11th January 2025  admin  Category :

Maxaa ka jira eedeynta ah in dhoofka xoolaha Soomaaliya loo xiray shaqsi ajnabi ah

8 Saacadood ka hor

Warar aanay BBCdu u xaqiijin karin si madax banana ayaa sheegaya in dhoofka xooolaha Soomaaliyeed ay dowladda Soomaaliya u xirtay ganacsadde Ajanbi ah, arrintaasoo ay qeylo dhaan ka muujiyeen ganacasatada xoolaha iyo xildhibaano ku dhow ilaa 100 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya .

Xildhibaannada oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray warqad ku saabsan cambaareeyn ku aadan dowladda Soomaaliya oo ah in qof Ajnabi ah si gaar loogu xiray dhoofinta xoolaha Soomaaliyeed.

Xildhibaanada ayaa dhanka kale ka digay in haddii dowladda ka laaban weydo go’aankaas ay qaadi doonaan tallaaboyin kale.

Waxay ku doodeen in go’aankankaasi uu wiiqayo ganacsigii xoolaha gudaha, uuna khatar weyn ku yahay madax-bannaanida dhaqaalaha Soomaaliya.

Xoolo dhoofaya

Xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif oo ka tirsan xubnaha soo saaray warqadda dowladda lagu cambaareynayo oo BBCda la hadlay ayaan weeydiinay hadddi ay wax caddeyn ah u haayaan warka sheegay in xoolaha Soomaaliya loo xiray hal shaqsi oo shisheeye ah, waxaana uu kaga jawaabay ” waxa aan caddeyn u haynaa ganacsatadii Soomaaliyeed oo ka cabaneysa meel walba iyo goobihii ay ka dhoofi jireen xooluhu xog naga soo gaaraysa”.

Mar la weeydiiyay Xildhibaan Mursal in xogtaasi ay hayaan ay kala hadleen dowladda iyo in kale waxa uu sheegay ” in hadda Baarlamaanku uu fasax ku maqan yahay, marka uu baarlamaanku fasax ku maqan yahayna ay adag tahay in la qaado tallaabooyinkii dastuuriga ahaa oo dowladda lagula xisaabtamayo, sida in loo yeero wasaaradda ay quseyso macquul ma aha” isagoo intaasi ku daray in arrimahaasi awgeed xalku uu yahay in aan warqad digniin ah in aan ka qorno aan is tusnay” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa ku dooday in dhaqanka ah in shaqsiyaad loo xiro ganacsiyada qaar uu ahaa “mid waayadan isa soo tarayey” ayna horey ugusoo arkeen meelo badan oo shaqsiyaad ama shirakado loo xiray.

Xildhibaanka ayaa sheegay haddii baaqooda la dhageysan waayo ama ay dowladda ka heli waayaan jawaab ay ku qancaan in marka baarlamaanku uu dib u furmo bisha soo socota ay qorsheynayaan “in ay u yeeraan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo wasiirkeeda iyo sidoo kale mamaulka sare , Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiiska Ra’iisulwasaaraha” isagoo intaas ku daray “haddii ay jawaabo waafi ah ay naga siin waayaan tallaabooyin cad-cad oo sharciga iyo dastuurka dalka u yaalla ayaan xukuumadda ka qaadi doonaa”.

Sayladaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanideeda ee Somaliland, waxaa hakad ku jira muddo ku dhow laba toddobaad howlihii dhoofka xoolaha.

Ma aha oo kaliya xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya cidda cabashada ka muujisay go’aankan la sheegay in dhoofinta xoolaha Soomaaliya loogu xiray hal gancasade oo ajanabi ah, balse sida ay sheegeen qaar ka mid ah ganacsatada dhoofka Xoolaha iyo kala iibsiga sayladaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanideeda ee Somaliland, waxaa hakad ku jira muddo ku dhow laba toddobaad howlihii dhoofka xoolaha kadib markii ganacsatada dhoofisa Xooluhu ay sheegeen in ay diiddan yihiin ganacsade ajnabi ah oo kooto loogu xiray dhoofinta Xoolaha Soomaalida ee taga dalka Sucuudiga.

