
Maxaa ka soo kordhay weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen hotel ku yaalla Beledweyne, yaase ku dhintay
12th March 2025 admin Category :
Maxaa ka soo kordhay weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen hotel ku yaalla Beledweyne, yaase ku dhintay
Weerar qaraxyo ku billowday ayaa saaka lagu qaaday hotel ku yaalla galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasoo wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in la isku gabbal dhacsaday.
Qaraxa ka dib ayaa waxaa gudaha u galay hoteelka dabley hubaysan, ayadoo la maqlayey rasaas xooggan oo ka dhacaysay gudaha hoteelkaas.
Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas lagu qaaday Hotel Qaahira, halkaasoo ay shir ku lahaayeen odayaal dhaqameed ka tirsan beel halkaa degta oo sida ay dad goobjoogeyaal ah sheegeen ka arrinsanayey sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gobolka iyo gobollada u dhow.
Ilaa hadda wax badan lagama oga khasaaraha dhabta ah ee halkaa ka dhacay maadaama uu dagaal weli ka socdo gudaha hoteelka, laakinse inta la hubo ayaa ah in ay ilaa 10 qof ay ku dhinteen, kuwaasoo ah dadkii ku jiray gudaha hoteelka.
lo xog-ogaal ah ayaa BBC u xaqiijiyey in dadka dhintay ay ku jireen seddex nabaddoon oo ka mid ah odayaashii halkaa ku shirayey, waxaana magacyadooda lagu sheegay Aadan Raaxo-jecel, Aadan Indhobuur, iyo Maxamed Cismaan (Ileynaa), halka nabadoon magaciisa lagu soo koobay Islow uu ka badbaaday, laakinse uu dhaawac soo gaaray.

XIldhibaan Daahir Amiin jeesow oo deegaankaas ka soo jeeda oo BBC la hadlay ayaa dhankiisa xaqiijiyey geerida laba ka mid ah odayaasha, wuxuuna intaa ku daray indagaalku uu weli socdo. Xog madax banaan oo aan ka helnay dad xog-ogaal ah ayaa iyadana sheegaysa in Hoteelkaas ay yaalleen hub iyo rasaas loogu tala galay in beeshaas ay ku gasho dagaalka Al shabaab.
Xildhibaan jeesow wuxuu intaa ku daray in Al Shabaab ay soo geliyeen ilaa labaataneeyo nin oo isugu jira kuwii weerarka tooska ah hotelka ku qaaday iyo kuwo jidadka ka dagaallamay. “Magaalada waa laga saaray, meydkoodiina waddooyinka ayey yaallaan” ayuu yiri Daahir Jeesow .
Laakinse xildhibaanku wuxuu qiray, sida ay BBC-na xogta ku helayso, in dagaalka gudaha hoteelka ka socda aan weli la soo afjarin.
Dhanka dhaawacyada wuxuu sheegay in ay jiraan dhaawacyo duleedka magaalada lagu daweynayo. “Waxaa jira dhaawacyo lagu daweynayo Ceel Jaalle, kuwaasoo aan doonayno in Xamar loo soo qaado”.
Dhankooda – dadka aan goobta joogin – ayuu sheegay in ay wadaan qorshe dhaawacyada wax loogu qabanayo, sida in la raadiyo dayaarado dhaawaca lagu soo qaado. “Waxaa muhiim ah in dagaalka la soo afjaro. Waxaan la hadalnay ciidanka Itoobiya, waxaana muhiim ah in la helo ciidan hub waaweyn haysta oo dhulka soo dhigi kara, ilaa saaka macawisley ayaa la dagaallamaysay, in guriga oo dhan dhulka la dhigo ayey noqonaysaa” ayuu yiri xildhibaan jeesow.
BBC si toos ah uma xaqiijin hadalka xildhibaanka ee ah in macawisley oo kaliya ay lal dagaallamayeen miliishiyada gudaha hotelka ku jirta. Laakinse wararkii ugu dambeeyey ee aan ka helno Beledweyne waxay sheegayaan in aan weli hotelka laga saarin dableydii weerarka soo qaadday oo la isku gabbal dhacsaday.
Waa markii ugu horreysay ee dagaal noocaas ah oo saacado aad u dheer socdaa uu ka dhaco Beledweyne. Hore Al shabaab waxay xilliyo kala duwan weerarro qaraxyo ah iyo kuwo ku dhufoo ka dhaqaaq ah ugu qaadeen xarumo ku yaalla Beledweyne oo isugu jira kuwa dawladda, kuwa ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika iyo xataa goobo ay dadweyne ku shaahayeen, ayagoo dilay dad xilal hayey iyo dad rayid ah intaba.