17th October 2024  admin  Category :

Maxay tahay sababta ciyaarahan guulo u soo hooyay Soomaaliya looga reebay tartanka Olimbikada?

Guddiga Olombikada Soomaaliya ayaa ka saaray Orodyahanka Cabdullaahi Jaamac Maxamed ka qeyb galka Ciyaaraha Olimbikada Adduunka ee Paris 2024, kaasoo lagu wado in la qabto 26-ka July illaa 11-ka Agoosto.

Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo ka tirsan orodyahanada u orda dalka Soomaaliya,  in muddo ahna ku tababaranyey dalka Itoobiya ayaa eedeyn usoo jeediyay Xiriirka Ciyaaraha fudud ee Soomaliya.

Waxaa uu sheegay in guddiga aysan marin hab-raacii lagu soo xuli lahaa oryahanada tartanka ka qeyb galaya.

“Waxaa jira waxyaabo badan oo ka qaldan hab-raaca loo maray ciyaarahaas in laga qeyb galo, aniga iyo ciyaarhanno kale oo jooga Itoobiya iyo Kenya dhammaantena wax hab-raac ah oo ciyaarahaas noogala reebay oo loo maray ma jirto,” ayuu yiri Cabdullaahi

Cabdullaahi Jaamac Maxamed ayaa BBC u sheegay in tartamadii ugu dambeeyay ee uu ka qeyb galay uu guulo badan ka soo hooyay islamarkana aysan jirin sababo tartanka Paris looga reebo.

“Aniga shaqsi ahaan waxaan ahay orodyahankii sanadkan bishii March ku guuleystay tartankii Jabauuti ka dhacay ee kaalinta kowaad 5000 ee mitir isla bishaas aniga oo kaligey is wada waxaa ka qeyb galay orodadii ka dhacayay Ghana ee African Games, kaalinta labaad ayaan tartankaass-na ka galay,” ayaa intaa ku daray

Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo la taagan madaxwayne Xasan sheekh

Odordyahan Cabdullaahi ayaa BBC u sheegay in ciyaarhanadii kaalimaha isaga ka dambeeyay ka galay tartamadii uu isaga guulaha ka soo hoyiyay ay imika ka mid yihiin orodyahanada loo soo xushay tartanka isaga laga reebay.

“Orodyahanadii ciyaarihii African Game ee aan bilada labaad ka keenay iyagu ka galay shanaad iyo afaraad ayaa maanta ordaya oo olombikada ka qeyb galaya”, ayuu yiri Mr Cabdullaahi.

Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo aan wax ka waydiinay in uu xiriir la sameeyay guddiga olombikada ayaa sheegay in guddiga uu la xiriiray balse aysan siin jawaabo uu ku qanco.

“Guuddiga Olombikada wana la xiriiray balse waxay ii sheegeen waxyaabo marmarsiiyo ah oo aan suuragal ahayn Soomaalina ana wlaigeed ka dhicin,” ayuu intaa ku daray.

Maxay ka yiraahdeen guddiga Olombikada Soomaaliya?

Xiriirka Ciyaraha Fudud ee Soomaliya ayaa sheegay in Cabdulahi aysan iyaga ka reebin tartanka balse shuruudihii loo baahnaa uu buuxin waayay.

Ku-simaha Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya Faarax Cali Macalin ayaa BBC u sheegay in ciyaaraha caalamiga ah looga qeyb galo iyada oo la eegayo saacadda uu qofka ku orday ciyaarihii u dambeeyay.

“Marka tartan olombig ah laga qeyb galayo labo qodob ayaa la soo bandhigaa, qodob waa kartida iyo in qofku u qalmo ciyaarta. Qofkii saacadaas la yimaadda ayaa ka soo qeyb gali kara, ciyaarana waa kuwa dalalka oo dhan ay ka qeyb galayaan, “ayuu yir Mr Faarax.

Faarax ayaa intaa ku daray in Cabdulahi uusan gaarin heerkii uu ugu soo bixi lahaa tartanka islamarkaana hadduu gaari lahaa uusan-ba u baahdeen in la soo xulo.

“5000 ma gaarin haddii uu gaaro maba u baahno in wadanku soo diro, wuxuu u baahan yahay in uu gaaro oo kali ah ka dib-na waa lagu casuumayaa anagana waan u ansixinaynaa,” ayuu intaa ku dara.

Ku-simaha Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya Faarax Cali Macalin ayaa dhanka kale sheegay in ay isku dayeen inay ku qanciyaan Cabdullaahi Jaamac Maxamed sida ay wax u jiraan balse uusan dhageysan.

“Si fiican ayaan ugu sheegay laakiin waxaa la yiraahdaa nin ay meel u cadahay meel ka madoob ninkaa odeyga ah wax baa u cad waxa u cad umbuuna rabaa ayuu yiri, ” Mr Faarax.

Maxay yihiin ciyaaraha Olimbikada ee paris?

Goobaha ciyaaraha lagu qabanayo

Ciyaaraha Olombikada sanadkan waxa ay socon doonaan 26-ka July ilaa 11-ka August.

Ciyaaraha qaar ayaa bilaaban doona ka hor xafladda furitaanka rasmiga ah, oo ay ku jiraan kubbadda cagta iyo ciyaaraha Rugby-ga oo billaaban doona 24-ka July, iyo ciyaarta buulin ka iyo kubbadda gacanta oo billaaban doonta 25-ka July.

Guud ahaan, ciyaarahan waxay dhici doonaan muddo 19 maalmood ah.

Waxaa tartanka ka qeyb gali doona ciyaartoyda ay tiradoodu dhan tahay 10,500 oo ka akla socda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*