17th November 2025  admin  Category :

A double standard is when different rules or expectations are applied to similar situations or people, often unfairly.

Gobolada Sanaag iyo Sool uma gaar ah oo qura beesha Harti, Daarood ee waxa la dega oo degmooyin ku leh beelaha Isaaq. Dawladda Federaalku iyaga maxay u soo khasbi waayeen beeshaas Isaaq, oo uga soo qayb gelin waayeen shirka Lascaanood.

Sidoo kale dawladda Federaalku gobolka Sool waxay u soo direen wasiieo ka soo jeeda beesha Daarood Waiir Xoosh, wasiir Bidhaan iyo Wasiir Geesood , maxay ugu soo diri waayeen wasiirada Isaaq oo uu ka mid yahay Ra’isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Salah Ahmed Jama oo ka soo jeeda degmada Ceerigaabo, oo ay magaaladaas wada degaan Beesha Warsangeli ee lagu khasbayo Shirka Laascaanood, si ay uga qayb qaataan maamulka lagu dhisayo Laascaanood.

Dawladda Federaalka dad hal magaalo oo la wada degan yahay ayeey kuwana khasbayaan oo ayna waxba ka dhegaysanayn, kuwana sida ay doonayaan \ loo yeelaya. Waxaanu a aragnaa isir kala sooc aan shaci iyo Dastuur ku salaysnayn ee siyaasiyiinta Hawiye jeebkooda kala soo baxeen

Ugu danbayntii dawladda Federaalku maamulkan cusub uma wada samaynayso beelaha wada degan Gobolka Sanaag, degmada Ceerigaabo, xaafadda Daalo oo qaarna waa khasbayaan inay Laascaanood iska xaadiriyaan kuwana maamulka la samaynayo shaqo Kuma laga , taasina waxay kuu cadaynaysaa inaanay dawladda Federaalka ee Xasan Culusoow hogaamiye inaanay doonayn imaamul ay sameeyaan ee ay doonayaan oo u socdaan in maamulka hadda jira ee Puntland ay bur buriyaan.

ALLSANAAD>COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*