
17th November 2025 admin Category :
Maxay Pakistan u sameysay talis cusub oo militeri?
Kooxihii reer Maakhir ee ka barkacday gobolka Sanaag, ee hadda ku sugan Laascaanood ayaa u kla qaybsamay Cumar iyo Dubeys. Waxaana kala qaybintan bilaabay kooxda madaxweyne ku xigeenka doonaysa. Wasiirka federaalku shaqo kuma laha. Xildhibaanaddii aqalka sare saynab iyadu kala qaybsanantay waa ka faaiiday. Sawirku waa garabka Jamaal oo ay ka maqan yihiin kooxdii kale
Dagaalkii bishii May ee sanadkan ka dhax qarxay Pakistan iyo Hindiya waxay Delhi ku eedeysay Pakistan in ay ku dishay Pahalgam tobannaan dalxiisayaal ah kaddib markii ay hubeysay xagjiriin. Hindiya kadidb waxay go’aansatay in ay duqeyso goobo ku yaal Pakistan inkastoo Pakistan beenisay eedaha Hindiya.
Dagaalka labada dal u dhexeeyay waxay Pakistsan sheegtay in ay soo riday diyaarad dagaal oo ciidamada cirka Hindiya leeyihiin halka Hindiya ay gantaalada ridada dheer ku duqeysay dhowr saldhig oo ciidamada cirka ah. Saldhigyada ay Hindiya sheegtay waxaa ku jiray saldhigyada ciidamada cirka Nur Khan Air iyo Rawalpindi. Pakistan waxay taas kaga jawaabtay in ay duqeyso bartilmaameedyo gudaha Hindiya ku yaal.
Pakistan waxay sheegatay in ay burburisay saldhig ciidamada cirka iyo qalabka difaaca cirka iyagoo u adeegsaday gantaalada Fateh One iyo Fateh Two. Mareykanka ayaa markaa kaddib labada dal dhexdhexaadiyay oo sameeyay in ay xabada joojiyaan.
Marka la eego dagaalkaas waxay falanqeeyayaasha sheegayaan in gantaaladan ridada dhexe ay yihiin kuwa jaban oo halis ah sidoo kale degdeg ayaa loo ridi karaa iyagoo hal mar duqeyn kara dhowr goobood.
Muxuu yahay taliskan?

Muhammad Ali waxa uu ka faaloodaa arrimaha dibaafaca waxa uu sheegayaa in militeriga Pakistan ay leeyihiin labo talis. Mid waxay u adeegsadaan dagaalka caadiga midna waa istaraatiji, waxaana hoos taga hubka wax gumada iyo gantaalada xambaari kara madaxyada nukliyeerka.
“Kaalinta taliska ciidamada gantaalada waa ka duwanaan doonaan kii cadiga ahaa iyo kan istaraatiijiyada, waxa uuna awoodi doonaa in uu beegsado bartilmaameedyada cadowga iyadoo la adeegsanayo gantaalda ridada dhexe”, ayuu yiri Muhammad Ali oo ka faalooda arrimaha ciidamada.
Ila dhinaca ammaanka ahna waxay sheegayaan in dhisida taliskan aysan aheyn in ciidamo hor leh la sameeyay balse ay tahay in xarumo cusbo iyo nidaam talis la dhisay si loogu isticmaalo hubka ridada dheer iyadoo la adeegsanayo hab waxtar leh.
Ilo dhinaca ammaanka ah waxay sheegayaan in gantaalada Fateh kuwaas oo ridadoodu gaareyso 150 ilaa iyo 400 oo kiilomitir ay ka dhigan tahay in mustaqbalka ay gantaaladan awoodi doonan in lagu adeegsado go’aano isku xiran oo degdeg ah.
Taliye hore uga tirsanaa ciidamada ayaa BBC-da u sheegay sababta go’aanka loo qaatay in ay tahay si loo kordhiyo waxqabadka ciidamada Pakistan gaar ahaan qeybaha madaafiicda dagaalka.
Ka hor inta aan la sameyn taliskan gantaalada Pakistan waxay dalal badan oo Aisan sameysteen talisyo gantaalo. Dalalka Hindiya, Shiinaha iyo Ruushka ayaa leh talisyo ceynkan ah inkastoo ay talisyada dalalkaas iyo qaab dhismeedkoodu kala duwan yahay.







