
2nd April 2025 admin Category :
Maxay tahay fadeexadda “Qatargate” ee loo xirxiray raggii la shaqaynayey Netanyahu
Garsoorka Maxkamad ku taala Israa’iil ayaa saddex maalmood ku kordhisay sii xirnaanshaha labo ka mid ah la taliyayaasha ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Natenyahu, kuwaasi oo sugaya baaritaano dheeri ah oo booliska iyo kuwa laanta amniga ee loo yaqaan Shin Bet ay ku sameynayaan, iyaga oo loo haysto kiis ay warbaahintu ugu yeerto ‘fadeexadda Qadar ”Qatargate”.
Baaritaanada ayaa billowday laba bilood ka hor, waxaana horumarka kiiskan laga sameeyay uu yahay warqadda soo qabashada ee lagu soo xirayo labadan la taliye. Waxaana lagu tilmaamay horumar la taaban karo oo qeexaya jiritaanka caddayn la taaban karo oo ku aadan ku lug lahaanshaha kiiska.
Labada nin ee looga shakisan yahay in kiiskan lala xiriirinayo ayaa kala ah Yonatan Urich iyo Eli Feldstein, oo labaduba gacanyare u ahaa Netanyahu.
Sida laga soo xigtay Hay’adda Warbaahinta Dadweynaha ee Israa’iil, Netanyahu ma aha mid looga shakisan yahay kiiska.
Baaritaanka fadeexadda “Qatargate” ayaa lagu bartilmaameedsanayaa xubno ka tirsan dowladda oo looga shakisan yahay inay dhaqaale ka helaan Qadar si ay gacan uga geystaan kor u qaadista sumcadda dalkaasi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.
Netanyahu oo loo haysto eedo musuqmaasuq oo kale ayaa diiday eedeymaha la xiriira kaaliyaashiisa iyo Qadar, wuxuuna ku tilmaamay been abuur ah iyo olole siyaasadeed oo isaga ka dhan ah.
Sarkaal ka tirsan dowlada Qadar ayaa beeniyay eedeymahaasi, wuxuuna ku tilmaamay inay qeyb ka yihiin “olole sumcad dil ah” oo ka dhan ah dalkiisa, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Netanyahu waxaa uu diiday eedeymaha musuqmaasuqa, isaga oo ku eedeeyay sida uu sheegay warbaahin cadaw ah iyo nidaam sharci oo aan dhexdhexaad ahayn oo isku dayaya inay afgembiyaan.
Waa maxay fadeexadda Qatargate?
Netanyahu ayaa si dhakhso ah uga tagay maxkamadayn musuqmaasuq Isniintii si uu u markhaanti furo baaritaano kale oo gooni ah oo la xiriira suurtagalnimada xiriirka u dhaxeeya kaaliyayaashiisa iyo Qadar, sida ay tabisay warbaahinta dadweynaha Israa’iil.
”Baaritaano daba socda oo ay sameysay laanta qaran ee baaritaanada caalamiga, laba tuhmane ayaa la xiray maanta si su’aalo loo weydiiyo,” sida ay ku sheegeen booliska Israa’iil qoraal ay soo saareen Insniintii.
Baaritaanadii dhowaa ee ay sameeyeen shirkadda warbaahinta dadweynaha Israa’iil iyo wargayska Haarertz ayaa tilmaamaya tuhumo la xiriira kaaliyayaasha ay iskudaba rideen caawimaad ama ka qayb qaateen olole kor loogu qaadayo muuqaalka dibadda ee Qadar. Waxaana kaaliyayaashu ay diideen inay wax khalad ah ay sameeyeen.
Baaritaanada ka dhanka ah Urich iyo Feldstein waxaa ku jira laaluush, xiriir ay la sameeyeen hay’ad dibadeed, Aaminaadii lagu qabay oo buriyeen, lacag dhaqis, dambiyada canshuuraha.
