7th September 2024  admin  Category :

Maydka xaaskeyga iyo hooyadeed oo dhaawac ah ayaan dul imid qofkii dilayna wuu baxsaday’

Nasteexo Nuur Dable iyo Hooyadeed Muslimo Macallin waxay u ahayd fiid ay ku cawaynayeen gurigooda oo ku yaalla degmada Kaaran ee gobolka Banaadir markii dhacdado argagaxa leh ay haleeshay xalay.

Nin hubaysan ayaa sida ay noo sheegeen qarabadoodu, waxa uu gudaha u galay guriga qoysku degganaayeen ka dibna waxaa la maqlay dhawaqa rasaas.

“Guriga albaabku waa furnaa, xaaskayguna waxay fadhiday bannaanka”, ayuu BBC da u sheegay seyga Nasteexo -Salaad Cabdulle Jimcaale – oo dib u xasuusanaya wixii ku dhacay xaaskiisa iyo soddohdiis.

Salaad waxyar ka dib markii uu gurigiisa yimid ayuu la kulmay falkaan sida uu u sheegay BBC da.

“Waxaan taagnaa irida qolkayga, waxaa maqlay xabad iyo iftiinkeeda markaas ayaan qolkeyga ku cararay markii an soo baxayna waxaan arkay xaaskayga oo fadhida oo xabad ku taallo oo mayd ah iyo sodohday oo Iyana dhaawac ah. Waan argagaxay.” ayuu yiri salaad.

Qofka geystay dilkaan ayuu sheegay in uu dilka ka dib isaga tagay goobta.

Wuxuu sheegay in xaaskiisu wax yar uun ka hor geerideeda ay ku wargalisay in ninkeedii hore uu soo hanjabay.

“Waxay ii sheegtay saacadiihii ugu danbeyey in nin ay hore isu qabeen uu daba taagan yahay una hanjabo, inuu dilo ugu hanjabayo, waxaaa u sheegay inaan sharciga uga dacwoonayno,”ayuu BBC-da u sheegay Salaad Cabdulle.

Ninkaas ayay qoysku tuhunsan yihiin in uu yahay qofka ka dambeeya falkaan.

Wuxuu intaa ku daray in ninka dilay xaaskiisa uusan isagu wax aqoona u lahayn horeyna uusan u arkin.

Nasteexo ayaa ahayd hooyo leh saddex carruura oo laba ka mid ah ay kula sugnaayeen guriga falka ka dhacayey.

“Labada carruura waxay ku sugnayeen qolka hooyadeed ay la seexan jireen”, ayuu hadalkiisa raaciayay Salaad.

Salaad, ayaa sheegay in falku uu dhacay xilli cawaysin ah ka dibna ay dhaawaca iyo maydka ay geeyeen isbitaal ku yaalla Muqdisho.

maamulka kaaraan
Qoraalka sawirka,Guddoomiye xigeenka amniga degmada Kaaraan Xasan Xuseen Maxamuud

Guddoomiye xigeenka amniga degmada Kaaraan Xasan Xuseen Maxamuud – oo ah halka falku ka dhacay – ayaa BBC-da u sheegay in falkaasu u ahaa mid naxdin leh maaamul ahaan iyo laamaha ammaanku ku raad joogaan shaqsigii falkaas geystay

“Ninkii waa lagu raad joogaa, sawiradiisa ayaan qaybinay, cidkasta haya’addaha amniga waa u qabinayey, waxaan ku rajo weynahay inaan soo qabano oo haya’addaha cadaaladdda horgeyno ayaa noo qorshe ah” ayuu yiri Xasan Yare.

Sida uu BBC da u sheegay gudoomiyuhu ninka tuhmanaha ah ee loo malaynayo in uu dilka geystay ayaa ka tirsanaa ciidamada dowladda laakiin maamulka Kaaraan ayaa sheegay inay xaqiijinayaan.

Dariska qoyska oo la hadlay warbaahinta maxaliga ee Muqdisho ayaa xusay inay aad una naxeen falka ku dhacay labada marxuun.

DARISKA
Qoraalka sawirka,Dariska qoyska ay ka dhinteen labada marxuun oo la tiiraanyeysan falka dhacay

Dareenka Seyga Nasteexo

Salaad Cabdulle Jimcaale, ayaa BBC-da u sheegay inuu falkan ahaa mid yaab leh oo uusan waligiisa filayn inuu dhaci karo

“Wuxuu igu abuuray dareen argagax leh. Fal masiibo ah ayuu ahaa oo yaab leh,” ayuu yiri Salaad.

Salad, wuxuu sheegay in isaga marxuumadu ay aroos ahaayeen muddo kooban dhacdadaasina ay ku abuurtay walwal.

Maydka labada marxuun ayaa ku jira qaybta tallaagada ee Isbitaal ku yaalla magaalada caasimada ee Muqdisho sida ehelku ay BBC-da u sheegeen.

Dhacdooyinka noocaan ah ayaa waayadii danbe ku soo badanayey deegaanada Soomaalida kuwaas oo si weyn falcelin looga sameeyey.

Mid ka mida dhacdooyinkii ugu argaga laha ayaa dhacday bishii febraayo ee sanadkan ka dib markii nin uu xaaskiisa ku gowracay magaalada Qoryoolay ee gobolka shabeellada hoose.

Balse laamaha ammaanka ee degmadaasi ayaa ninkaasi markii danbe gacanta ku soo dhigay.

Si lamida sanadkan waxaa jiray dhacdooyin la mida oo dhacay sanadkii hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*