23rd October 2024  admin  Category :

Maalqabeenka Ruushka Roman Abramovich – milkiilaha kooxda kubada cagta ee Chelsea – ayaa lagu dhex arkay wadahadaladii Istanbul ka socda ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.

Sawirro ay baahiyeen warbaahinta Turkiga, ayaa lagu arkay isagoo fadhiya miis uu garab taagan yahay Ibraahim Kalin – oo ah afhayeenka madaxweyne Erdogan, isaga oo xiran sameecadaha wax tarjuma.

Waxaa lagu soo waramayaa inuu gacan ka geystay isku dubaridka kulamadii u dhaxeeyay Oligarch ee Ruushka iyo xubin ka tirsan wafdiga Ukraine ee ku sugan hoteelada Istanbul.

Joogitaanka Abramovich waxay muujinaysaa inuu weli ku lug leeyahay isku dayga dhexdhexaadinta labada dal.

Ilo ku dhow Maalqabeenka Ruushka Roman Abramovich ayaa sheegaya in lagu arkay astaamo u muuqda amba looga shakiyayba in la sumeeyay xilli uu ka qayb galayay wadahadallo nabadeed oo horaantii bishaan dhexmray Ruushk iyo Ukrine.

Waxaa lagu warramayaa hadda in xaalkiisu wacanyahay. Laba nin oo kale oo qayb ka ahaa wadahadallada Ukriane ayaa iyagana loo malaynayaa in la sumeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*