16th April 2024  admin  Category :

Mowjado kuleel ah oo ka jira gobollo ka mid ah Mareykanka

Mowjado daran oo kuleyl ah ayay wajahayaan gobollada waqooyi-galbeed ee Mareykanka ee badda Pacific-ga. Waa xaalad halis ah oo ka taagan gobol ka mid ah dalka oo ay in badan ku nool yihiin iyagoo aan isticmaalin qaboojiyyeyaasha guryaha.

Heerkulka maalmaha Sabtida iyo Axadda ayaa la filayaa in uu sare uga kaco illaa 30 digrii ee heerarkii uu ahaan jiray.

Isbeddelka ayaa la filayaa in uu sii socon doono toddobaadka danbe.

Dukaamo badan ayaa iibiyay dhammaan qaboojiyayaasha iyo marawaxadaha. Magaalada Seattle ayaa asbuucan la saadaalinayaa in heerkulkeedu ka sare mari doono 100 darajo oo Fahrenheit (38 digrii oo Celsius ah.)

Magaalada Portland ee gobolka Oregon, ayay Axadda berri ah u badan tahay in uu heerkulkeedu noqdo 108 darajo oo Fahrenheit (42 Celsius), taasi oo jebin doonta rikoorkii ay dhigtay sanadkii 1981-kii oo ay gaartay 107 Fahrenheit (42 Celsius).

Seattle ayaa taariikh ahaan saddex jeer heelkulkeedu gaaray 100 Fahrenheit, sida ay ku warramayo Adeegga Saadaasha Hawada ee Qaran. Waxaa macquul ah in heerkulka magaaladu uu Isniinta ka sare maro 103 Fahrenheit oo u dhiganta 39 digrii Celsius.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*