18th October 2024  admin  Category :

Maxaa laga ogyahay ninka xildhibaanku dhalay ee ku eedeysayn dilka gabdhaha Soomaaliyeed?

Gabdhihii saaxiibbada ahaa ee habeenkii Jimcihii ku dhintay shil gaari ayaa maanta lagu aasi doonaa magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Waxaa aaskooda ka qeyb geli doona tiradii ugu badneyd, iyadoo bulshada magaalada Minneapolis aad ugu baroor-diiqayaan dhacdadan ay shanta qof hal mar ku wada geeriyootay.

Waxaa la fasaxay dugsiyada Qur’aanka, iyo goobo kale oo ay bulshadu isugu timaaddo.

Xarunta Islaamka ee Dar Al Farooq ayaa gabdhahan ku sheegtay inay kala ahaayeen Sabiriina Cali, Sahra Geesacadde, Salma Cabdulqaadir, Sagal Xirsi iyo Sihaam Aadam.

Gabdhahan ayaa abbaaro 10 pm, habeenkii Jimcihii ka tegay Karmel Mall oo laga dukaameysto, kaddib markii ay halkaas cillaan kasoo marsadeen si ay uga qeyb galaan arooska saaxiibaddood oo dhici lahaa Sabtidii.

Goobta bla xiray

Waxay kaddib usoo baxeen inay soo dukaameystaan, kaddibna waxaa gaarigooda ku dhacay gaari xawaare sare ku socday, dhammaantoodna halkaas ayay ku wada geeriyoodeen.

Darawalka gaariga ayaa xawaare dheer ku socday waxaana cayrsanayay oo uu ka baxsanayay gaari booliis, sida la sheegay

Waa kuma ninkan?

Inkastoo booliisku aysan si rasmi ah u magacaabin darawalkan watay gaariga nooca SUV ee dhimashada gabdhaha sababta u ahaa, haddana ilo ayaa ku tilmaamay inuu yahay Derrick John Thompson.

Ninkan ayaa la sheegay inuu dhalay John Thompson ooh ore xildhibaan uga ahaa Minnesota. Isla markii lama qaban shilka kadib balse daqiiqado kadib ayaa la soo qabtay.

Ninkan oo da’diisa lagu sheegay 27 jir, ayaa la sheegay inuu dhaawac soo gaaray haatanna lagu dabiibayo isbitaalka.

“Waxaan rajeynayaa inay isku dayi doonaan wax walba oo ay caddaaladda ugu keeni karaan qoyskan iyo bulshadan.'” Ayuu yiri Agaasimaha Masjidka Dar Al Farooq, Khaalid Cumar, oo warbaahinta la hadlay.

Minnesota
Qoraalka sawirka,DAR AL FAROOQ CENTER

Waxaa la sheegay inaysan ahayn markii ugu horreysay ee Derrick uu ku lug yeesho shil gaari.

Bishii September 2018 ayuu k uku lug lahaa shil gaari, oo uu qof ku dhintay dhowr kalena ay ku dhaawacmeen kaasoo ka dhacay xaafadda Montecito, sida laga soo xigtay waaxda booliiska dembiyada ee MN CRIME. Wuu qirtay dembigaas waxaana lagu xukumay siddeed sano oo xabsi ah sanadkii 2020.

Balse lama oga in markan shilka uu dhacayay uu damaanad bannaanka ku joogay iyo in kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*