Qodobka 114 ee xeerka ciqaabta dambiyada Israa’iil ayaa dhigaya ”Xiriir lala sameeyo hay’ad dibadeed” ha ahaato mid toos ah iyo mid aan toos ahayn, xataa haddii aysan u keenay amaanka qaranka dhibaato rasmi ah, waxaa ku filan in la caddeeyo in tuhmanuhu uu ogaa, ama ay ahayd inuu ogaado, in dhinaca kale uu u shaqeynayo hay’ad shisheeye oo cadaw ah ama mid leh dano siyaasadeed ama amni oo ka hor imaanaya danaha Israa’iil.
Ciqaabtu waxa ay noqon kartaa ilaa 15 sano oo xarig ah, waxaana laga yaabaa in ay gaarto xabsi daa’in ,gaar ahaan hadii uu xiriirku la xiriiro ujeedada ah in la basaaso ama la faafiyo xog xasaasi ah.
Sharciga ka hortagga lacagta la dhaqay ee Israa’iil ee (2000) wuxa uu kusoo rogayaa xayiraad adag dhaqdhaqaaqa lacagaha sharci darrada ah. Ka qaadashada lacag hay’ad ajnabi ah, gaar ahaan haddii aan lagu wargelin hay’adaha ay khusayso, waxaa loo arkaa xad gudub halis ah oo damaanad qaadaya in lagu soo oogo dambi.
Haddii la caddeeyo in lacagaha la wareejiyay loogu talagalay inay saameyn ku yeeshaan go’aannada dowladda, arrintu waxay yeelanaysaa waji kale oo siyaasadeed iyo mid amni ah.

Asbuucii hore, booliiska ayaa xiray Feldstein Urich si su’aalo loo weydiiyo, ka dib markii la sii daayay cajalado cod ah oo ganacsadaha Israa’iil ee Gil Berger uu qirtay inuu lacag ka xawilay koox u ololaysa Qadar isaga oo u diray Feldstein, sida uu sheegay wargayska Haaretz.
Booliska ayaa tuhunsan in Feldstein uu lacag ka helay ganacsade Maraykan ah Jay Footlick oo u diiwaan gashan u ololeeyaha Qatar, taas oo lagu beddelanayo soo daabicidda fariimaha wanaagsan ee Qadar ku saabsan, isaga oo ka shaqeynayay warbaahinta ku wareegsan Netanyahu, sida uu sheegay Yedioth Ahronoth.
Sida laga soo xigtay Haaretz, qareenada Feldstein, waxa ay qireen in macmiilkooda uu lacag ka helay Berger, laakiin waxa ay sheegeen in lacagaha la bixiyay ay ahaayeen “adeeyada istaraatiijiga ah iyo isgaarsiinta ee uu Feldstein siiyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ma ahan mid u socotay Qadar.”
Qodobbada 284 ilaa 290 ee Xeerka Ciqaabta ayaa ka hadlaya arrimaha musuqmaasuqa siyaasadda iyo maamulka. In laaluush laga qaato xisbi shisheeye oo lagu beddelanayo adeeg siyaasadeed ama dawladeed waxa loo arkaa dembi aad u culus, oo lagu mutaysan karo 5 ilaa 10 sano oo xarig ah.
Jebinta aaminaadda oo ay ku jirto in qofka booskiisa looga faa’iideysto dano gaar ah, waa dembi lagu ciqaabi karo xarig ilaa saddex sano ah.
Kiiskan, Feldstein ayaa lagu tuhunsan yahay inuu lacag ka helay xarun Qadari ah si uu ugu beddelo adeegyada ku xiran xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. wareejinta lacagahan waxay sidoo kale muujin kartaa shakiga lacagta la dhaqay.
Nofembar-tii la soo dhaafay, Haaretz ayaa soo warisay in Urich iyo Srulik Einhorn, oo hore uga tirsanaan jiray kooxdii warbaahinta Netanyahu, ay sameeyeen olole xiriirka dadweynaha si ay u wanaajiyaan sumcadda Qadar ka hor martigelintii Koobka Adduunka ee 2022.
