16th September 2024  admin  Category :

Maxaa ka jira in Pakistan ay gantaalo casri ah siisay Iran?

Wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa beenisay warbixin uu qoray wargeys ka soo baxa Israa’iil oo sheegayay in Pakistan ay gantaallada Shaheen-3 siin doonto dalka ay deriska yihiin ee Iran, haddii ay sii xumaato xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Iiraan.

Wargeyska Israa’iil ee ‘Jerusalem Post’ ayaa warkan ku sheegay isagoo oo sheegay in warkan ay ka hleen ‘ilo dhowr ah oo Carbeed’.

Jimcihii, Mumtaz Zahra Baloch, oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan, ayaa sheegtay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah.

Waxa ay intaa ku dartay in wararkan ay yihin kuwa ay ka dambeeyaan “gurracan” ayna tahay in la iska xaqiijiyo.

“Ka hor inta aan dareenka la siin wararkan aan sal iyo raad toona lahayn, waxaa muhiim ah in la eego ajandayaasha gurracan ee ka dambeeya” ayay ku tiri bayaankeeda

Afhayeenka oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in xilliyo xasaasi uu ku jiro gobolka bariga dhexe. “Waxaan ka codsan doonaa dhammaan dhinacyada, oo ay ku jiraan warbaahinta, inay ka fogaadaan faafinta wararka been abuurka ah”

Pakistan ayaa tijaabisay gantaalka Shaheen-3 oo ah bishii April 2022. Sida laga soo xigtay ciidamada Pakistan, gantaalkani waxa uu gaaraa 2750 km.

Pakistaan ayaa ah dalka kali ee Muslim ah ee hadda la ogyahay inay haystaan hubka Niyukleerka.

31 bishii aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii hogaamiyihii Xamad Ismaaciil Hayyeh lagu dilay magaalada Tehraan ee xarunta dalka Iran.

Awoodda ciidan iyo hub ee Iran

Awooda gantaalaha ee Iran ayaa ah qayb muhiim ah oo ka mid ah awooddeeda ciidan

Dowladda Iran ayaa dilkaasi ku eedeysay Israa’iil in ay ka dambeyso, balse israa’iil ilaa iyo imika kama aysan hadal arrintan.

Geeridii Ismaaciil Haniya kadib waxaa cirka isku sii shareertay xiisadda u dhaxeysa Iran iyo Israel, waxaana Iran ay sheegtay inay si adag uga jawaabi doonto dilka hogaamiayaha Xamas.

Tirada militariga Iiraan ayaa lagu qiyaasaa 523,000 oo leh cutubyo kala duwan ee ciidammada, sida uu sheegay machadka barashada istaraatijiyada ee fadhigiisu yahay UK.

Waxaa tiradani ka mid ah 350,000 oo ah ciidamada rigliga ah, iyo ugu yaraan 150,000 oo ah ciidamada ilaalada kacaanka ee loo soo gaabiyo (IRGC).

Waxaa sidoo kale jira 20,000 oo kale oo ah ciidamada badda isla markaana qeyb ka ah kuwa ilaalada kacaanka Islaamiga ee Iiraan.

Waxay ciidamadan ku howlgalaan tiro ah doomaha ilaalada xeebaha iyaga oo si gaar ah uga howlgala marin biyoodka Hormuz, oo horey dhowr iska hor imaad oo lagu afduubtay Maraakiib uu uga dhacay 2019.

Ciidamada ilaalada kacaanka Iran waxay sidoo kale maamulaan guutada lagu magacaabo Basij, oo ah xoogag si tabarucaad ah u howlagala islamarkana gacan ka geysta cadaadiska lagu sameeyo dadka dowladda ka soo horjeeda ee gudaha Iran.

Ciidammada ilaalada kacaanka Iiraan ee IRGC ayaa waxaa la asaasay 40 sano ka hor si ay u difaacaan nidaamka islaamiga ah ee Iran.

Awoodda gantaalada Iran waa mid ka mid ah quwadeeda militari ee ugu muhimsan, iyada oo ay jirto in awoodda dhanka cirka ay ka liidato marka loo barbar dhigo dalalka ay is hayaan sida Israa’iil iyo Sacuudia.

Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ayaa ku tilmaamtay in awoodda Gantaallada Iiraan ay yihiin kuwa ugu balaadhan bariga dhexe.

Gantaallada ayaa ka kooban kuwa riddada gaaban iyo Gantaalada riddada dhex.

Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in Iran ay tijaabinayso Tiknoolajiyadda hawada sare si ay awood ugu yeelato hormarinta gantaalada qaaradaha isaga gudba oo iyagu meel fog gaari kara.

Hasa yeeshee, barnaamijka gantaallada riddada dheer ayay Iran hakisay taasi oo qeyb ka aheyd heshiiskii Niyukleerka ee ay Iran 2015 la galeen dalalka quwadaha waawayn, sida laga soo xigtay machadka Royal United Services Institute (Rusi).

Balse, Iiraan ayaa mar kale dib u bilaabi kartaa barnaamijkaasi iyada oo la eegayo hubinti la’aanta heshiiskaasi.

Hasa yeeshee, Gantaalada Iraan ayaa gaadhi kara Sacuudiga iyo gacanka Carbeed, waxaana sidoo kale suuragal ah in ay Israa’iil bartilmaameedsan karaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*