2271471113170462/?t=0

https://allsanaag.com/goodax-barre-oo-u-hanjabay-puntland/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*