19th September 2024  admin  Category :

Maxaad ka taqaan hogaamiyaha cusub ee Bangladesh ee haysta abaalgudka Nobel

Ninka heysta billadda nabadda Muhammad Yunus – oo muddo dheer ay siyaasadda isku hayeen raysal wasaarihii baxsatay ee Bangladesh Sheikh Hasina – ayaa loo magacaabau hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee dalkaas.

Ninkan 84 jirka ah ayaa la magacaabay maalin kadib markii Ms Hasina ay ka carartay dalka iyadoo ay socdeen dibadbaxyo toddobaadyo qaatay oo dhiig u uku daatay, isla markaana sababay inay is casisho.

Inkastoo Prof Yunus lagu ammaanay dhanka dhaqaalaha, haddana Ms Hasina ayaa u arkeysay inuu cadow ku yahay bulshada, haatan damaanad ayuu banaanka ku joogaa, isagoo racfaan ka qaatay xabsi lix bilood oo lagu xukumay kaasoo u uku sheegay in lasoo abaabulay.

Ardayda hoggaanka u heysay dibadbaxyada ee xukunka ka tuuray Ms Hasina ayaa diiday inay aqbalaan dowlad uu militarigu hoggaamiyo waxayna gadaal ka riixayeen maamul ku meel gaar ah oo uu madx u noqdo Prof Yunus.

Go’aanka Prof Yunus loogu magacaabay madaxa dowladda ku meel gaarka ah ayaa waxaa ka dambeeyay kulan dhex maray Madaxweyne Mohammed Shahabuddin, hoggaamiyeyaasha militariga iyo hoggaanka ardayda.

Prof Yunus ayaa sheegay inuusan diidi karin dalabka ardayda uu sheegay inay sameeyeen nafhurnimo.

Go’aanka Prof Yunus loogu magacaabay madaxa dowladda ku meel gaarka ah ayaa waxaa ka dambeeyay kulan dhex maray Madaxweyne Mohammed Shahabuddin, hoggaamiyeyaasha militariga iyo hoggaanka ardayda.

Prof Yunus ayaa sheegay inuusan diidi karin dalabka ardayda uu sheegay inay sameeyeen nafhurnimo

Yunus

Wuxuu ku laabanayaa Dhaka isagoo haatan ku sugan magaalada Paris halkaasoo xaalad caafimaad uu u joogo, sida uu sheegay afhayeenkiisa.

Dibadbaxyada Bangladesh ayaa billowday horraantii July iyadoo ardayda jaamacadaha ay dalbanayeen in isbeddel lagu sameeyo shaqooyinka adeegga rayidka, balse waxay isu beddeleen dhaqdhaqaaqyo ballaaran oo dowladda ka dhan ah.

Guud ahaan, 400 oo qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen isku dhac dhex maray ciidamada dowladda iyo dibadbaxayaasha – badankoodna waxay ahaayeen rayid uu booliisku toogtay.

Isniintii keliya, in ka badan 100 ayaa ku dhintay gudaha dalkaas, waxayna noqoneysaa maalinta keliya ee dadka ugu badan ay ku dhinteen dibadbaxyada. Boqollaal xarumaha booliiska ah ayaa sidoo kale la gubay.

Saacado kahor inta aysan dibadbaxayaashu gelin xatooyana u geysan dhismaha rasmiga ah ee raysal wasaarihii hore oo ku yaalla caasimadda Dhaka, Ms Hasina ayaa is casishay waxayna u qaxday dalka deriska ah ee Hindiya. Taasi ayaa keentay isbeddel soona afjartay xukunkeedii ku dhowaad 15-ka sano.

Inkastoo xitaa dhaqaalaha Bangladesh uu kobcay tobankii sano ee lasoo dhaafay, raysal wasaarihii hore ayaa waxaa aad loogu cambaareeyay aamusiinta dadka kasoo horjeeda iyo inay xabsi ku gurtay mucaaradkeeda siyaasadda.

Qaarkood, sida raysal wasaarihii hore Khaleda Zia iyo Ahmad Bin Quasem oo xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa, ayaa la sii daayay wax yar kadib markii ay dalka ka baxsatay Hasina.

Ms Zia ayaa hoggaamisa xisbiga mucaaradka ugu weyn Bangladesh ee Nationalist Party, kaasoo qaadacay doorashooyinkii sanadkii 2014 iyo mar kale sanadkan 2024, iyagoo sheegay in inta ay Hasina xukunka hayso aysan suurtogal ahayn doorasho xor ah.

Haweeneydan 78 jirka ah ayaa xabsi la dhigay sanadkii 2018 iyadoo lagu eedeeyay musuqmaasuq – eedeymahaas, oo ay sheegtay, in siyaasad ahaan lasoo abaabulay.

Kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay sheegay in Mr Quasem la xiray 2016, uuna ka mid ahaan boqollaal qof oo la waayay intii ay Hasina xukunka haysay.

Bangladesh

Prof Yunus, oo bishii January lagu xukumay lix bilood oo xabsi ah sababo la xiriira jebinta xeerarka shaqaalaha, ayaa sheegay inuu dhibbane u ahaa xukunkii Hasina.

Hore ayuu u wajahay eedeymo kale, marka dib loo raaco sanadkii 2011 markaasoo lagu eedeeyay inuu meel uga dhacay sharafta siyaassiyiinta Bangladesh.

Sanadkii 1983, wuxuu aasaasay Grameen Bank, oo bixiya deymo muddo gaaban iyo kuwo dheer si dadka looga caawiyo inay sameystaan ganacsiyo – hannaankaasoo wixii intaa ka dambeeyay ka hirgalay adduunka.

Waxaa lagu eedeeyay inuusan canshuur bixin iyo inuu kasii howlgalayay Grameen Bank isagoo gaaray da’da howlgabnimada, kuwaasoo horseeday in xilka laga qaado – balse Prof Yunus ayaa ku adkeystay inay eedeymahaasi yihiin kuwo aan sal lahayn.

Isaga, iyo bankiga, ayaa waxaa sanadkii 2006 la guddoonsiiyay abaal-marinta Nobel Peace Prize oo u uku muteystay muujinta in “xitaa kuwa ugu saboolsan ay shaqeyn karaan si ay horumar u gaaraan”.

Waxaa caalamka looga aqoonsaday “ninkii bankiga ee dadka saboolka ah”, balse Ms Hasina ayaa ugu yeeri jirtay “dhiigya-cabka” saboolka waxayna bankigiisa ku eedeysay inuu dadka ku soo dallacay ribo saa’id ah.

Weligeed ma caddeyn halka ay kasoo bilaabatay xurgufta u dhaxeysay isaga iyo Hasina, balse qaar badan ayaa aaminsan inay ahayd dadaalladiisii guul-darreystay ee uu ku doonayay inuu ku aasaaso xisbi siyaasadeed.

Ms Hasina ayaa weli ku sugan Hindiya balse weli ma cadda in halkaasi ay kusii negaaneyso. Dadka falanqeeya arrimaha dalkaas ayaa aaminsan inaysan taasi suurtogal ahayn inkastoo ay xulafo dhow yihiin raysal wasaaraha Hindiya Narendra Modi.

Hindiya, oo xudduud 4,096-km (2,545-meyl) ah la wadaagta Bangladesh, ayaan haatan dooneyn inay kasoo horjeesato dowladda cusub ee Dhaka.

Delhi ayaa ciidamo dheeraad ah geysay xadka, sida uu sheegay wasiirkeeda arrimaha dibadda S Jaishankar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*