21st December 2024 admin Category :
Muhiimadda ay leedahay shahaadada ay UNESCO guddoonsiisay Ugaaska beesha Ciise
Munaasabad lagu qabtay magaalada Dirir-dhaba ee dalka Itooboiya ayaa maanta shadaado lagu gudoonsiinayay ugaaska beesha Ciise, kadib markii dhawaan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ay si rasmi ah u aqoonsatay Xeer beesha Ciise, oo ah xeer qarniyo jiray oo ay ku dhaqmaan beesha.
Aqoonsashadan taariikhiga ah ayaa lagu saleeyay sida xeerkan uu u mideeyo bulshooyinka, uu u dhowro dhaqanka, uuna dhiiro galiyo bulshada geeska Afrika.
Ugaaska beesha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ib6rahim Ugaas Wacays ayaa sheegay in shahaadadan ay si gaar ah beesha iyo guud ahaan umadda Soomaalida ah uga dhigan tahay wax weyn oo u soo kordhay.
“Wax weyn ayey uga dhigan tahay maadama xeerkooda la aqoonsaday, lix boqol oo sano ka hor xeerkii aabayaasheen noo dhigeen in maanta adduunka aqoonasdo wax weyn ayey nooga dhigan tahay” ayuu yiri ugaaska oo intaas ku daray “Somaali oo dhan ayey sharaf u tahay, waa xeer Soomaali leedahay oo adduunka aqoonsaday.
Xeerkan ayaa la sheegay in muhiimad gaar ah uu leeyahay marka la fiiriyo taariikhda uu soo jiray iyo sida uu ku badbaaday mudada intaas la eg iyo sidoo kale qodobada ku qoran oo nolosha dhan walba taabanaya.
“Waxa ugu weyn waa waqtiga la dhigay oo ah waqti fog iyo sida loo ilaaliyay shan qarni ka hor xeer la dhigay oo ilaa hadda lagu dhaqmayo oo aan isbeddelin iyo xeerka oo marka la gudagalo wax kasta oo bulshada ku saabsan taabanaya”
Qodobada xeerkan ku jira waxaa ka mid ah qodobka dhigaya martigelinta qofka ka soo jeeda beesha ee taga meel kale oo reerku deggan yahay.
“Qofka jooga darafka ugu shisheeya waxa uu safrayaa isagoon sahay qaadan, reerkuu doonyo ayuu u hoyan karaa, hadii la martigelin waayo waa la xukumayaa reerkaas”.
Shaqsiga la martigelin waayo ayaa ku doodaya in reerkii aabihiis lagu qadiyay, waxay noqoneysaa qodob uu jabiyay qofka loo martiyay.
Ugaas Mustafa ayaa sidoo kale noo shegay in ilaa iyo labo sano muddo laga joogo ay guddi dhallinyaro ah oo isabaabulay ay howsha bilaabeen iyagana ay la shaqeeyeen sidasina ay ku timid aqoonsiga UNESCO.
Waxyaabaha xeerkan uu kaga duwan xeerarka kale ee beelaha Soomaalida ayaa la sheegay in ay tahay sida loogu dhaqmo iyo ixtiraamka loo hayo oo aan isbeddelin.
Xigashada Sawirka,IBRAHIM AXMED
Maxay UNISECO ku dooratay xeerkan?
Xeerka Ciisaha ayaa soo jiray sida la sheegay ku dhawaad 500 ilaa iyo 600 oo sano. Xeerka waxaa sameeyay 100 oday oo la soo xulay, waxaana lagu sameeyey magaalada Mile tuulo hoostagto oo la yiraahdo Waaruf, deegaankaasi oo u dhaxeeya magaalada Diridhaba ee Itoobiya iyo Jabuuti.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Xeer Ciise, oo ah xeer qarniyo jiray oo ay ku dhaqmaan beesha Ciise ee degta dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya, waxayna ku dartay liiskeeda waxyaabaha dhaqanka aadmiga la xiriira.
Aqoonsashadan taariikhiga ah ayaa lagu saleeyay sida xeerkan uu u mideeyo bulshooyinka, uu u dhowro dhaqanka uuna geeska Afrika ugu dhiirrigeliyo caddaaladda.
In xeerkan ay aqoonsato UNESCO ayaa waxaa si wada-jir ah u gudbiyay dad kasoo kala jeeda Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya, waxaa lagu ansixiyay fadhigii 19aad ee guddi-goboleedka hay’adda kaasoo lagu qabtay magaalada Asunción, ee dalka Paraguay.
Waxyaabaha kale ee xeerkan ay ku dooratay UNESCO waxa ka mid ah sida uu u xoojiyo qeynuunnada caalamiga ah sida xuquuqda haweenka iyo carruurta, dhowridda deegaanka iyo xallinta khilaafaadka.
UNESCO ayaa ammaantay hannaankan oo ay u aragtay inuu tusaale dhif ah u yahay dhaqanka sharciga ah ee nool kaasoo dhiirrigelinaya dowlad-wanaagga iyo iskaashiga isagoo sidoo kale wax ka qabanaya caqabadaha maanta sida xallinta khilaafaadka iyo dhowridda deegaanka