Shirkadooda Perception ayaa lagu eedeeyay inay la kaashatay shirkad kale oo Israa’iil ah si ay Qadar ugu muujiso inay tahay xoogga nabadda iyo xasilloonida. Orik iyo Perception labaduba eedeymaha waa ay diideen.
Sida ku cad qodobbada 117 iyo 118 ee xeerka ciqaabta, waxaa ka reebban qof kasta, gaar ahaan kuwa xil qaran haya, in ay faafiyaan xogta sirta ah ee ay helaan inta ay ku guda jiraan shaqadooda. Sharcigu ayaan doonayn waxyeelo dhab ah oo dhanka amniga ah, taas beddelkeeda waxaa ku filan in ay jirto suurtagalnimada in xogtaas looga faa’ideysto sifo dhaawaceysa dowladnimada.
Kiiska Urich ayaa looga shakisan yahay in uu xogta u gudbiyay koox Mareykan ah oo u ololeysa Qadar, taas oo ka dhigan xadgudub toos ah oo lagu sameeyay sharcigan. Haddii la caddeeyo, ciqaabtu waxa ay gaari kartaa 10 sano, waxaana lagu kordhin karaa ilaa 15 sano haddii ay jirto ujeedo cad oo lagu waxyeeleynayo amniga qaranka.
Madaxii shaqaalaha Netanyahu ayaa loo baarayaa eedeymaha la xiriira wax ka beddelka xogta la xiriirta weerarkii 7-dii Oktoobar.
Sixir Siyaasadeed?
Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in wariye u shaqeynayay wargeys caan ah loo yeeray si su’aalo loo weydiiyo.
Netanyahu ayaa isniintii tilmaamay in uu ka marag furay kiiska, isaga oo ku qeexay baaritaannada kuwo siyaasadeysan, wuxaana uu cambaareeyay xarigga labo ka mid ah kaaliyayaashiisa.
Muuqaal uu soo saaray Netanyahu ayuu ku sheegay “Isla markii la i waydiiyey in aan marqaati furo, waxa aan sheegay in aan diyaar u ahay oo aan doonayo in aan si degdeg ah u marag furo”.
Waxa uu intaa ku daray, “Waan fahmay in baaritaanku uu ahaa mid siyaasadeed, laakin ma aanan ogeyn ilaa heerka ay gaarsiisan tahay, in ay afduub ahaan u haysteen Yonatan Urich iyo Eli Feldstein… Ma jiro wax kiis ah, gabi ahaanba waxba ma jiraan, waa iska sixir siyaasadeed, wax kale ma ah”.
Wasiirkii hore ee cadaalada Israa’iill Shimon Sheetrit ayaa sheegay in baaritaanada socda aysan ahayn oo kaliya “ugaarsiga saaxiriinta siyaasadeed”, sida dadka qaar ay sheegeen, balse ay salka ku hayaan “caddeeymo adag” oo tilmaamaya xiriirka shaki ee ka dhexeeya la-taliyayaasha Netanyahu iyo Qadar.
Shetrit waxa uu intaa ku daray isaga oo la hadlayay BBC in xiriiradan uu ku jiro “in la bixiyo lacago aad u badan oo lasii marsiinayo dhex dhexaadiyayaal iyo saamayntooduna sii gaariaysa dalalka kale, taas oo keentay in su’aalo la iska weydiiyo saamaynta xiriirkan uu ku yeelan karo ammaanka Israa’iill.”
Waxa uu tilmaamay in “baaritaannada ay si dadban ula xiriiraan la-taliyayaasha Netanyahu, iyada oo aysan jirin wax caddaynaya oo ku lug lahaanshaha gaarka ah ee ra’iisul wasaaraha,” waxaana uu carrabka ku adkeeyay in ay jiraan shakiyo xooggan oo ku aadan hab dhaqanka lataliyayaashiisa.
