16th September 2024  admin  Category :

Maxaa ka jira warqadda la sheegay inuu Golaha Shacabka soo saaray ee lagu ansixiyay kursiga Fahad Yaasin?

Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay warqad lagu baahiyay Baraha Bulshada, taas oo ku saabsan kursiga Hope #086 ee loo doortay taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir balse horay loo hakiyay.

Xafiiska Guddoomiyaha oo barta Facebook ku shaaciyay inay warqaddaan been abuur tahay ayaa sidoo kale hacabka Soomaaliyeed uga digay inay ka digtoonaadaan warqadaha noocan oo kale ah.

“Xafiiska waxaa uu baaritaan ku sameeynayaa cid allaale cidii ka dambeysay falkaan, waxaana lala tiigsan doonaa sharciga.” ayaa la yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*