15th October 2024  admin  Category :

Maxaad ka taqaanaa Cabdiraxmaan Shuuke wasiirkii qaybta ka ahaa dajinta manhajka waxbarashada Soomaaliya?

Waxaa galinkii danbe ee shalay magaalada Nairobi ku geeriyooday Allaha u raxmadee Cabdiraxmaan Cabdulle Cismaan ‘Shuuke’ oo soo noqday wasiirkii waxbarashada dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan waxa uu dhashay sanadkii 1937dii, isaga oo ku dhashay magaalada Garoowe oo xilligaas ahayd tuulo yar.

Heerarkii kala duwanaa ee waxbarashiisa ayuu ku soo qaatay magaaladaas, isagoona markii uu dugsi sare gaaray ka mid noqday macalimiinta deegaanka iyo magaalooyin badano oo Soomaaliya ah, waxa uuna fursadaas ku helay kadib qiimayn ay sameeyeen maamulka islkuulka kadib loog gartay in uu noqdo macalin.

Tababar la xiriira waxbarashada iyo macalin nimada ayuu ku qaatay dugsiyadii bulshada ee ururkii dhalinyarada ee SYL, isagoona caawiye macalin ka noqday dugsigii hoose dhexe ee Eyl sanadkii 1954, sida uu isagu uga ku sheegay wareysi uu horay u bixiyay.

Muddadii uu qaatay tababarradii la xiriiray macalinnimada waxa uu ka soo shaqeeyay iskuulo badano oo ku yaalay Soomaaliya sida magaalooyinka Qardho, Boosaaso, Gaalkacyo iyo magaalooyin kale.

Dabayaaqadii kontomeeyadii ayuu u soo wareegay koonfurta Soomaaliya, waxa uuna macalin buuxa ka noqday dugsigii hoose ee Buur-Hakaba, isagoona markii danbe noqday agaasimaha iskuulka. Muddo yar kadib ayaana loo baddalay magaalada Jilib oo ka tirsan Jubada dhexe.

Waxa uu si iskumid ah ugu hadli jiray luuqadaha Carabiga, Talyaaniga, Ingiriiska iyo luuqadiisa hooyo ee Soomaaliga.

Muddo uu ka shaqeynayay arimaha waxbarashada waxa uu ku guuleystay deeq waxbarasho oo 18-bilood ahayd oo la xiriirtay tacliinta, waxa uuna ku soo qaatay magaalada Venice ee dalka Talyaaniga, sida uu ku sheegay waraysi uu uga hadlayay taariikh nololeedkiisa intii uu noolaa.

Waxa uu heerarka kala duwan ee waxbarashada sare ku kala qaatay dalalka Hindiya, Ingiriiska iyo Talyaaniga.

Shuuke xilalkii uu soo qabtay waxaa kamid ahaa inuu maamule ka noqday iskuulo kala duwan, sidoo kale waxa uu soo noqday agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada, waxa uu u gudbay inuu noqday wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, ugu danbeyna waxa uu noqday wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta Soomaaliya xilligii uu madaxweynaha ahaa Maxamed Siyaad Barre, waxa uuna qeyb ka qaatay hormarinta waxbarashada Soomaaliya.

Burburkii dowladdii dhexe kadib waxa uu u hayaamay dalal ay kamid yihiin Talyaaniga, Canada, iyo dalka Kenya oo uu muddo daganaa.

Markii ay dhacday dowladda ayuu go’aansaday inuu dib ugu soo laabto Soomaaliya si uu qeyb uga noqdo dib u dhiska kaabayaasha iyo dib u howlgalinta waxbarashada.

PDRC
Qoraalka sawirka,Bahda PDRC oo uu Shuuke dhexda ku jiro

Agaasimaha hay’adda horumarinta iyo cilmi baarista Puntland ‘PDRC’ Cali Faarax Cali oo la soo shaqeeyay afartankii sano ee u danbeeyay ayaa BBC-da u sheegay in marxuum Shuuke uu taariikh weyn ku lahaa gayiga Soomaaliyeed uuna in badan ka soo shaqeeyay hormarinta waxbarashada iyo arimaha bulshada.

“Muddo lix sano ah oo uu wasiir ka ahaa wasaaradda waxbarashada waxbadan ayuu ka qabtay, waxa uuna qeyb ka ahaa dadkii dajiyay manhajkii waxbarashada Soomaaliya,” ayuu yiri Cali Faarax.

Dhanka kale agaasimaha ayaa sheegay in Shuuke uu kamid ahaa aasaasayaashii hay’adda horumarinta iyo cilmi baarista Puntland uuna noqday agaasimihii ugu horreeyey ee hay’adda PDRC, taas oo waxbadan ka qabatay hormarinta bulshada, tababarrada iyo wacyigalinta.

“Bishii Novembar sanadkii 1999, waxaa loo doortay agaasimihii PDRC, waxa uuna ahaa qofkii ugu muddada dheeraa hay’adda isagoo xilka hayay illaa 2017, waxa uuna ku suntanaa waxqabad,” ayuu yiri agaasimaha.

Agaasimaha ‘PDRC’ Cali Faarax Cali

Agaasimaha ayaa ka sheekeeyay shaqsiyadiisii gaarka ahayd ee Shuuke waxa uuna ku tilmaamay qof dad jecel oo qaraabada xiriiriya, qof dadka taakuleeya oo dhanka waxbarashada ka caawiya, qof ahlu-diin ah oo cibaado badan, qof af-gaaban oo laga nabad galo, sidoo kale waxa uu raaciyay inuu ahaa qof waxbadan ka ogaa taariikhda Soomaaliya heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay.

Agaasime Cali ayaa sheegay in marxuumka uu qabay xaas balse uusan carruur dhalin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*