Yossi Kuperwasser oo ah madaxii hore ee waaxda cilmi baarista sirdoonka militariga ayaa ku tilmaamay xaalada hadda mid aan caddayn, isaga oo sheegay in baaritaanka lagu sameeyay la-taliyeyaasha Netanyahu uu gaaray heer uu soo saaro amarro lagu soo xirayo shaqsiyaadka ku dhow dhow Ra’iisul Wasaaraha, laakiin weli lama xaqiijin ku lug lahaanshaha tooska ah ee Qadar.
Waxa uu BBC-da u sheegay in jiritaanka xiriirka Qadar uusan ahayn caddeeymuhu kuwa dhamaystiran oo ay tahay in la sugo cadeymo dheeraad ah ka hor inta aan gunaanad la gaarin.
Feldstein ayaa la xiray dhamaadkii sanadkii hore, waa la sii daayay, waxaana laga dhigay xabsi guri isaga oo lagu eedeeyay inuu faafiyay dukumeenti sir ah oo la xiriira wada xaajood lagu sii deynayo la haystayaasha Qaza, si looga weeciyo warbaahinta inay dhaleeceeyaan ra’iisul wasaaraha Israa’iil.
Qadar xiriir diblumaasiyadeed lama laha Israa’iil, Israa’iil-na uma aragto dowladdaasi Khaliijka dal cadaw ah, inkasta oo ay martigeliso madaxda Xamaas, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Qadar iyo Masar ayaa ka ciyaarayay door dhexdhexaadin ah gaaritaanka heshiis u dhaxeeya Israa’iill iyo Xamaas si loo gaaro xabbad-joojin dagaalka ka socda marinka Qaza tan iyo Oktoobar 7, 2023.
Fadeexadda “Qatargate” sidoo kale waa magaca loo bixiyay baaritaan garsoor oo dhowr xubnood oo ka tirsan baarlamaanka Yurub lagu eedeeyay inay heleen laaluush si kor loogu qaado danaha Qadar iyo Morocco. Labada dal way beeniyeen eedeymahaas.
Muuqaal uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka ayuu Netanyahu ku sheegay in kaaliyayaashiisa la haysto ay yihiin maxbuusiin, kaddib markii la xiray, isaga oo dhanka kale ku tilmaamay baaritaanka mid siyaasadeed oo aan caddeyn loo hayn. Hadalkiisa ayaa dhaleecayn kulul uga yimid qoysaska la haystayaasha ee lagu haysto Qaza.
Xarigan ayaa sare u qaadaya xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Israa’iil, iyada oo dowladdu ay isku dayayso inay shaqada ka cayriso madaxa adeegga amniga gudaha ee Shin Bet iyo xeer ilaaliyaha guud, iyada oo la ballaarinayo awoodaha ee maamulka siyaasadda ee xaalka magacaabista garsoorayaasha.
Arrintan ayaa dibad baxyo ka dhalisay Israa’iil, waxayna ku soo beegantay iyada oo ay milatarigu dib u bilaabeen duqeymaha ay ka wadaan marinka Qaza.
Xisbiga Netanyahu ee Likud ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xarigga adag ee Yonatan Urich uu ka dhigan yahay sharci cusub oo ololaha siyaasada oo u jeedkuna yahay ololo siyaasadeed oo lagu doonayo in xilka looga tuuro ra’iisul wasaaraha garabka midig loogana hortago in shaqada laga eryo madaxa hay’adda amniga gudaha ee fashilmay.
Laba asbuuc ka hor, dowlada Israa’iil ayaa si wadajir ah u meel marisay soo jeedinta Natanyahu ee in la cayriyo madaxa Shin Bet, Ronen Bar, halka maxkamada sare ay laashay cayrintiisa.
Dacwad oogaha dowlada Gali Baharay-Miara oo wajahaya cayrin taasi lamid ah ayaa sheegay xukunka bilowga ee maxkamada uu ka hor tagay magacaabida madax cusub oo ay yeelato Shin Bet.