7th September 2024  admin  Category :

Maxay tahay kooxda Wagner ee dooneysa inay afgembiso dowladda Ruushka?

Hoggaamiyaha Wagner ayaa sheegay inuu xoog ku qabsaday “dhammaan xarumaha militeriga” ee magaalada Rostov-on-Don ee koonfurta Ruushka.

Sheegashada Yevgeny Prigozhin waxay ka cadheysiisay madaxweyne Putin oo ku tilmaamay “dhabar ka toogasho” wuxuuna ballanqaaday inuu ciqaabayo kuwa “qiyaamay” Ruushka.

Prigozhin wuxuu sheegay in u jeedkiisu aheyn “afgambi militri balse ay aheyd. mid cadaaladeed” taas oo timid kaddib dagaal dheer oo ay la galeen madaxda militiriga oo sii xoogeystay.

Kooxda Wanger waa calooshood u shaqeystayaal ka dhinac dagaallamayaya militeriga Ruushka ee Ukraine. Waxaa lagu qiyaasay in kumannaan Wanger ah ay halkaas joogaan.

Qeyb weyn ayey ka qaateen dagaalka dheer ee hantida badan ku baxday ee ciidamada Ukraine looga qabsaday magaalada Bakhmut.

Kooxda waxay isku tilmaamaan “shirkad militeri oo gaar loo leeyahay”, balse dowladda Ruushka ayaa dhawaan qaadday tallaabooyin loo arkay inay ku xakameyneyso.

23-kii Juun ayuu Prigozhin sheegay in qiilka u yeelayo Ruushka dagaalka Ukraine uusan sal laheyn ee uu yahay mid uu wasiirka difaaca Sergei Shoigu sumcaddiisa kor ugu qaadayo.

Maxaa laga yaqaan kooxda Wanger? Yaase u dagaallamaya?

Ruushka
Qoraalka sawirka,Hoggaamiyaha Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa muuqaal la soo dusiyay lagu arkay isagoo u khudbeynaya maxaabiis ku sugan Ruushka

Prigozhin ayaa dhawaan wasiirka difaaca Shoigu iyo taliyaha ciidanka Ukraine ka dagaallamaya Valery Gerasimov ku eedeeyay karti la’aan iyo inay sahayda kooxda Wagner hoos u dhigeen.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka waxay hadda sheegtay “qaabka mutadawacnimada” ee Ukraine lagu tagayo waa in iyaga heshiis lagula galaa ilaa dhammaadka Juun.

Balse Prigozhin ayaa soo saaray qoraal uu ku diidayo isagoo ku dhawaaqay in ciidamadiisu qaadacayaan heshiiska.

Halkee kale ayey ka howlgalaan kooxda Wagner?

Ruushka
Qoraalka sawirka,Kooxdan ayaa ka howl galeysay Suuriya

Ilaa 2015kii waxay kooxda joogeen Suuriya iyagoo ka dhinac dagaallamayay ciidamada dowladda.

Sidoo kale kooxda waxay ciidamo ka joogeen Libiya kuwaas oo taageerayay ciidamada Janaraal Khalifa Hafter.

Jamhuuriyadda Afrikada dhece (CAR) ayaa ku casuuntay kooxda inay ilaaliyaan gododka macdanta laga qodo, waxaana la aaminsan yahay inay ilaaliyaan gododka macdanta ee Sudan.

Dowladda Mali ayaa kooxda Wanger u adeegsaneysa inay kula dagaallanto xagjiriinta.

Prigozhin waxaa la rumeysan yahay inuu lacag ka sameynayo howlgallada Wagner. Mareykanku waxay sheegeen in joogistiisa ay hanti badan soo gelineyso shirkadihiisa

Dambiyo ceynkee ah ayaa kooxda Wagner lagu eedeynayaa inay galeen?

Bishii Janaayo, taliye hore ayaa dalka Norway magangalyo ka dalbaday kaddib markii uu ka soo baxay kooxda. Wuxuu sheegtay inuu goobjoog u ahaa dambiyo dagaal oo ka dhacay Ukraine.

Saddex xubnood oo kooxda ka tirsan ayey Ukraine ku eedeysay inay jirdil iyo dilid ugu geysteen rayid meel u dhow Kyiv bishii Aoril 2022-kii.

Sirdoonka Jarmalka waxay sheegeen in sidoo kale lagu eedeynayo calooshood u shaqeystayaasha Wanger ee Jooga Jamhuuriyadda Afrika Dhexe inay galeen kufsi iyo dhac rayid loo geystay.

Sanadkii2020-kii waxay Mareykanka ku eedeeyeen kooxda inay miinada dhulka iyo qaraxyo kale ka geysgteen meel u dhow caasimadda Libiya ee Tiroli.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*