Ganacsatadaasi ayaa sheegay in arrintani ay saameysay ganacsigooda xoolaha, sidoo kalena Dekedda Berbera laga joojiyey in ay ka baxaan Xoolo gaaraya 80 kun oo Neef.

Cabdirisaaq Maxamuud Ibraahim oo ka mid ah ganacsatada Xoolaha ee Somaliland, oo cabashada ka muujiyey ninkan Ganacsadaha ah ee la sheegay in Dhoofka Xoolaha loo xiray oo BBCda la hadlay ayaa sheegay : “iyadoo xoolahu ay yihiin lafdhabarta dhaqaalaha soomaalida in arinkani uu saameyn ku yeeshay iibkii xoolaha”. Isagoo intaasi ku daray in waxa dhabta ah ee ay ka cabanayaan ay tahay in ganacsigii xoolaha dhamaan qof gaar ah gacanta loo geliyo oo la yiraahdo “kaligii ayaa xoolaha dhoofin karo oo maxjarkiisa oo qura ayey ka baxayaan”.

Isagoo faahfaahinayey saameeynta arinkaas Cabdirisaaq Maxmuud Ibraahim ayaa sheegay “saameynta ka dhalatay waxa weeyaan ganacsi dhan oo lafdhabar u ah noloshii bulshada ayaa la joojiyay, ka soo billow qofkii reer miyiga ahaa ee xoolaha haystay raashin buu u baahan yahay, biyuu u baahan yahay , xoolahana intii uu iibiyay ma ahee inta kale calaf buu ugu baahan yahay, qofkiina maantay waxba ma hayo oo neefkiisii iibkii ayaa ka joogsaday” ayuu yiri Cabdirisaaq oo intaas ku daray in ninkii dalaalka ganacsatada caawinayey isagana noloshiisa ay saameyn ku yeelatay iyo sidoo kale ninkii ganacsadaha ahaa oo isagana uu qarash ku socdo oo uu khasaaryo.

Cabdirisaaq waxa u sheegay haddii uu arinkani sii socdo in uu guud ahaan mujtamaca Soomaaliyeed uu dhaqaalihiisa toos u saameyn doono.

Dhoofinta xooluhu waa mid ka mid ah tiirarka ugu weyn ee dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna si weyn uga qayb qaataan maciishada iyo dakhliga Qaranka iyadoo dad kala duwan ay siyaabo kala duwan ugu tiirsan yihiin ganacsiga xoolaha .

Dhanka kale shir ay iskugu yimaadeen ganacsatada Xoolaha iyo gaadiidleyda gobolka Hiiraan ayeey cabasho kaga mujjiyeen go’aankaas xoolaha loogu xiray ganacsadaha ajnabiga ah.

Dadka ku xeel dheer ganacsiga xoolaha ayaa sheegay in neefka xoolaha ay ku nool yihiin dad kala duwan oo kala ah ninka gada xoolaha, ninka soo qumiya ama raaca , ninka ku rara gaariga, iyo ninka leh gaariga, iyo qaar kale oo siyaabo kala duwan ugu tiirsan.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaan ilaa iyo hadda wax jawaab ah ka bixinin eedeynta culus ee kasoo yeertay mudanayaasha baarlamaanka iyo qaar ka mid ah dadka ka ganacsadata xoolaha.

Dhanka kale, waxaan la xiriirnay gudoomiyaha guddiga iibka xoolaha ee baarlamaanka Soomaaliya, waxa uuna noo sheegay in aanu war ka hayn cabasho la xiriirta arrinkaan.

Ilaa 70% xoolaha Soomaalida oo isugu jira geela, lo’da, ariga iyo idaha oo qiimahooda sannadkii lagu qiyaasay $1 Bilyan 2023 ayaa loo dhoofiyaa boqortooyada Sacuudiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*