
6th June 2025 admin Category :
Maxey ka dhigantahay in mucaaradku shuruudo adag ku xiraan gogoshii madaxweyne Xasan fidiyay?
Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ah dallad ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin mucaaradka ku ah dowladda federaalka ah ayaa sharuud adag ku xiray ka qaybgalka gogol wadatashi oo uu ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.
Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen siyaasiintan oo shir ugu soo gabagaboobay magaalada Muqdisho, ayey inkasta oo ay soo dhaweeyeen gogosha madaxweynaha, haddana waxay ka qaybgalkeeda ku xireen dhowr sharuudood oo ay adag tahay sida loo wada fulin karo.
Qodobbada ugu horreeya ee mucaaradku ku xireen fadhi ay la yeeshaan Xasan Sheekh ayaa ah “in gogosha noqoto mid wadahadal oo xal waara looga gaaro khilaafaadka siyaasadda ee dalka oo ay ugu horreeyaan dib-u-eegista dastuurka iyo doorashooyinka labada heer ee faderaalka iyo dowlad-goboleedyada”.
Laakiin sida uu qabo Sanator Iftin Xasan Baasto oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya,” dib-u-eegistii lagu sameeyey dastuurka marnaba gorgortan lagama geli karo maadaama baarlamaanku cod aqlabiyad lehh ku ansixiyey”
“Dastuurkii hore laguma laaban, (isbeddelka dastuurkana) waxaa lagu soo ansixiyey cod aqlabiyad leh oo aan muran lahayn. 253 xildhibaan ayaa ansaxiyey”, ayuu yiri Senator Baasto.
Sanator Iftin baasto oo BBC-da u warramayey ayaa sidoo kale meesha ka saaray in dood cusub laga furo doorashooyinka qof iyo codka ah ee dowladdu muddeysey.
“Xeerkii doorashooyinka waan ansixinnay. Waxa keliya ee bannaan waa in aad xisbi ka mid noqotaa, doorashadana aad gashaa, adigoo shacabka cod weydiisanaya”.
Gogosha uu fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa timid maalin ka dib markii la soo gabagabeeyey shir dhowr maalmood magaalada Muqdisho uga socdey qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu cad cad ee ka soo horjeeda in dalka laga qabto doorasho aan la isla wada ogoleyn.
Haddaba Mursal Maxamud Saney oo Agaasime ka ah Machadka Cilmi-baarista Heritage ee fadhigiisu yahay Muqdisho, ayaa mar BBC-du wax ka weydiisey sababta madaxweynaha ku kalliftay in uu mar kale gogol dhigo, wuxuu u sababeeyey in uu dareemay culeys siyaasadeed oo isbiirsaday.
“Waxaan is leeyahay baaqa madaxweynuhu uu mar kale ku dhigay gogosha, islamarkaana uu ku muddeeyey waa mid bogaadin mudan ayna soo dhaweeyeen shacabka Soomaaliyeed. Waxayana iila muuqataa in uu soo dadajiyey culeys uga yimid mucaaradka oo markii ugu horreysey muujiyey dhiirranaan siyaasadeed. Taasina waa arrin yididiilo leh oo mar hore loo baahnaa in talada dalka la isaga yimaado”.
Marka laga yimaado dhinacyada siyaasadda ku loollamaya, Mursal Saney wuxuu leeyahay waxaa jira dhinacyo kale oo ay tahay in ay ka qayb galaan gogosha looga arrinsanayo arrimaha cakiran ee siyaasadda Soomaaliya.
“Mishaakilka aan wajahayno haddaan nahay Soomaali, dowladda iyo mucaaradka kuma filna ee waa in gogosha la waasiciyaa. Waxaa jira dad badan oo bannaanka ka taagan talada dalka oo ay ahayd in ay (gogosha|) safka hore ka fadhiyaan, ku waas oo ay ka mid yihiin culimada, ganacsatada iyo bulshada rayidka ah. Dhammaan dadkaas waa in talada laga qaybgeliyo”.
Sharuudaha mucaaradka waxaa ku jira qodob kale oo dadka qaar ula muuqday mid ragaadinaya in xal degdeg ah la gaaro, maadaama uu isku xirayo arrimo u baahan in la kala guro.
Maxamed Nuur Qalimow oo ah falanqeeya arrimaha siyaasadda si dhow ula socda oo BBC-du wax ka weydiisey suurtogalnimada in ay fulaan sharuudaha isku duuban ee mucaaradka ayaa sheegay in ay jiraan arrimo badan oo u baahan in la kala qaado.
“Sharuudaha mucaaradku waxay u muuqdaan dabar siyaasadeed oo hor leh, kaas oo haddii aan waxyaabah qaarkood la kala qaadin la imaan kara caqabad hor leh,”. Tusaale ahaan, dib-u-eegista dastuurka waxaa loo maray nidaam sharci ah, haddii lagu laabanayana waxaa loo baahan yahay in wadadii la maray dib loogu laabto. Taasna ma ahan wax fudud” ayuu yiri Qalimow.
Tan labaad, in gogosha ay ka soo qaybgalaan dhammaan maamul goboleedyada waxaa ka horreeya in mar ka hore laga laabto amarka maxkamadeed ee dul saaran Axmed madoobe, taasna waxay ku xiran tahay in marka hore laga heshiiyo is mari waaga dhexyaal dowladda federaalka iyo Jubbaland”.
Marka laga yimaado shuruudaha mucaaradku ay soo saareen ee ku aaddan gogosha uu fidiyay madaxweyne Xasan, haddana falanqeeyaasha qaar ayaa qaba in shuruuduhu ay u muuqdaan kuwa horudhac ah, maadama si guud shirka looga hadlayo khilaafaadka taagan isla markaana la doonayo in la xalliyo arrimaha la isku maan dhaafsanyahay.