18th October 2024  admin  Category :

“Meydadka dad ayaa shabaagta iisoo gala anoo kalluun sugaya”

Iyadoo tirada muhaajiriinta isku dayaya inay gaaraan Yurub ay sii kordheyso ayaa waxaa sii badana tirada dadka ku dhintay badda Mediterranean-ka.

Mas’uuliyiinta Midowga Yurub ayaa la halgamaya sidii ay u xakameyn lahaayeen cadaadiska ay xeebaha dalka Tunisia ku hayaan muhaajiriinta ka soo cararaya faqriga iyo dagaallada dalalkooda.

Nin kalluumaysata ah oo la yirahdo Oussama Dabbebi ayaa ka sheekeynaya qisada ka qabsata badda marka uu kalluumeysiga aado.

Waxa uu sheegay in mararka qaar shabaqa uu u isticmaali karo jaallabashada kalluunka uusan u soo gelin kalluun, baddalkii taasna waxaa u soo galo meydadka muhaajiriinta ku qarqamay badda Mediterranean-ka.

“Halkii aan kalluun ka heli lahaa, mararka qaarkood waxaa shabaqa ii soo gala meydad, markii ugu horreysay ee aan la kulmay dhacdadaan waxaan dareemay cabsi iyo argagax xooggan, balse markii dambe waan iskala qabsaday. Muddo ka dib in mayd shabaggayga laga soo saaro waxay ila mid noqotay sida kalluun aan isoo galay.

Kalluumaystahan oo 30 jir ah, oo xiran koofiyad madaw iyo surwaal gaaban, ayaa sheegay inuu dhawaan ka helay shabaggiisa maydadka 15 tahriibayaal ah muddo saddex maalmood gudohood ah.

“Mar aan helay meydka cunug yar.Waan ooyay oo waan adkeysan waayay sababtoo wuu iga duwan yahay kan dadka waaweyn oo iyaga adduun ayay soo arkeen oo dunida uma cusba.”

Dabbebi ayaa ka kalluumaysanayay biyaha meel u dhow magaalada labaad ee Tunisia ee Sfax tan iyo markii uu jiray 10 sano.

Waagaas waxa uu ka mid ahaa dad badan oo kalluumeysato ah, balse hadda waxa uu sheegay in kalluumaysatada badankoodu ay doomahoodii ka iibiyeen dadka wax tahriibiya.

“Marar badan ayay mukhalasiin ii soo bandhigeen lacag aan badan oo aan la aamini karin si aan uga iibiyo doonteyda, mar walba waan diidi jiray, sababtoo ah haddii ay adeegsadaan doontayda oo ay dad ku qarqmaan, weligey ma cafiyeen nafteyda.”

Sida laga soo xigtay Ilaalada xeebaha ee Qaranka Tuniisiya ilaa 13,000 oo muhaajiriin ah ayaa lagu qasbay in ay ka degaan doomo badan oo buux dhaafay

Meel wax yar u jirta dekedda ayaa si waxaa si tartiib tartiib ah u socda koox muhaajiriin ah oo ka timid Koonfurta Suudaan – oo ay ku dhufteen colaado, jahawareerka cimilada iyo cunto yari tan iyo markii ay xornimada qaateen 2011.

Dhammaan waxay rajeynayaan inay gaaraan UK. Mid ka mid ah ayaa sharaxaya in ay si dirqi ah uga tanaasuleen isku daygii labaad ee ay ku doonayeen inay ugu talaabayaan Talyaaniga sababo la xiriira doonta oo buux dhaaftay iyo cimilada oo sii xumaanaysa awgeed.

“Dadka ayaa aad u tira badanaa doontuna waxay ahayd mid aad u yar, sidaas oo ay tahayna waxaan isku daynay inaan dhaqaano balse cilimida oo aad u xumeyd iyo dabeyl xowli ah awgeed ayaa sababtay inay adkaato inaanu sii socono.”

Sida laga soo xigtay Ilaalada xeebaha ee Qaranka Tuniisiya ilaa 13,000 oo muhaajiriin ah ayaa lagu qasbay in ay ka degaan doomo badan oo buux dhaafay waxayna ku soo laabteen xeebaha saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkan.

Horraantii sanadkan in ka badan 200 oo meyd ah oo muhaajiriin ah ayaa laga soo saaray biyahay magaalo xeebeedkan.

Intii u dhaxaysay bilihii Jannaayo iyo April ee sanadkan ilaa 24,000 oo qof ayaa ka baxay xeebaha Tunisia iyagoo wata doomo macmal ah, waxayna tageen Talyaaniga, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga.

Dalkan ayaa hadda noqday meesha ugu weyn ee ay ka dhoofaan muhaajiriinta isku dayaya in ay gaaraan Yurub. Liibiya ayaa markii hore hoggaaminaysay, balse rabshadaha ka dhanka ah muhaajiriinta iyo afduubka kooxaha dambiilayaasha ah ayaa horseeday in dad badan ay u safraan Tunisia.

In kasta oo doontii toddobaadkii hore ku qarqantay xeebaha Giriiga, oo ay ku dhinteen oo ugu yaraan 78 qof, sidoo kalana dad lagu qiyaasay 500 oo qof la la’yahay, ay ka soo shiraacday Liibiya.

Horraantii sanadkan in ka badan 200 oo meyd ah oo muhaajiriin ah ayaa laga soo saaray biyahay magaalo xeebeedkan.

In ka badan 27,000 ayaa ku dhintay iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka tan iyo 2014-kii.

Ilaa iyo hadda sanadkan in ka badan 47,000 oo muhaajiriin ah ayaa gaaray dalka Talyaaniga, waana koror saddex laab ah isla muddadaas sannadkii hore, waxaana kordhay dalabaadka ah in wax loo qabto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*