7th September 2024  admin  Category :

Maxaa kajira in Muqdisho laga dejiyay ‘madax ari’ oo laga keenay dalka dibaddiisa?

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada ay ku kulanto si weyn looga hadal hayay ‘Madax Ari’ kaas oo lagu tilmaamay in laga keenay dalka dibaddiisa isla markaana loosoo iib geeyay Soomaaliya.

Badeecadaha lagu iibiyo suuqyada yar yar ee loo yaqaanno [Super market-yada] ayaa la rumeysanyahay in badankood laga keeno dalka dibaddiisa, hase yeeshee dad badan ayey layaab ku noqotay hadalka ah ‘in dalka la keeno madax ari’, iyadoo lawada ogyahay in Soomaaliya ay dalka dibaddiisa u dhoofiso xoolaha nool oo ay dhaqashadooda caan kutahay.

Waxaa la baahiyay in mid kamida suuqyada gudaha dalka, ay keeneen madaxa ari iyadoo la tilmaamay in dibadda laga keenay.

Haddaba maxaa kajira in suuqyada muqdisho lagu iibinayo madaxa ariga ee laga keenay dibadda?

Xiriir aan la sameynay mid kamida suuqyada ugu caansan magaalada Muqdisho, ayaa inoo sheegay in ay iibiyaan noocyada kala duwan ee hilibka xoolaha oo uu ki jiro madaxa xoolaha, hase yeeshee waxa ay waxba kama jiraan ku tilmaameen in hilibka ay iibinayaan uu yahay mid laga keenay dalka dibaddiisa.

Madax Ari
Qoraalka sawirka,Suuqyada lagu iibiyo hilibka iyo madaxa ariga

Waxa ay noo sheegeen in ay madaxa iyo hilibka kale ee xoolahaba ka iibsadaan gudaha dalka ayna kusii iibiyaan suuqooda, iyadoo aysan jirin wax hilibka xoolaha ah ee ay ka keenaan meel ka baxsan Soomaaliya.

Marka la eego qaabka uu u habeysanyahay madaxa iyo sida loo diyaariyay waxa ay muuqaal ahaan ka duwantahay sida suuqyada caadiga ah ee Muqdisho ee lagu iibiyo hilibka xoolaha ay u diyaariyaan, arrintaasi waxa ay dadka ku badin kartaa walaaca laga muujinayo in madaxa ariga laga keenay dalka dibaddiisa.

Mid kamida suuqyada muqdisho ee la sheegay in ay dalka kasoo dejiyeen madaxa ariga ayaa BBC u sheegay in ay warbaahinta dib kala hadli doonaan.

Maxaa ka run ah sawirka faafay?

Sawirka baahay ee laga hadal hayo baraha bulshada ayey dad badani rumeysanyihiin in uu yahay kan dhabta ah ee lagasoo qaaday gudaha suuqyada Muqdisho.

Sawirkaa ayaa muujinaya madax ari oo ku sajalan bac, kaas oo laga fiiqay haraga.

Madax Ari
Qoraalka sawirka,Madax Ari

Baaritaan aan ku sameynay sawirkaas ayaa muujinaya in uu yahay mid aan laga lahayn ama lagu qaadin gudaha Soomaaliya, waxa muuqata in aysan lahayn suuqyada Muqdisho.

Sawirka ayaa waxaa lagu daabacay bogga Facebook ee suuq iibiya noocyada kala duwan ee hilibka xoolaha iyo adeegyada kaleba, kaas oo laga leeyahay dalka Libya bishii 21 kii bishaan October, waxana lagu magacaabaa, [ Summit Company for Importing Foodstuffs], iyadoo barta ay ku leeyihiin Facebook-ga ku baahiya waxyaabaha la xiriira badeecadooda.

Baraha bulshada gaar ahaan Soomaalida dhexdeeda ayaa inta badan lagu baahiyaa warar abuur ah, iyadoo dadka qaar aysan waqti badan ku bixinin baaritaanka sax ahaanshaha ee waxa la baahiyay.

Waxa ay noqon kartaa in dadka qaar ay u isticmaalaan qaab dacaayad ah iyadoo dad kale ku weeraraya warar been abuur ah, balse marka lasii baaro noqon kara waxyaabo been abuur ah.

Khayraadka Xoolaha ee Soomaaliya

Waxaad arkaysaa dhaqaalaha soomaaliya in uu ku salaysanyahay ama ku tiirsanyahay waxyaabo fara badan, ayadoo ay ugu horayso xoolaha, dhulbeeraadka, xeeb laga kaluumaysankaro iyo waxyaabaha kale.

Soomaaliya ayaa dalal dibadda ah oo u badan dalalka Carabta waxa ay dhoofisaa xoolaha nool haba ugu badnaato xilliyada ciidda carrafo.

Walow ay jiraan waxyaabo badan oo Soomaaliya uga yimaada ama loogasoo dhoofiyo dalalka caalamka, haddana kama mid ahayn waxyaabaha sida hilibka xoolaha oo kale ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*