8th September 2024  admin  Category :

Siyaasiyiintii beesha Isaaq ee federaalka oo doonaya in xilka laga qaado wasiirka Duulista.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Marwo Fardowsa Maxamed Cigaal, ayaa maalmahan danbe waxa weerar waxashnimo ah oo dhaqanka Soomaaliyeed lid ku ah labo kooxood oo aan iyagu heshiis ahayn, hase ahaatee ku saaxiibay ceebayn aan Sal uyo raad toona lahayn oo ay u soo jeedinayaan wasiiradda xilkii loo igmaday sidii ay ahayd uga soo baxday.

labadan kooxood , Kooxda hore oo waa siyaasiyiinta beesha Isaaq ee federaalka oo ka Amar qaadanaya Hargaysa kana xanaaqsan isbaaraddii ay hawada sare dhigteen maamulka Somaliland , oo ay wasiiraddu si sharciyeeysan uga qaaday , iyada oo sheegtay ” in taarkii niiclaha ahaa ee maamulkaasi haystay ee uu ku khal khal gelin jiray diyaaradaha iyo rikaabka saaran laga guuray oo loo guuray mid casri ah. Kooxdani Kuma cusba cayda gabdhsha aan beeshooda ahayn ee waa kuwii Allah ha u naxariistee aflgadayn jiray Astaantii Qaranka Soomaaliyeed Saado Cali, oo iyaduna ee diidanayd in dalka la kala gooyaan..

Kooxda danbe, waa mucaaradkii Farmaajo. Inkastoo wasiiradda la magcaabay dawladda hadda joogta. Weli waxay u haystaan in qof kasta oo ka soo jeeda beesha Daarood oo xil ka haya dawladda uu madax weynaha ka yahay Xasan Sheekh inuu xilka u magcaabay Farmaajo. Kooxdani ma caqli badna waxayna u badan yihiin Mooryaan baad wax ku doonaysa.

Ugu danbayntii Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Marwo Fardowsa Maxaed Cigaal, shaqaddii loo igmaday ee Qaranka waxay uga soo baxday sidii la rabay, iyada oo muujisay karti iyo dedaal siyaado ah. intaa waxa u sii dheer oo ayna siyaasiyiinta Isaaq ogayn inay xilka ku hayso 4.5ka ay beelaha Soomsaliyeed wax ku qaybsadaan oo ay xilka ku hayso xubintii beesha Daarood.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*