
29th March 2025 admin Category :
Maxaa ka dhalankara xariga duqa magaalada Istanbul oo si weyn uga soo horjeeda Erdogan?
Duqa magaalada oo si weyn uga horjeeda madaxweyne, Recep Tayyip Erdogan, ayaa si rasmi ah loo xiray iyadoo lagu soo eedeeyay musuqmaasuq.
Ekrem Imamoglu oo ah duqa magaalada Istanbul ayaa la filayay in xisbiga Jamhuuriga ee CHP u xushaan in uu u noqdo masharax madaxweyne doorasho maanta oo Axad ah la filayay in ay dhacdo.
Mamoglu waa beeniyay eedahaas. Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu sidan ku yiri “Marna hoos isuma dhigayo”.
Xarigiisa Arbacada waxaa ka dhashay dibadbaxyadii ugu weynaa in ka badan 10 sano. Madaxweyne Erdogan ayaa cambaareeyay dibadbaxyada, wuxuuna ku eedeeyay xisbiga CHP in ay isku dayayaan “in ay carqaladeeyaan nabada, dadkana kala qeybiyaan”.
Sabtigii, ka hor inta aysan dibadbaxyada si rasmi ah u bilaaban, waxaa hawada banaanka xafiiska duqa magaalada ka buuxday sunta dadka ka ilmeysiisa. Dibadbaxyada waxay sii xogeysteen fiidkii. Dadka waxaa ku adkaatay neefsiga kaddib markii dhowr jeer hawada lagu sii daayay sunta dadka ka ilmeysiisa.
Dadweynaha ayaa ku qeylinayay erayo ay ka mid yihiin “xuquuq, sharci iyo cadaalad”. Dadweynaha oo isugu jiray da’ walba waxay ka horyimaadeen go’aanka dowladda ay ku mamncuuday in laysku yimaado oo loo dibadbaxo. Waxay dadweynaha u arkayeen in ay ka dibadbaxayaan xarig sharci darro ah.

Haweeney da’ yar oo dhar madow xiran wajigana u daboolnaa ayaa BBC-da u sheegtay in aysan u soo bixin sababo siyaasadeed ama in ay taageersan tahay mucaaradka balse ay u timid in ay difaacdo dimuqraadiyada.
“Waxaan halkan u imid cadaalad, waxaan halkan u joogaa xoriyad. Waxaan nahay dad xor ah. Dadweynaha Turkiga ma ogolaan karaan tan. Arrintan waxay ka horjeeda dhaqankeena iyo ilbaxnimadeena.
Haweeney kale oo soo wadatay wiilkeeda oo 11 jir ah si uu mudaaharaadka uga qeybgalo ayaa ku sheegtay sababta ay u keentay wiilkeeda in ay tahay iyadoo ka welwelsan mustaqbalkiisa.
“In Turkiga lagu noolaado way sii adkaaneysaa maalinba maalinta ka dambeysa, nolosheena gacmaha ayey ka baxday, ma dooran karno cidda aan dooneyno, halkana cadaalad dhab ah kama jirto” ayey tiri haweeneydaas.
Waxaa iska cad in qof kasta oo BBC-da la hadashay uusan dooneyn in uu bixiyo magaciisa ama uu bannaanka keeno wajigiisa. Dadka ay BBC-da la hadashay ma dooneyn in magacooda iyo wajigooda la aqoonsado.
In badan oo wadooyinka u soo baxay habeenkii sabtiga waxay ku dhiiradeen in la xiro. BBC-da waxay u sheegeen sababta ay u soo baxeen in ay tahay in ay u dagaallamaan mustaqbal ay aaminsan yihiin.
Magaalooyinka Ankara iyo Izmir waxaa la geeyay boolis adeegsanaya dhuumaha biyaha xoogga u tuura si dibadbaxyada loo kala eryo

Afartii habeen ee la soo dhaafay, kumanyaal ayaa wadooyinka u soo baxay Turkiga oo dhan. Inta badan dibadbaxyada waxay ahaayeen kuwa si nabad ah ku dhacay.
Masu’uuliyiintu waxay isku dayeen in wadooyinka Istanbul aysan dadweynaha ku mudaaharaadin muddo far maalmood ah. Marka laga reebo Istanbul waxaa dibadbaxyada laga mamnuucay Ankara iyo Izmir. Dibadbaxyada ayaa ku baahay dalka oo dhan.
Ilaa iyo kahmiistii, booliska rabshadaha ka hortaga waxay si joogta isaga horyimaadeen dibadbaxayaasha, waxaana la arkayay iyagoo adeegsanaya suntan dadka ilmeysiisa iyo dhuumaha biyaha xoogga u tuura si ay u kala eryaan dadweynaha isu soo baxay.
Madaxda Turkiga waxay sheegeen in habeenkii jimcaha la xiray 343 qof, waxay aheyd maalintii saddexaad oo dalka laga dibadbaxayo.
Imamoglu waxaa loo arkaa in uu yahay kan ugu xoogan mucaaradka Erdogan. Waa musharaxa kaliya ee u taagan xilka madaxweynaha ee Xisbiga CHP.
Arbacadii ayuu ka mid noqday dad ka badan boqol qof oo ay ku jiraan siyaasiyiin kale, wariyayaal iyo ganacsato loo xiray arrimo la xiriira baaris.
Maalin ka hor inta aan la xirin waxay jaamacada Istanbul ku dhawaaqday in ay kala noqotay shahaadada uu qaatay Imamoglu kaddib markii lagu eedeeyay wax isdabamarin. Waxay aheyd tallaabo hadii la hirgeliyo shaki gelineysa in uu tartanka madaxweynaha u istaagi karo.
Sida uu qabo dastuurka Turkiga, madaxweynaha waa in uu tacliin sare leeyahay si uu xafiiska u qabto.
Madaxweynaha Erdogan waxa uu xafiiska joogay 22-kii sano ee la soo dhaafay isagoo mar ahaa raysalwasaare marna madaxweyne mudadaas. Sida ku xadeysan mudo xileedka, uma tartami karo jagada madaxweynaha sanadka 2028 hadii uusan dastuurka beddelin.
Xubno ka tirsan mucaaradka waxay sheegeen in xariga ay siyaasad ka dambeyso balse wasaarada cadaalada waxay cambaareysa kuwa xariga la xiriirinaya Erdogan, waxayna ku adkeysteen in garsoorkoodu uu madaxbannaan yahay.