30th April 2025  admin  Category :

Maxaad ka taqaan dalkan ay muslimiintu ku nool yihiin ee aan lahayn masjid iyo meel laga helo cunto xalaal ah

Boqortooyada Bhutan waa dal xiise leh oo mudan in la booqdo. Dadka socotada ah ayaa waxaa inta badan soo jiita dhaqankiisa u gaarka ah, hiddaha, iyo taariikhda.

Dhowr arrimood oo muhiim ah ayaa jira oo qofka doonaya inuu booqdo dalkaas ay tahay inuu sii ogaado, waxaana ugu waaweyn arrimo qofka muslinka ah uu tabayo.

Dalka Bhutan waa dal yar oo ku dhaqma nidaamka boqortooyada, kuna yaalla koofurta Aasiya, mana laha dekad ama bad, wuxuuna ku fadhiyaa buuraha Himalaya, isagoo u dhaxeeya Shiinaha iyo Hindiya oo iyadu dhowr dhinac ka xigta.

Dadka ku nool dadkaas ayaa lagu qiyaasaa in ka badan 727,000, sida uu muujinayo tirakoob la sameeyey 2022.

Dadkaas aan halka malyan gaarayn waxay haystaan diimo kala duwan, waxaana tirada ugu badan oo ah 74.7% ay haystaan diinta Buddha.

Haddaba dalkaas laba waxyaabood oo muslimiinta aad muhiim ugu ah ayuusan lahayn, waxayna kala yihiin masaajidda iyo meelaha lagu iibiyo cunnada xalaasha ah.

Dhinaca masaajidda marka laga hadlayo, dalku ma laha masjid, bacdamaa ay dadka haysta Buddha aad uga badan yihiin dadka diimaha kale haysta oo dhan, hase yeeshee waxaa jira qol yar oo Muslimiintu ku tukadaan oo ku yaalla waddo aadda buuraha Himalaya.

Qolka ayaa ku yaalla dhisme afar qayb ka kooban, kaasoo Dadka haysta diimaha Hinduuga, Sikha (siinga-siingaha), masiixiyiinta iyo muslimiintu ay qolaba meel gaar ah ku leedahay. Dadka dalkaas booqday waxay ku sifeeyeen sidii qol ka tirsan hotel, kaasoo dad aan badnayn ay markiiba ku tukan karaan.

Taa waxay keentay in dadka muslinka ah ee dalkaas ku nool oo lagu qiyaasay 0.23% ay guryahooda ku tukadaan salaadaha.

Bhutan

Sidoo kale dalka Bhutan wakhti xaadirkan ma laha meel laga helo cuntada xalaasha ah. Sidoo kale ma laha makhaayado cunnada muslimiinta sameeya.

Laakinse waxaa jira Hoteello iyagu si gaar ah isaga xil saaray in sameeyaan cunno aan muslinka xaaraan ka ahayn, waxaana xusid mudan in dadka dalkaas ku nool ay badankood yihiin dad khudradda aad u cuna oo aan hilibka cunin.

Laakinse dadka waddankaas u dhashay waxay inta badan bisha Ramadanka cunaan cunnooyinka xalaasha ah ee ay iyagu gacantooda ku samaysteen, gaar ahaanna kuwa cuna cunnooyinka beeralaha ka baxa sida khudradda iyo miraha.

Inkastoo dastuurka dalkaas uu yahay mid damaanad qaadaya dhowrista diimaha, isla markaana mamnuucaya wixii la xiriira faquuq diimeed ah, misna wuxuu u dabacsan yahay diimaha Budha iyo Hinduuga oo ah labada dii nee dalka ugu badan

Sidaasoo ay tahay waxaa jira xudduudo loo sameeyey diimaha aan ahayn Buddha ee hawlaha faafinta diinta ah samaynaya iyo wadaaddada faafinaya oo aan loo ogolayn inay dalka soo galaan.

Sidoo kale waxaa xaddidaad lagu sameeyey dhisidda goobaha lagu cibaadaysto ee aan ahayn diinta Buddha, iyo sidoo kale xaflafadaha diimeed ee aan ahayn kuwa Buddha.

Ciddii ama hay’addii doonaysa inay dhisto goob lagu cibaadaysto ama ay isu keento dad jamaaco ahaan u cibaadaysanaya waxaa laga doonayaa inay ruqsad ka helaan dawladda, ama ay si asturan oo aan muuqan u cibaadaystaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*