18th October 2024  admin  Category :

Maxaad ka taqaanaa 5 ta dal ee ay ku yaalaan masaajidda ugu badan caalamka?

Inkasta oo masaajidadu yihiin meel ay ku cibaadaystaan dadka muslimiinta ah, hadana taariikhda Islaamka iyo waaqaca haatan lagu jiro labadaba, masaajidada ayaa ah meel ay danahooda ku qabsadaan bulshooyinka Islaamka.

Kulamo, wacdi, yabooh dadka lagu caawiyo, la talin iyo waxbarasho ayaa ah adeegyo ay qabtaan masaajidada.

Hadaba dunida ayaa waxaa ku yaalla masaajiddu aad u farabadan, balse wadamada caalamka ayaa ku kala badan tirada masaajidda eek u yaalla dalkooda.

Waxaa jira wadama la ogyahay in ay yihiin kuwa hugaamiya dhanka tirada masaajidada ay leeyihiin, waxaana u sabab ah sida la sheegay in tirade muslimiinta ku nool dalalkaas.

Masjidka Xaramka

Indonesia

Dalkaan oo ah kan ugu muslimiinta badan caalamka ayaa ah kan ugu horeeya ee ay ku yaalaan masaajidda caalamka. Waddanka ayaa qiyaasta dadka ku nool waxaa lagu tilmaamaa 231 miylan oo muslimiin ah, sida ay baahisay dawladda dalkaas. Hadaba ayaa waxa uu yahay kan inta la ohyahay ilaa haatan ugu badan masaajidada.

Qiyaas la sameeyay ayaa waxay sheegaysaa in dalka Indonesia uu leeyahay ilaa 800,000 oo masaajid, oo ay ka mid yihiin masaajiddo yaryar oo ku yaalla aagagga baadiyaha ah.

India

Dalka Hindiya ayaa inkasta oo dadkiisu inta ugu badan ay haystaan diinta Hindu ga, ayaa hadana waxa uu leeyahay bulsho badan oo muslimiin ah oo tiro ahaan gaaraysa 200 oo milyan oo ruux. Waana sababta ka dhigaysa dalkaan mid ka mid ah wadamada ay ku yaalaan masaajidda ugu badan.

Qiyaasaadka laga sameeyay masaajidda ku taalla dalka Hindiya ayaa waxaa lagu sheegay in ay u dhaxeeyaan 300,00 ilaa 500,000 oo masaajid, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaata nolosha dadka muslim ka ah ee dalkaas.

Pakistan

Dalkaan oo diinta rasmiga ah ay u tahay tan Islaamka ayaa leh dhaqan aad u qoto dheer oo diimeed oo kaas oo ay qayb wayn ka yihiin masaajiddu.

Tirada masaajidda ku taalla dalkaas ayaa waxaa lagu qiyaasaa in ay tahay ku dhawaad 300,000 oo masjid, waxaanay isugu jiraan masaajidda waawayn iyo kuwa yaryar oo ku yaalla dalka oo dhan.

Saudi Arabia

Sacuudi Carabiya ayaa waxaa ku yaalla labada daar ee barakaysan ee Islaamka ee kala ah Masaajidka Xaramka ee ku yaalla Makka iyo Masaajidka Nabiga ee ku yaalla magaalada Madiina.

Labadaas daraadood ayaa ah in kuwa ay jecelyihiin in booqdaan muslimiinta ku nool caalamka oo dhan.

Tirada guud ee masaajidada ku yaalla Sacuudi Carabiya ayaa waxaa lagu qiyaasaa 94,000 oo masjid.

Masaajiddaas ayaan ahayn kuwa u adeegga dadka gudaha oo kaliya basle waxaa u soo cibaadeysi doonta malaayiin Xujey ah oo isaga timaada dacallada dunida, kuwaas oo u yimaada Cumro iyo Xaj intaba.

Aayaa Soofiya

Turkey

Dalka Turkiga oo ah asaal ahaan taarikh fog oo Islaami ah ayna ka talin jiryay dawladdi ballaarnayd ee Cusmaaniyiinta, ayaa isna la sheegaa in uu leeyahay tiro aad u badan oo masaajiido ah. Qiyaastii ilaa 82,693 ayaa lagu qiyaasay guud ahaan masaajidda ku taalla dalkaas.

Masaajidda ayaa waxaa ka mid ah oo dad badani xasuustaan – masjidka Aayaa Soofiya oo dhawr sano ka hor dawladda Turkiga u badashay masaajid.

Dalka Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyay waxa uu muujiyay in uu soo nooleyno taariikho Islaami ah, isaga oo soo celyiyay masaajidda hore oo duq ahaa, kuwa cusubna sameeyay.

Dhanka kale dalka Turkiga ayaa waxaa uu dhawr sano ka hors oo nooleeyay hanaan qadiimi ahaa oo dawladda CIsmaaniyiintu u tukan jiraan salaadda taraawiixda, kadib ku dhawaad 2 qarni oo uu meesha ka baxay hanaankaasi.

Waaxda arrimaha diinta ee dalka Turkiga ayaa go’aansatay sanadkan in dib loo soo nooleeyo hannaankaas oo loo yaqaano ‘Andron’ ee lagu gudan jiray salaadda taraawiixda ee bisha Ramadaan.

Sida ay sheegtay dawladda dalkaas nidaamka ayaa soo jiitay tobanaan kun oo qof bisha Ramadaan.

Masaajidka Aayaa Soofiya ayaa ka mid ahaa meelaha looga tukanayay, kaas oo sidoo kale dalxiisayaal u yimid masaajidkaas ay ka mid ahaayeen dadkii aadka u xiisanayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*