18th April 2024  admin  Category :

Miyaa laga maarmay Guddigii Wasiirada ahaa? mise waa laga hor istaagay inay yimaadaan Puntland.

Rai’salwasaaraha dawladda Soomaliya Xassan Cali Kheyre ayaa dhowaan Guddi u saarey xaaladda bini’aadanimo ee ka taagan degmada Qardho iyo nawaxigeeda, kadib roobab lixaad leh oo halkaas ka da’ay

Wasiirka Warfaafinta XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa warbaahinta u akhriyay xubnaha guddiga iyo shaqada loo igmaday, waxayna kala ahaayeen:

1- Mudane Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka arrimaha gudaha XFS -Guddoomiye

2- Mudane Maxamed Burci Xamsa  Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka – Xubin

3- Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta XFS – Xubin

4-Mudane Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta XFS – Xubin

5- Marwo Fowsiya Maxamed Shiikh Wasiirka Tamarta iyo Biyaha – Xubin

6- Mudane  Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta – Xubin

7-Mudane Maxamuud Xayir Ibrahim Wasiir Dowlaha Maaliyadda – Xubin

8- Mudane Maxamed Saciid Cabdullaahi Wasiir Ku-xiggeenka Caafimaadka- Xubin

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa amray guddigaan in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu gurmadaan dadka ku waxyeeloobay daadadkii kusoo rogmaday Degmadda Qardho.

Arinta oo halkaa maraysa ayaa maanta Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Cabdi, xaqiijiyey in ay gudoomeen lacag dhan hal milyan oo Doolar oo ka timid xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Mr Xasan oo u waramay warbaahinta ayaa daboolka ka qaadey in lacagtaas lagu soo shubay akoonka dowladda loogu talagalay siddii loogu gargaari lahaa shacabka ku ceeyroobay daadadkii Qardho.

Hadaba Su’aasha is waydiinta mudan ayaa waxay tahay oo loo baahan yahay in dawladda dhexe ka jawaabto , maxaa ku dhacay Guddigii heer Qaran ahaa ee maalmo ka hor uu RW Khayre magcaabay . Sidoo kale haddii uu khilaaf jiro oo Guddiga sideedda Wasiir ah loo diiday inay Puntland yimaadaan, sharci noocee ah ayaa loo maray in Puntland lacagtaa Milyanka ah loogu soo shubo Accounka Dawladda

Ugu danbayntii sida muuqata Wasiiradii ee heerka QARAN ahaa ee loo magcaabay gurmadka Qardho oo aan iman Puntland iyaga oo sida lacagta i lacagtiina lagu soo shubay Account ay madaxda Puntland maamulaan waxay ka dhigan tahay in wasiiradda la diiday inay Puntland Yimaadaan , Farmaajo iyo Khayrana ay bixiyeeen lacag aan sharci ahayn oo baad ah.

Allsanaag.con, news@allsanaag.com

One thought on “Maxaa ku dhacay Guddigii uu magcabay Khayre

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*