16th September 2024  admin  Category :

Maalmahan waxaa soo baxay shaqsiyaad sheeganaya ineey yihiin ciidamo u shaqeeya SNMta kuwaas oo ka soo hadlayey magaalooyin kalla duwan oo ka mid ah gobolka Sanaag. Ragan iska soo duubay muuqaalada ayaa kulla hadlayey hoggaamiyayaasha SNMta, iyagoona u sheegayey ineey boqolkiiba boqol ay taageersan yihiin Maamulka Hargeeysa. 

Waxaa iyana jira rag sheeganayana ineey yihiin nabaddoono iyo caaqiliin, kuwaas oo taageero kal iyo laab ah u muujiyey SNMta iyo hoggaamiyahooda Muuse Biixi. Hadaba, ragan taageeraya Maamulka Hargeeysa ayaa ah kuwo gacan siinaya cadawga kalla goynaya dalka.

Sidoo kalle, magaalada Badhan waxaa dhawaan yimid shaqsi laga soo diray magaalada Hargeeysa kaas oo dhawaan ay SNMta u soo magacaabeen inuu yahay guddoomiyaha degmada Badhan. Hadaba, shaqsigan iyo kuwa la midka ah oo ay ku jiraan kuwa isaga ka horeeyey, dhamaantood ujeedka loo soo dirsaday ayaa ah sidii ay u soo xerro gellin lahaayeen deegaanadooda, iyagoo dhaafsanaya xoogaa yar oo shilimo ah.

Si kastaba ha ahaatee, SNMta ayaa waxa ay ciyraarayaan naqshada oraneeysa “Lafa geel iyaga ayaa la isku jabiyaa” oo micnaheedu yahay in dadka iyaga madaxa la isku gelliyo, jilib jilibna la isugu dirro, kii katagana lagu beddalo mid kalle oo marabi ah.

Hadaba, si looga hortago cadawga iyo ragga ay soo adeegsanayaan, waa in meel looga soo wadda jeestaa, deegaankana laga dhigaa mid laga sifeeyey cid kasta oo la socota cadawga kalla jaraya dalka Soomaaliya, maamulka Puntlandna waa in ay gobolka ka hirgelliyaan ciidamo isku dhaf ah kuwaas oo laga kalla keenay dhamman deegaanda Puntland si ay uga difaacaan kuwa laga soo xawilay Hargeeysa ee la doonayo in deegaanka lagu qabsado, kana abuuraan deegaanka dagaalo bulshada dhexmara, iyaga oo dhaafsanaya xooggaa yar oo shilimaad ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*