28th March 2024  admin  Category :

Nimankii Xasuuqa ka gaystay Maakhirstaan 1988, oo ka mid ahaa garabkii ina Mire, oo maantana damacu uu ka galay Shidan iyo Buuraha Calmadow, dadna ku laayey, si ay degaanadaas gacanta ugu dhigi lahaayeen, ayaa iyaga oo hor boodayaan Gacmo dheere, Ina Xaamud iyo Caaqil Bashiir , oo ka mushahaar ka qaata maamulka SNM, waxay doonayaan in beesha Habar Yoonis ay hadyad ahaan u siiyaan degaanada Shidan ee beesha Nuux Cumar ee Warsangeli degaan.

Jabhadda SNM uu hogaaminayo Timo dheer, oo haddaa sheeganaya inuu yahay Gudoomiyaha maxkamadda waa Gacan ku dhiiglayaashii 1988 xasuuqa iyo kufsiga uga gaystay gobolka Sanaag oo ka mid ahaa garabkii Ina Mare oo xitaa abtiyaddii dilay . Beesha Habar yoonis iyo Warsangeli, dhinaca waqooyi galbeed ee gobolka Sanaag waxa u dhaxeeyey degaanka ay beesha Gahayle ee Majeerteen degi jirtay oo 1988 jabhaddii SNM oo beelaha Isaaq u dhamaayeen ka barakiciyeen degaanadoodii oo ay maanta beeshaasi meelo kale dul saar ku yihiin iyagoo Barakacayaal ah . Nasiib wanaag, dhowaan ayaa wasiirka amniga Puntland sheegay inuu beeshaas degaankeeda hore ee degmada Ceerigaabo iyo Laasa Surad ku celin doonaan

Gacmo dheere, Ina Xaamud iyo Caaqil Bashiir oo Shidan iyo buuraha Calmadow u gacan gelinaya SNM. Hoos ka daawo

e

One thought on “Maxkamadda SNM xagee ka shaqaysaa?

  1. raage

    SNM Iyo farmaajo duulaankoooda waa in laga hortago waxay isu kalla qeybiyeen gumeynta beesha kablalax tani waa farmaajo iyo hab kamida hababka dagaal ee uu kula Jiro kablalax koonfureed waxaa muuqda kala qeybsanaan dhanka xildhibaanada Kenya ee Soomaalida ah, oo ay ka dambeyso dowladda Soomaaliya, sida uu sheegay madaxii hore ee Geeska Africa ee hay’adda xasaradaha adduunka ee ICG, Rashiid Cabdi. “Dowladda Soomaaliya waxay faro-gelinta Kenya kaga jawaabtay ayada oo gobolka Waqooyi Bari Kenya u kala qeybineysa hab qabiil. In la go’doomiyo Ogaadeenka oo loo arko inay taageersan yihiin Axmed Madoobe, in lasoo dhoweeyo Garre, Dagoodiya iyo Ajuuraan. Tallaabo ka hortag oo cajiib ah,” ayuu Rashiid ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*