31st May 2025  admin  Category :

Maxaabiis sheegtay in Sacuudigu dili doono iidda Carrafo oo kaalmo weydiisanaya

Qoysaska dad Itoobiyaan ah oo dil ay ku xukuntay Sacuudi carabiya ayaa BBC u sheegay in eheladooda la daldali doono ka hor ciidda carrafo ee nagu soo fool leh.

Waxaa Sacuudiga ku xiran 47 qof oo Itoobiyaan ah kuwaas oo dil sugeyaal ah, taas oo welwel joogto ah ku haya qoysaskooda. Waxayna dowladooda ugu baaqeen in ay arrinta dadkaas soo farageliso, si dilka looga bedbaadiyo.

Dadka dilka sugaya waxaa ka mid ah Khaalid Maxamed Ibroo, sida uu BBC u sheegay walaalkiis Mulleta. “Khaalid waa nin xaasle ah. Wuxuu leeyahay hal cunug. Waxaa la xiray wax yar ka dib markii uu galay Sacuudiga, si uu nolol uga raadiyo qoyskiisa,” ayuu yiri Mulleta oo intaas ku daray in taasi saameyn daran ku yeelatay qoyskiisa curdanka ah.

Mulleta wuxuu sheegay in markii uu maqlay warka la xiriira xukunka lagu ridey walaalkiis uu qarracan ku noqday, isla markaana uusan weli ka soo kaban tiiraanyadii ka soo gaartey go’aanka dilka.

“Wuxuu dil suge ahaa lix sano iyo shan bilood. Mudadaasna waxaan la noolaa wadne kurkur. Waxaan gaarey in maalin walba isbitaal aan tago wadne xanuunkii soo foodsaaray awgiis.-

Mullata ayaa dhawaan ku soo laabtay Itoobiya ka dib markii uu qudhiisa Sacuudiga ku soo qaatay shan sano oo xabsi, kaas oo laga soo daayey shan bilood ka hor.

Mullata wuxuu sheegay in dadka dilka ku xukuman aysan ku koobneyn Itoobiyaan, balse ay jiraan muwaadiniin dalalka, haba ugu badnaadeen Soomaali iyo Yeminiyiin iyo qaar dalkaas u dhashay.

“Dhawaan waxay gowraceen dad Sacuudiyan ah. Waxay kale oo dileen shan Soomaali ah, dsidoo kale dad u dhashay Yeman ayey birta ka asleen,”ayuuri Mullata.

Sida uu sheegayo Mullata, dad badan oo Itoobiyaan ah ayaa lagu dhex jir dilaa xabsiyada Sacuudiga, gaar ahaan kuwa ku yaal gobolka Najraan ee soohdinta la leh yeman. Intaas waxaa u dheer in lagu xukumo xabsiyo dhaadheer iyo dil arxandarro ah.

“Itoobiyaanka waxaa loola dhaqmaa si ka duwan ummadaha kale. Wax xaquuq ahna ma leh. Sidoo kale waa la jir dilaa, iyaga ooaan loo kala aabbayeelin carruur, dhallinyaro, rag iyo dumar toona” ayuu yiri Mullata.

Dil

Maxay yihiin dambiyada ugu badan ee dadku ku mutaysteen dilka?

Sida lagu ogaadey cilmibaaris uu sameeyey machadka Xaquuqda Aadanaha ee Qaahira, dambiyada dadkii ugu badnaa indhawaalaha loo diley waxay salka ku hayeen xashiish iyo maandooriye kale oo si dhuumasho ah dalkaas lagu geliyo. Maxaabiista ugu badan ee dil sugeyaasha ahina waxay ka soo kala jeedaan dalalka Itoobiya, Masar, Suuriya, Suudaan, Yemen iyo Nayjeeriya.

Waayadii hore xukumada Sacuudiga dilka lagu galabsado waxay ku koobnaayeen falalka dilka bareerka ah iyo maandooriyaha cocaine iyoheroin. Laakiin marka la eego diiwaanka dacwadaha lagu soo oogey dadkii ugu dambeeyey ee dil lagu fuliyo waxaa muuqda in xashiisku uu safka hore soo galay.

Dhawaan ayey ahayd markii Amiirka sugaya dhaxalka boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan uu joojiyey in dadka daroogada lagu qabto la dilo. Wuxuuna jideeyey in dilka kaska ah oo qura lagu muteysan karo dil, balse dhowr bilood ka dib markii amarkaasi soo baxay waxaad mooddaa in weli dilkii sii socdo.

Xukunka dilku waa mid soo jireen ah islamarkaana meel badan oo dunida ah looga dhaqmo. Laakiin dalalka ku dhaqmaa waxay leeyihiin sharuuc kala duwan oo laga tixraaco iyo qaabab loo fuliyo.

Dalalka qaar waxaa dadka lagu fuliyaa dil toogasho ah, qaar wey daldalaan iyo qool lagu ceejinayo, qaar cirbad sun ah ayey wax ku dilaan, halka dalaka qaar sida Sacuudiga laga isticmaalo qoorgooyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*