18th October 2024  admin  Category :

Maxaan kala soconaa Xuutiyiinta oo sheegay in ay bartilmaameed ka dhiganayaan Tel Aviv

Militeriga Israel ayaa xaqiijiyay maanta in la weeraray socod balaaran oo ka dhacayay magaalada Tel Aviv kaas oo hal qof uu ku dhintay iyadoo kuwa kalena dhaawac fudud oo ka soo gaaray.

Diyaarad kuwa aan duuliyaha laheyn oo aad u weyn oo meelo fog gaari karta ayaa loo adeegsaday weerarka sida mas’uuliyiintu u sheegeen wariyayaasha. Waxay sheegeen in ay ku dhacday dhismo deegaan ah. Waxay sheegeen in aysan aheyn drone internet-ka laga soogadan karo.

Saraakiil militeri oo aan dooneyn in magacooda la sheego ayaa u sheegay wakaaladda wararka Faransiiska AFP, in qaar ka mid ah drones-ka la qabtay balse “qalad bani’aadan” uu sababay in habka difaaca iyo ka hortagga uu shaqeyn waayay. Waxay intaas ku dareen in wax digniin ah aan la sameyn.

Raadiyaha ciidamada Israel waxa uu sheegay in socodka oo uu ka dhacayay meel u dhow safaaradda Mareykanka.

“Lama qaban sababtoo ah looma arkeyn in ay weerar tahay”

Afhayeen u hadlay ciidamada Israel, Daniel Hagari, ayaa xaqiijiyay in Drone-kii ku qaraxday Tel Aviv subaxdii Jimacaha laga soo kiciyay Yemen, wuxuuna xusay in ay tahay mid Iran lagu sameeyay oo la sii casriyeeyay.

Hagari wuxuu intaas ku daray in ciidamada Israel ay ka hortageen drone kale oo isku dayday in ay ka soo gasho xadka bariga iyado barbar socotay diyaaradii aan duuliyaha laheyn ee Tel Aviv qaraxa ka geystay.

“qiimeyn ayaa lagu sameyn doonaan taas oo lagu go’aamin doono jawaabta laga bixinayo kuwa khatarta ku ah ammaanka dalka” ayuu yiri Hagari.

Qaraal ka soo baxay militeriga Israel ayaa lagu sheegay in ciidamada cirka ay kordhiyeen ilaalada hawada sare si loo ilaaliyo dalka.

Sidoo kale booliska Israel ayaa sheegay in saraakiishooda ay goobta tageen si ay u helaan wax ka mid ah burburka waxa laga shakisan yahay. Waxay u sheegeeen dadka deegaanka in ay tixgeliyaan awaamiirta taas oo ah in aysan u dhawaan ama taaban firirka, waxaana suuragal ah in ay ku jiraan walxo qarxo.

Tel Aviv

Duqa magaalada Tel Aviv, Ron Huldai, ayaa ku dhawaaqay in magaalada ay ku jirto feejignaan, waxaana laga soo xigtay warbaahinta dowladda Israel in la kordhiyay digniinta magaalada.

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay “Si guul leh ayaan u burburinay 24kii saac ee la soo dhaafay labo ka mid ah kuwa gantaalada laga tuuro iyo afar diyaaraha aan duuliyaha laheyn meelaha ay xukumaan Xuutiyiinta ee Yemen.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay militeriga Xutiyiinta, Yaxya Saree, ayaa sheegay “Weeraro badan ayaan ka fulinay Tel Aviv iyadoo la adeegsanyo drone cusub oo la yiraahdo ‘Jaffa’, taas oo awood u leh in ay dhaafto radaarka cadowga’. Wuxuu sheegay in howgalka uu si guul leh ku dhamaaday.

Yaxya Saree waxa uu shegay “dhowr goob ayaan bartilmaameed-saneyna oo ku yaal dhulka Falastiin ee la haysto, waxaana ku jira bartilmaameedyo militeri iyo ammaan oo xasaasi ah, waana sii wadeynaa duqeynta anagoo kaga jawaabeyna xasuuqa cadowga iyo dambiyada Gaza”.

Ilaa iyo 7-dii bishii Oktobar ee sanadkii hore markii uu dagaalka Gaza biloway, Xuutiyiinta waxay bartilmaameed ka dhiganayeen Israel iyo maraakiibta xamuulka ee lala xiriirinayo Israel ee maraya Badda Cas iyagoo adeegsanaya gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, waxayna sheegeen in ay garab taagan yihiin Gaza.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*